Teddy Afro oo qaaday hees uu kaga hadlayo muranka biyaha webiga Nile

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Haween ka shaqeeya kaalimaha shidaalka ee Hargeysa

    Magaalada Hargeysa e Caasimadda Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland waxaa maalmahaan dambe ku soo badanayay dumarka ka shaqeya kaalimiha shidaalka,shaqdaa oo markii hore ay raggu ku badaanaayeen waxaana qaybaha kale ee bulshada u arkaan arrintaan isbadal wanaagsan oo looga qaaday xagga u sinaanta shaqooyinka marka ay timaadu ragga iyo haweenka.

    Wariye Cabdullahi Jaamac oo jooga Hargeysa ayaa warbixintan noo soo diray.

    Qoraalka Codka, Hargeysa
  2. Hindiya oo banddow kusoo rogtay gobolka Kashmiir

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa banddow kusoo rogay qeybta ay ka maamusho gobolka Kashmiir ka hor sannad guurada kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday go’aankii ay aqoonsiga gaarka ah kaga la noqotay gobolkaas.

    Waxaana la xiray dhammaan waddooyinka waaweyn ee gala magaalada caasimadda ah Kashmiir ee Srinagar.

    Kumanaan ciidammo ah ayaa la geeyay gobolka, bandowga ayaa soconayaa muddo 2 maalmood ah.

    Saraakiisha waxay sheegeen in banddowga uu si rasmi ah uga dhaqan galayo halkaas kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayo in dibadbaxyo laga qorsheynayo deegaanada ay ku badan yihiin muslimiinta ee gobolka.

    Siyaasiyiinta gobolka waxay ku tilmaameen xuska sannad guurada maalin ‘mugdi ah’

    Siyaasiyiin dhowr ah oo kasoo jeedo Kashmiir ayaa weli xiran.

  3. Faahfaahin kasoo baxeyso diyaarad ay leeyihiin ciidammada Kenya oo ku burburtay Dhoobley

    Warrarka laga helayo deegaanka Dhoobley ee degmada Afdmadow ee gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay burburtay diyaarad ay lahaayeen ciidamada difaaca Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka midowga afrika ee Soomaaliya.

    Diyaaradda oo ka kacday xalay garoonka ayaa daqiiqado uun kadib ku dhacday meel aan ka fogeyn isla garoonka.

    Burburka diyaaradda oo aan la ogeyn sababta keentay ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray duuliyayaashii iyo qaar kamid ah askarta Kenya ee diyaaradda la socday, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maamulka degmada iyo garoonka diyaaradaha.

    Afahayeenka AMISOM Colonel Charles Okongo Imbiakha ayaa beeniyay in dhaawacyo halis ay ka dhasheen shilka diyaaradda isla markaana askar saarneyd diyaaradda ay qaarkood dhaawacyo fudud soo gaareen.

    Wuxuu sheegay in haatan ay socdaan baaritaanno ku aadan waxa sababay shilkaas.

    "Diyaaraddan waxay ku gudo jirtay howlaheedii caadiga ahaa, waxay waraaqo geyneysay magaalada Dhoobley, markii ay Kenya kusoo laaban laheyd oo ay garoonka kasoo duuleysay ayay cilad ku timid waxayna ku dhacday meel garoonka magaalada, 10-kii askari ee saarnaa diyaaradda ayaa dhammaantood badqaba qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud waana la daweeyay, xaaladdadooduna wey fiican tahay" ayuu yiri Colonel Charles Okongo Imbiakha oo la hadlayay BBC-da.

    "Waxaa Dhoobley ku sugan koox ka socota ciidammada difaaca Kenya ee KDF kuwaa oo isku dayaya inay ogaadaan waxa sababay in diyaaradda ay burburto"

    .
  4. Gabadh aabaheed oo xanuunsan baaskiil ku kaxaysay masaafo dhan 1200 KM

  5. Ciyaartoyda sida ula kaca ah u qufacda oo loo taagi karo kaarka cas

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Ciyaartoyda sida ula kaca ah ugu qufacda ciyaartoyda kale ama garsoorayaasha ciyaaraha ayay suurgal tahay in la siiyo kaarka cas, sida uu sheegeen kooxaha dejiya shuruucda kubadda cagta iyo xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska.

    Golaha ururka kubadda cagta ee adduunka ayaa sheegay in arrintaas ay soo hoosgaleyso sida 'ku kicidda fal dambiyeed iyo aflagaadaynba’.

    Ururka wuxuu intaas ku daray in 'dhammaan dambiyadaas ay tahay in garsooraha uu go’aan ka gaaro.

    Go’aankan ayaa imaanaya xilli dunida uu faro ba’an xanuunka safmarka ah ee feyraska korona.

  6. Sweden: Caro ka dhalatay gabadh yar oo ay dishay rasaas habow ah

    Dadka oo xusaya gabadha dhimatay

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dadka oo xusaya gabadha dhimatay

    Dadweynaha Sweden ayaa ka carooday gabadh yar oo 12 jir ah oo ay dishay rasaas habow ah, waxaana dalkaas ka taagan doodda ah dhibaatada ka dhalatay weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah.

    Gabadhan oo aan magaceeda la sheegin ayay rasaastu ku dhacday Axaddii xilli ay ku sugneyd agagaarka kaalin shidaal, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Booliska waxay bilaabeen baaritaanno ku aadan dhacdadaas.

    Saraakiisha ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah weerarada, Sweden waxaa sannadihii u dambeeyay sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda.

    Dhacdadan ayaa ka dambeysay kaddib markii koox dabley ah ay is ceersanayeen sidaas darteedna si aan ula kac aheyn ay rasaasta ugu dhacday gabadha, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

  7. Teddy Afro oo qaaday hees uu kaga hadlayo muranka biyaha webiga Nile

    Fanaanka caanka ah ee reer Itoobiya, Teddy Afro

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Fanaanka caanka ah ee reer Itoobiya, Teddy Afro

    Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Itoobiya Teddy Afro ayaa soo saaray hees uu ku taageerayo dalkiisa oo ku aadan muranka u dhexeeyo Itoobiya iyo Masar ee biyaha webiga Nile.

    Wuxuu heestiisa ugu magac daray ‘Sideen uga wada xaajoon karnaa webiga Nile?

    Wuxuu sheegay in dulqaadka uu meesha kasii baxayo isla markaana webiga uu dareemayo xanuunka shacabka.

    Itoobiya waxay u aragtaa biyo xireenka muranka badan dhaliyay mid horumar u ah dalkeeda, gaar ahaan marka si buuxdo loo dhameystiro mashruuca oo ay 65 malyan oo Itoobiyaan uu koronto siin doono.

    Halka Masar ay ka cabsi qabto in biyo xireenka uu saameyn ku yeelan doono heerka biyaha ee webiga kaas oo ay ku tiirsan yihiin shacabka dalkaas.

    Ka bood YouTube boggan
    Oggolow Google YouTube macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan YouTube Waxaa laga yaabaa inay ku jirta xayasiis

    Dhammaadka YouTube boggan

  8. Aqalka Sare ee Kenya oo maanta ka doodi doono dhaqaalaha la siiyo deegaano ay ku jiraan kuwa Soomalida

    Dalka kenya waxay dood ka taagan tahay saami qeybsiga dhaqaalaha dalkaasi.

    Waxaa maanta lagu wadaa in aqalka sanetka ee dalka Kenya ay ka doodaan isla markaana ay cod u qaadaan hanaanka qeybsiga dakhliga ama dhaqaalaha dalka.

    Hanaankan oo dhowr jeer ay xubnaha sanetka ay ka doodeen ayaan laga gaarin wax heshiis ah .

    Qaar ka mid ah degaanada dalka ayaa u arka in haddii nidaamkan sida uu yahay haatanlagu ansixiyo ay degaano badan lacago ku waayni karaan.

    Gobollada ay degaan dadka xoola dhaqatada ah oo woqooyi bari kenya ka mid yahay ayaa waayaya dhaqaale badan oo ay gobolladan heli jireen halka kuwa sida Nairobi iyo bartamaha Kenya ay heli doonaan dhaqaale aad u badan.

    Arrintaa waxaa diidan xildhibaannada woqooyi bari kenya. waxaa ka mid ah xildhibaan Bashiir Cabdillaahi Sheikh oo ku magac dheer Major Bashiir oo ah xildhibaan laga soo doorto waqooyiga Mandheera.

    Qoraalka Codka, .
  9. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .