You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Muuse Biixi oo qaabilay wefti ka socda Shiinaha

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tirada dadka ku dhintay qaraxii Beyruut oo gaartay 154

    Tirada dadkii ku dhintay qaraxii Talaadadii ka dhacay magaalada Beyruut ayaa gaartay 154, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan oo soo xiganeyso wasiirka caafimaadka.

    Ku dhawaad 120 qof oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa ku jiraa xaalad halis ah, in badan oo kamid ah dadkaas waxay u baahan yihiin qalliin, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee Lubnaan, Xamad Xasan.

  2. Muuse Biixi oo qaabilay wefti ka socda Shiinaha

    War kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu qaabilay wefti heersare ah u hogaaminayo wakiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Afrika.

    Waxay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarka.

    Dhinaca kale,Waxa magaalada Hargaysa ee xarunta Jamhuuriyadda Goonni Isu-taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland maalmahan joogay wefti uu hogaaminayo safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo doonayey in ay wadaxaajood la yeeshaan madaxda Somaliland.

    Waxaanay wararku tibaaxayaan in Shiinuhu doonayo in uu Somaliland ku qanciyo in ay ka noqoto xiriir dibolomaasiyadeed oo ay la yeelatay Taiwan oo ah dal waddamo tiro yar oo dunida ahi aqoonsanyihiin hase yeeshee Shiinuhu u arko qayb dhulkiisa ka mid ah.

    Ilaa hadda ma jirto wax faahfaahin ah oo ku saabsan arrintaas oo kasoo baxay kulankaas dhexmaray waftiga Shiinaha iyo Somaliland.

    BBC-da waxay isku dayday inay la xiriirto wasaaradda arrimaha Somaliland iyo safaaradda Shiinaha balse wax jawaab ah kama aanan helin. Wararka ayaa intaa ku daraya, in Somaliland dhankeedu ka cagajiidayso waxyaabaha uu u soo bandhigay shiinuhu, oo uu rabo inuu kaga beddesho inay ka noqdaan xiriirkooda Taiwan.

    Somaliland iyo Taiwan ayaa horraantii bishii hore ku heshiiyay heshiis dhanka iskaashiga ah.

    Wasiirka arrinmaha dibadda ee Somaliland, Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa xilliggaas sheegay inay soo dhaweynayaan iskaashi dhexmara labada dhinac.

    "Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan saxiixno heshiis dhanka diblomaasiyadda oo dhexmara labadeena dal", ayuu bartriisa Twitter-ka kusoo qoray wasiir Faratoon.

  3. Aroos ka dhacayay Beyruut oo uu saameeyey Qaraxu

  4. Maxay tahay sababta uu Mareykanka ugu baaqaya odeyaashan reer Afghanistan?

    Odeyaal gaaraya 3000 iyo wufuud kale oo ku sugan Afghanistan ayaa qabanayaa shir weyn oo looga hadlayo sidii dowladda ay kusii daayn laheyd 400 oo maxaabiis ka tirsan ururka Taalibaan.

    Sii deynta ayaa maxaabiista waxay kamid yihiin shuruudaha ay Taalibaan hor dhigeen wadahadallada ay la yeelan doonaan dowladda Afghanistan.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa ugu baaqay odeyaashan oo loo yaqaano Loya Jirga inay ansixiyaan sii deynta maxaabiista.

    Bishii Febraayo ayay aheyd markii Taalibaan ay heshiis la gashay Mareykanka kaas oo ku aadana in ciidamada shisheeye laga saaro Afghanistan.

  5. Muslimiinta Lagos oo maanta salad jamaaca ah masaajidda ku tukanaya

    Muslimiinta ku nool magaalada ugu weyn Nigeria ee Lagos ayaa maanta markii ugu horreysay saaladda jimcaha ku tukanayaa masaajidda kaddib ku dhawaad 4 bilood oo ay masaajidda xirnaayeen.

    Halka kaniisadaha dalkaas dib loo furayo axadda.

    Masaajidda iyo kaniisadaha dalka ayaa la xiray bishii Maarso si looga hortaggo fiditaanka feyraska Korona.

    Barasaabka gobolka Lagos ayaa sheegay in dib u furidda goobaha lagu cibaadeysto ay tahay astaan muujineyso horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurka.

  6. Ha'yadda ICG: Doorashada Soomaaliya ee la filayo waxay dib u dhac ku keentay wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland

    Hay'adda ka warranta xasaradaha adduunka ee ICG ayaa sheegtay in doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya ay dib u dhac ku keentay sii socoshada wadahadalladii Jabuuti ku dhexmaray Muqdisho iyo Hargeysa bartamihii bishii June.

    Guddi hoosyaadyo labada dhinac ah oo la filayay inay horraanta bisha July wadahadallada ka sii wadaan Jabuuti ayaan kulmin, waxaana taasi ay shaki gelisay fulinta waxyaabihii la isla meel dhigay.

    Sakariya Yuusuf waxa uu ka mid yahay hawlwadeennada hay'addaasi ICG u qaabilsan Soomaaliya, warbixintan cusub ee ay soo saareen ayuu BBC uga warramay.

  7. Mozambique oo beenisay inay wax ka ogeyd markabkii siday maaddadii ku qaraxday Beyruut

    Mas’uuliyiinta dekedaha dalka Mozambique ayaa beeniyay inay wax ka ogaayeen markabkii siday maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday magaalada Beyruut, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Markabka ayaa ku wajahnaa dekedda Beira ee ku taalla bartamaha Mozambique, sannadkii 2013-kii ayaa la sheegay in markabka uu maaddada ammonium nitrate ku dejiyay dekedda Beyruut isla markaana lagu keydiyay bakhaar ku yaalla halkaas.

    “Shaqaalaha dekedda wax war ah kama heyn in markabka MV Rhosus uu kusoo wajahnaa dekedda Beira” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay mas’uuliyiinta dekedda.

    Balse sarkaal sare oo ka tirsan waaxda dekedaha Mozambique oo aan dooneyn in magaciisu la sheego ayaa AFP u sheegay “Inkasta oo uu markabka ku wajahnaa dekedda Beira, maaddada uu siday markaba kuma aysan wajahneyn Mozambique balse waxay ku wajahneyn Zimbabwe ama Zambia, sababta oo ah maaddada ammonium nitrate waxaa laga sameeyaa waxyaabaha qaraxa dhaliya ee lagu soo saaro macddanta”

    Marine Traffic oo ah waax la socota dhaqdhaqaaqyada maraakiibta ayaa sheegtay in markab uu ka dul babanayay calanka Moldova uu markii ugu horreysay ku xirtay dekedda Beyruut 20-kii bishii Nofembar ee 2013 isla markaana uusan weligii halkaas ka dhaqaaqin.

  8. Afrika: Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Korona oo kor u dhaaftay hal malyan

    In ka badan malyan kiis oo feyraska Korona ah ayaa laga diiwaangeliyay qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Johns Hopkins.

    Kala bar kiisaskan waxaa laga diiwaan geliyay Koonfur Afrika.

    Inta badan dalalka waxaa aad u yar howlaha baaritaanka cudurka, waxay taasi ka dhigan tahay in kiisaska ay ka badan karaan kuwa ay dowladuhu diiwaan geliyeen.

    Agaasimaha xarunta ka hortagga cudurrada ee qaaradda John Nkengasong wuxuu BBC u sheegay in boqolkiiba 70 dadka u ku dhacay cudurka Afrika ay ka bogsadeen.

    Afrika, waxaa cudurka u dhintay 21,000 qof halka 670,000 ay ka kaceen.

    In ka badan 18.6 malyan qof ayuu guud ahaan caalamka ku dhacay Covid-19 halka 702,000​ qofna ay u geeriyoodeen, sida laga soo xigtay Ha’yadda Caafimaadka ee Adduunka.

  9. Kulan wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka