Tirada dadka ku dhintay qaraxii Beyruut oo gaartay 154
Tirada dadkii ku dhintay qaraxii Talaadadii ka dhacay magaalada Beyruut ayaa gaartay 154, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan oo soo xiganeyso wasiirka caafimaadka.
Ku dhawaad 120 qof oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa ku jiraa xaalad halis ah, in badan oo kamid ah dadkaas waxay u baahan yihiin qalliin, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee Lubnaan, Xamad Xasan.
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku qaabilay Hargeysa
War kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne
Muuse Biixi uu qaabilay wefti heersare ah u hogaaminayo wakiilka Shiinaha u
qaabilsan iskaashiga Afrika.
Waxay ka wadahadleen xoojinta
iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarka.
Dhinaca kale,Waxa magaalada Hargaysa
ee xarunta Jamhuuriyadda Goonni Isu-taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland maalmahan
joogay wefti uu hogaaminayo safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo doonayey
in ay wadaxaajood la yeeshaan madaxda Somaliland.
Waxaanay wararku
tibaaxayaan in Shiinuhu doonayo in uu Somaliland ku qanciyo in ay ka noqoto
xiriir dibolomaasiyadeed oo ay la yeelatay Taiwan oo ah dal waddamo tiro yar oo
dunida ahi aqoonsanyihiin hase yeeshee Shiinuhu u arko qayb dhulkiisa ka mid
ah.
Ilaa hadda ma jirto
wax faahfaahin ah oo ku saabsan arrintaas oo kasoo baxay kulankaas dhexmaray waftiga
Shiinaha iyo Somaliland.
BBC-da waxay isku dayday inay la xiriirto wasaaradda
arrimaha Somaliland iyo safaaradda Shiinaha balse wax jawaab ah kama aanan
helin. Wararka ayaa intaa ku daraya, in Somaliland dhankeedu ka cagajiidayso
waxyaabaha uu u soo bandhigay shiinuhu, oo uu rabo inuu kaga beddesho inay ka
noqdaan xiriirkooda Taiwan.
Somaliland iyo Taiwan ayaa horraantii bishii hore ku
heshiiyay heshiis dhanka iskaashiga ah.
Wasiirka arrinmaha dibadda ee Somaliland, Yaasin Xaaji Maxamuud
Faratoon ayaa xilliggaas sheegay inay soo dhaweynayaan iskaashi dhexmara labada
dhinac.
Maxay tahay sababta uu Mareykanka ugu baaqaya odeyaashan reer Afghanistan?
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Odeyaasha Loya Jirga
Odeyaal
gaaraya 3000 iyo wufuud kale oo ku sugan Afghanistan ayaa qabanayaa shir weyn
oo looga hadlayo sidii dowladda ay kusii daayn laheyd 400 oo maxaabiis ka
tirsan ururka Taalibaan.
Sii deynta
ayaa maxaabiista waxay kamid yihiin shuruudaha ay Taalibaan hor dhigeen wadahadallada
ay la yeelan doonaan dowladda Afghanistan.
Xoghayaha
arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa ugu baaqay odeyaashan oo loo yaqaano Loya
Jirga inay ansixiyaan sii deynta maxaabiista.
Bishii
Febraayo ayay aheyd markii Taalibaan ay heshiis la gashay Mareykanka kaas oo ku
aadana in ciidamada shisheeye laga saaro Afghanistan.
Muslimiinta Lagos oo maanta salad jamaaca ah masaajidda ku tukanaya
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Nigeria waxaa masaajidda la xiray bishii Maarso
Muslimiinta ku nool
magaalada ugu weyn Nigeria ee Lagos ayaa maanta markii ugu horreysay saaladda
jimcaha ku tukanayaa masaajidda kaddib ku dhawaad 4 bilood oo ay masaajidda
xirnaayeen.
Halka kaniisadaha
dalkaas dib loo furayo axadda.
Masaajidda iyo kaniisadaha
dalka ayaa la xiray bishii Maarso si looga hortaggo fiditaanka feyraska Korona.
Barasaabka gobolka
Lagos ayaa sheegay in dib u furidda goobaha lagu cibaadeysto ay tahay astaan muujineyso
horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurka.
Ha'yadda ICG: Doorashada Soomaaliya ee la filayo waxay dib u dhac ku keentay wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland
Hay'adda ka warranta xasaradaha adduunka ee ICG ayaa sheegtay in doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya ay dib u dhac ku keentay sii socoshada wadahadalladii Jabuuti ku dhexmaray Muqdisho iyo Hargeysa bartamihii bishii June.
Guddi hoosyaadyo labada dhinac ah oo la filayay inay horraanta bisha July wadahadallada ka sii wadaan Jabuuti ayaan kulmin, waxaana taasi ay shaki gelisay fulinta waxyaabihii la isla meel dhigay.
Sakariya Yuusuf waxa uu ka mid yahay hawlwadeennada hay'addaasi ICG u qaabilsan Soomaaliya, warbixintan cusub ee ay soo saareen ayuu BBC uga warramay.
Mozambique oo beenisay inay wax ka ogeyd markabkii siday maaddadii ku qaraxday Beyruut
Mas’uuliyiinta dekedaha dalka Mozambique ayaa
beeniyay inay wax ka ogaayeen markabkii siday maaddadii ammonium nitrate ee ku
qaraxday magaalada Beyruut, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.
Markabka ayaa ku wajahnaa dekedda Beira ee ku
taalla bartamaha Mozambique, sannadkii 2013-kii ayaa la sheegay in markabka uu
maaddada ammonium nitrate ku dejiyay dekedda Beyruut isla markaana lagu
keydiyay bakhaar ku yaalla halkaas.
“Shaqaalaha dekedda wax war ah kama heyn in
markabka MV Rhosus uu kusoo wajahnaa dekedda Beira” ayaa lagu yiri bayaan kasoo
baxay mas’uuliyiinta dekedda.
Balse sarkaal sare oo ka tirsan waaxda
dekedaha Mozambique oo aan dooneyn in magaciisu la sheego ayaa AFP u sheegay “Inkasta
oo uu markabka ku wajahnaa dekedda Beira, maaddada uu siday markaba kuma aysan
wajahneyn Mozambique balse waxay ku wajahneyn Zimbabwe ama Zambia, sababta oo
ah maaddada ammonium nitrate waxaa laga sameeyaa waxyaabaha qaraxa dhaliya ee
lagu soo saaro macddanta”
Marine Traffic oo ah waax la socota dhaqdhaqaaqyada
maraakiibta ayaa sheegtay in markab uu ka dul babanayay calanka Moldova uu
markii ugu horreysay ku xirtay dekedda Beyruut 20-kii bishii Nofembar ee 2013
isla markaana uusan weligii halkaas ka dhaqaaqin.
Afrika: Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Korona oo kor u dhaaftay hal malyan
Xigashada Sawirka, Reuters
In
ka badan malyan kiis oo feyraska Korona ah ayaa laga diiwaangeliyay qaaradda
Afrika, sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Johns
Hopkins.
Kala bar kiisaskan waxaa laga diiwaan geliyay Koonfur Afrika.
Inta badan dalalka waxaa aad u yar howlaha baaritaanka cudurka,
waxay taasi ka dhigan tahay in kiisaska ay ka badan karaan kuwa ay dowladuhu
diiwaan geliyeen.
Agaasimaha xarunta ka hortagga cudurrada ee qaaradda John
Nkengasong wuxuu BBC u sheegay in boqolkiiba 70 dadka u ku dhacay cudurka
Afrika ay ka bogsadeen.
Afrika, waxaa cudurka u dhintay 21,000 qof halka 670,000 ay ka
kaceen.
In ka badan 18.6 malyan qof ayuu guud ahaan caalamka ku dhacay
Covid-19 halka 702,000 qofna ay u geeriyoodeen, sida laga soo xigtay Ha’yadda
Caafimaadka ee Adduunka.
Kulan wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka