Warrarka laga helayo deegaanka Dhoobley ee degmada Afdmadow ee
gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay burburtay diyaarad
ay lahaayeen ciidamada difaaca Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka midowga afrika
ee Soomaaliya.
Diyaaradda oo ka kacday xalay garoonka ayaa daqiiqado uun kadib
ku dhacday meel aan ka fogeyn isla garoonka.
Burburka diyaaradda oo aan la ogeyn sababta keentay ayaa sababay
dhaawacyo soo gaaray duuliyayaashii iyo qaar kamid ah askarta Kenya ee diyaaradda
la socday, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maamulka degmada iyo
garoonka diyaaradaha.
Afahayeenka AMISOM Colonel Charles Okongo Imbiakha ayaa beeniyay in
dhaawacyo halis ay ka dhasheen shilka diyaaradda isla markaana askar saarneyd diyaaradda ay qaarkood dhaawacyo fudud soo gaareen.
Wuxuu sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno ku aadan waxa
sababay shilkaas.
"Diyaaraddan waxay ku gudo jirtay howlaheedii caadiga ahaa,
waxay waraaqo geyneysay magaalada Dhoobley, markii ay Kenya kusoo laaban laheyd
oo ay garoonka kasoo duuleysay ayay cilad ku timid waxayna ku dhacday meel
garoonka magaalada, 10-kii askari ee saarnaa diyaaradda ayaa dhammaantood
badqaba qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud waana la daweeyay,
xaaladdadooduna wey fiican tahay" ayuu yiri Colonel Charles Okongo Imbiakha oo la hadlayay BBC-da.
"Waxaa Dhoobley ku sugan koox ka socota ciidammada difaaca
Kenya ee KDF kuwaa oo isku dayaya inay ogaadaan waxa sababay in diyaaradda ay
burburto"