Qaramada Midoobay oo ka hadashay sharciga Dembiyada "Galmada" la xiriira ee Soomaaliya
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Koox la sheegay inay xiriir la leeyihiin IS oo qabsatay deked muhiim ah oo ku taalla Mozambique
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Mozambique waxaa horey uga dhacay weeraro ay geysteen maleeshiyaad ka howlgala halkaas
Kaddib dagaal xooggan muddo maalmo ah ka socday waqooyiga
Mozambique, waxay wararku sheegayaan in maleeshiyaad xiriir la leh ururka la
magac baxay khilaafada islaamka ay la wareegeen deked muhiim ah oo ku taalla
halkaas.
Sida ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan, magaalada Mocimboa
da Praia waxaa talaadadii la wareegay dagaalyahano islaamiyiin ah oo halkaas ka
saaray ciidamada dowladda.
Waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ay isaga carareen
magaalada.
Waxay arrintani dhabar jab ku tahay ciidamada dowladda
Mozambique.
Qaramada Midoobay oo ka hadashay sharciga Dembiyada "Galmada" la xiriira ee Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Hay'adaha waxay ka digayaan in sharcigan uu horseedo dhibaatooyiin kale oo dumarka loo geysto
Pramila Patten oo ah
wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabisan rabashadaha ku saabsan
xadgudubyada galmada ayaa ugu baaqday baarlamaanka Soomaaliya inay meesha ka
saaraan hindise sharciyeedka dembiyada "Galmada" la xiriira ay
dhawaan hor istaageen Golaha Shacabka
Waxay sheegtay in
sharcigan uu ka hor imaanayo xeerarka caalamka iyo kuwa gobolka ee looga
hortaggayo kufsiga iyo dambiyada la xiriira galmada.
“Sharciga wuxuu ka hor
imaanayaa xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha oo ay Soomaaliya kamid tahay
kaas oo dib u dhac weyn ku ah dagaalka ka dhanka xadgudubyada la xiriira
galmada ee ka dhaca Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka” ayay tiri Patten.
“Waa tallaabo adag oo dib u dhac ku ah
raadinta xuquuqda dhibanayaasha loo geysta xadgudbyada la xiriira galmada ee
Soomaaliya gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha” ayay tiri Michelle Bachelet,oo ah ergeyga
Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha.
Xildhibaannada golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka
Soomaaliya ayaa is hortaagay in la ansixiyo ajandaha kulankoodii sabtidii
dhacay ee ku saabsanaa Akhrinta Koobaad ee sharciga dambiyada galmada la
xiriira.
Waxay diidmada sabab uga
dhigeen in sharcigan iyo ciwaanka uu wataba aanu u qalmin dadka Soomaalida isla
markaana uu lid ku yahay dhaqanka iyo diinta Islaamka.
Sharcigan oo ay soo
gudbisay xukuumadda ayaa la doonayay in akhrintiisa koobaad la bilaabo ka dibna
laga doodo, balse xildhibaannada ayaa ku tilmaamay mid aan u qalmin in laga
hadlo.
Webiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe
Waxaa iso soo tareysa
saameynta uu fatahaadda wabiga shabeelle uu geysanayo gobolka shabeellaha
dhexe iyadoo ay deegaanno horleh biyahu gaareen waxaana ka mid ah kuwa
hoostaga degmooyinka Jowhar,Mahadaay,iyo Balcad.
Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Bella Sheegow ayaa ka warrameysa.
Qoraalka Codka, Fatahaadda wabiga Shabeelle
Al Shabaab oo weerartay tuulo ku taalla gobolka Mudug
Ugu yaraan
12 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka ka dhacay tuulada
Shabeellow oo qiyaastii 25km bari uga beegan deegaanka Bacaadweyn ee gobolka
Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo aad
u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay waaberigii
ku jarmaadeen tuulada oo ay fadhiyeen milishiiyo deegaanka ah oo xiriir la leh
ciidamada dawladda.
Dadka
dhintay ayaa isugu jiray rayid iyo kooxihii uu dagaalku dhexmaray. Dhaawacyo
ayaa sidoo kale la soo weriyay inay jiraan.
Dhinaca kale
war ka soo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegeen in duulaanka saaka ay ku qaadeen
tuulada Shabeellow ee gobolka Mudug ay ku dileen sedex iyo toban askari oo ka
tirsan ciidamada maamulka Galmudug, waxayna beeniyeen inay deegaanka u tageen
inay ka qaadaan sakawaad iyo in ay askar ka qortaan dhalinta deegaanka.
War
goordhaweyd soo dhacayna waxa uu sheegayaa in dagaal dib uga bilowday aaggagii
saaka la isku farasaaray gaar ahaan warrarka aan helayno waxay sheegayaan in
dagaalku hadda ka socdo dhul u dhexeeya Caad iyo Bacaadweyn oo ka tirsan
gobolka Mudug.
Halkee kale ayay dunida uga keydsan tahay kimikadii ku qaraxday Beyrut?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Warshad soo saarta Ammonium nitrate oo ku taalla Faransiiska
Kaddib maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday Beyrut oo ay ku
dhinteen in ka badan 200 qof ayaa waxaa haatan isa soo tarayaa walaaca ku
saabsan halka lagu keydiyo kimikadaas.
Kimikadan waa mid si weyn looga adeegsado dunida gaar ahaan bacriminta
ama waxyaabaha qarxa ee lagu soo saaro macddanta.
Balse
waxaa jiraa shuruucyo adag oo ku saabsan halka iyo waqtiga goob lagu keydinayo.
Inta badan waxaa
lagu keydiyaa goobo qarsoodi ah maadama ay jirto suurtagalnimada ah in laga
sameyn karo qaraxyada.
Hindiya
Ku dhawaad 740 tan oo maaddada ammonium nitrate ayaa lagu keydiyay
goob deegaan ah oo qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirta magaalada Chennai oo ah
mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Hindiya, muddo 5 sanno ah ayay halkaas ku
keydsan tahay.
Mas’uuliyiinta gobolka koonfurta ee Tamil Nadu ayaa dacwad ka
gudbiyay shirkaddii maaddada ammonium nitrate ka kentay Kuuriyada Koonfureed
sannadkii 2015-kii, taas oo ku anddacootay in loogu talagalay maaddadaas
bacriminta.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qaraxii Beyrut
Yemen
Xeer ilaaliyaha guud ee Yemen ayaa amar ku bixiyay in la baaro warar ay warbaahinta sheegayeen oo ahaa in 100 konteenar oo ammonium nitrate ah lagu keydiyay dekedda magaalada koonfurta ku taalla ee Cadan.
Waxay sheegeen in kimikada lasoo geliyay dalka saddex sano ka hor isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sucuudiga ee taageerayo dowladda Yemen.
Ciraaq
Dowladda Ciraaq waxay amar ku bixisay in dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo walxo halis ah oo lagu keydiyay dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas, waxay ogaadeen in ammonium nitrate lagu keydiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Shixnad ammonium nitrate ah oo lagu qabtay Indonesia sanadkii 2016-kii
Australia
Ka hor inta uusan qaraxa ka dhicin magaalada Beyrut, shacabka ku dhaqan magaalada Newcastle ee gobolka New South Wales ee dalka Australia waxay codsanayeen in kimikada ammonium nitrate oo lagu keydiyay meel 3 kiiloomitar u jirta magaalada laga raro halkaas.
Dekedaha UK
Waxaa bilowday baaritaan ku saabsan maaddada ammonium nitrate oo si weyn loogu keydiyay dekedaha ku yaalla Lincolnshire iyo Immingham iyo sidoo kale goobo kale oo ku yaalla gobolka Humber.
Waaxda ABP oo maamusha goobahan ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta dekedaha UK ay tahay inay raacaan shuruucda adag isla markaana ay xaqiijiyaan in kimikada meel wanaagsan lagu keydiyo iyadoo la ilaalinayo ammaanka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dekedda Immingham ee UK
Kenya oo weydineyso Ruushka tallaalka Corona ee ku dhawaqaay
Xigashada Sawirka, EPA
Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in Ruushka ay weydisanayaan tallaalka cudurka Covid-19 ee uu shaaca ka qaaday, sida ay ku warrantay warbaahinta Capital FM.
"Waxaan la xiriirineynaa Ruushka, waxaan kala shaqeyn doonaa sidii lagu xaqiijin lahaa in tallaalka uu yahay mid waxtar leh oo aan adeegsan karno" waxaa sidaas sheegtay Mercy Mwangangi oo kamid ah saraakiisha ugu sarreysa wasaaradda caafimaadka.
Waxay arrintani ka dambeysay markii Ruushka uu noqday dalkii ugu horreeyay ee caalamka ee ku dhawaaqo tallaalka ka dhanka ah feyraska Corona.
Khubarada ayaa walaal ka muujiyay sida degdegga ah ee Ruushka uu shaqadan u qabtay, waxayna sheegeen in cilmi-baarayaasha Ruushka ay suuragal tahay in ay si boobsiis ah u sameeyeen tallaalka.
Kenya waxay diiwaan gelisay 27,425 oo kiisaska cudurka ah.
Haddaba sidey ku suurogashay labo qori oo laga dafay
ilaalada xabsiga in loo adeegsado israsaaseyntii ka dhacday xabsiga dhexe ee
Muqdisho iyo qaabkii loo maareeyay dhacdadaas waxaan wax ka weydinayay
taliyihii hore ee ciidamada nabad sugidda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Tuuryare.
“Waa dayac iyo habacsanaan xabsiga gudihiisa ka jira dadka
xabsiga maamula iyo habka amnigiisa u sugan yahay iyo sahlanaansho la
sahashaday”
“Meeshaas ciidan asluub ah oo loo tababaray dad mukhaadaraad
waxaas loo soo xiray ilaalintooda kaliya ah kuma filna, ha’yadaha kale oo amniga
in meesha xabsiga ku yeeshaan dad uga soo warrama oo waardiyaha qeyb ka hayo”
ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare.
Qoraalka Codka, Cabdiraxmaan Tuuryare
Shaley dowladda waxay sheegtay in tirade dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho ay gaartay sagaal iyo toban qof, sida uu sheegay afahayeenka ciidanka asluubta.
Sii hayaha xilka ra'isul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa magacaabay guddi ka kooban lix xubnood oo baaraya sababta keentay iska hor'imaadkii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay galinkii dambe ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo sida ay ku suurtagashay in koox maxaabiis ah inta ay hub qaataan kadibna ay dagaalamaan.