Farmaajo oo kulan "hordhac" ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. "25 milyan oo qof oo u dhashay Iraan ayuu ku dhacay xannuunka coronavirus"

    EPA

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Xasan Ruuhaani

    Madaxweynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in 25 milyan oo qof uu Iraan u dhashay uu ku dhacay xannuunka Covid19, in ka badan 35 milyan oo kalanna ay helis ugu jiraa

    Wuxuu sheegay inuu qiyaastan cusub oo ku saleeyay xog uu ka helay wasaaradiisa caafimaadka. Ilaa iyo hadda 269,440 oo qof oo kali ah ayay si rasmi ah u xaqiijisay dowladda in laga helay xannuunka covid19.

    Rouhani ayaa yiri “Haddii aan ka tusaala qaadanna warbixintan oranaysa in 25 milyan qof oo dalkeenna ku nool uu ku dhacay, waxaa dhici karta in 30 milyan oo kale uu ku dhaca dhowrka bilood ee soo socoto", ayuu yiri Ruuhaani.

    Ruuxaani waxa uu sheegay in 14,000 oo qof ay ilaa iyo hadda xannuunka ugu dhinteen dalkaasi

  2. Wasiirka arrimaha dibedda Nigeria oo Korona laga helay

    Wasiirka arrimaha dibedda Nigeria Geoffrey Onyeama ayaa laga helay xannuunka Covid-19.

    Waxa uu xubin ka yahay guddiga dowladda Nigeria u qaabilsan ka jawaabcelinta coronavirus

    Mr Onyeama ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu isku karantiilaya xarun caafimaad. Wuxuu intaasi ku daray inuu baaritaanka sameeyay kadib markii uu isku arkay cuncun dhuunta ah, taasoo ah mid ka mid ah calaamadaha fayraska korona

    gett

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  3. Soomaaliya: Daadad sababay barakac xooggan, cagtana mariyay tuulooyin

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu
    bbc
    Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa ku barakacay daadadka Balcad

    In kabadan 105,000 oo qof ayay saameeyeen daad ku dhuftay tan iyo bishii Juun gobollada Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle iyo Banaadir ee dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay ay Qaramada Midoobay.

    Illaa 40 tuulo oo ka tirsan degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayay daadadkaasi cagta mariyeen iyagoo baabi’iyay dhul beereed lagu qiyaasay 33,000 oo hiktar oo dalagyo kala duwan ay ka baxayeen sida ay sheegayaan hay’adaha qaramada midoobay.

    BBC
    Qoraalka sawirka, Daadadka ku dhuftay Balcad

    Roobab mahigaana oo ka da’ayay qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa keenay in webiyadu karkaarada jabsadaan isla markaana soo rogmadaan daadad jiiray tuulooyiin iyo magaalooyin ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. Muqdisho afar qof oo ah dadka gudaha ku barakacay ayaa dhintay, boqollaal kalena way ku guryo beeleen sida laga soo xigtay xafiiska isku duwida gargaarka bini’aadanimo ee qaramada midoobay.

    Roobab mahiigaana oo ka da’ayay labadii todobaad ee bishan ugu horeysay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa daadadkii ka soo rogmaday waxay barakiciyeen dad kabadan 3,000 oo qof. Webiga ayaa ka fatahay xaafado ay kamid yihiin Baalguri, Damaaley, Raqeyle iyo Aytire.

    Degmada Wanlaweyn ee isla gobolka Shabeellaha Hoose iyo hareeraheeda Iyana daadadku waxay barakiciyeen dad lagu qiyaasay 24,000 oo qof.

  4. Farmaajo iyo mamul goboleedyada oo ka hadlay "qodobbada muhiimka u ah wadatashiga"

    Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka "hordhaca" ah ee ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada

    "Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka", ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

    Madaxtooyada ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan qodobada wadatashiga ee lagu heshiiyay iyo goorta uu furmaya shirka rasmiga ah.

    Villa Somalia

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

  5. Farmaajo oo kulan kula jira madaxda maamul goboleedyada

    bbc

    Xigashada Sawirka, Galmudug

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Dhuusmareeb kulan “hordhac” ah hadda kula jira madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

    Waxaa kulankan oo ka socda xarunta madaxtooyada ee Galmudug sidoo kale ka qeybgalaya ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Ma cadda marka uu furmi doono kulanka rasmiga ah ee madaxda.

    Ilaa iyo shalay waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo uu madaxweyne Farmaajo la qaadanayay qaar ka mid ah masuuliyiinta ku sugan Dhusamareeb iyo ururada bulshada rayidka ah.

    GALMUDUG

    Xigashada Sawirka, Galmudug

  6. Boqor Salmaan oo cisbitaal la dhigay

    Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz

    Boqorka Sucuudiga ayaa la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Riyadh si baaritaan loogu sameeyo.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in boqor Salmaan oo 84 jir ah uu dareemayo xannuun dhanka kaadi heyska ah.

    Salmaan bin Cabdul Caziiz ayaa sannadkii 2015-kii la wareegay xilka boqortooyada Sucuudiga isaga oo 79 jir ah xilliggaas, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Cabdullaahi.

    Wuxuu 48 sanno ah ahaa baraasabka ahaa gobolka Riyadh ka hor inta uusan noqon wasiirka gaashaandhigga 2011-kii.

  7. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .