Koox kasoo jeeda Ruushka oo beegsanaya cilmi baarista lagu raadinayo tallaalka Covid-19

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Koox kasoo jeeda Ruushka oo beegsanaya cilmi baarista lagu raadinayo tallaalka Covid-19

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Koox dhac ka geysata Internetka oo kasoo jeeda Ruushka ayaa bartilmaameedsanayaa ha'yadaha isku dayaya inay soo saaraan tallaalka looga hortaggayo cudurka Corona, sida ay sheegtay xarunta qaran ee qaabilsan arrimaha amniga intertnetka UK.

    Xarunta qaran ee qaabilsan arrimaha amniga intertnetka UK waxay sheegtay in kooxda ay u howlgalaan sida iyaga oo qeyb ka ah sirddoonka Ruushka.

    Waxay sheegtay in kooxdu ay xadeyso macluumaadka ku saabsan tallaalka cudurka Covid-19.

    Mareykanka iyo Canada ayaa sidoo kale digniin kasoo saaray kooxdan.

  2. Haweeneyda hoggaamineysa howlgalka Imaaraatka ee Meeraha Mars

    Qoraalka Muuqaalka, .
  3. Shamima Begum oo loo ogolaaday in dib ay ugu laabato UK

    Shamima Begum
    Qoraalka sawirka, Shamima Begum

    Shamima Begum oo ku biirtay kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ee Suuriya iyadoo 15 jir ah ayaa haatan loo ogolaaday inay dib ugu laabato UK si ay u qaaddo tallaabooyin ka dhan ah go'aanka lagala noqday muwaadinnimadeeda UK, sida ay go'aamisay maxkamadda racfaanka.

    Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in ay macquul tahay in dhalashada Britain lagala laabto gabadhan, maadaama oo ay dhalasho kale ka heli karto dal kale.

    Begam oo haatan 20 jir ah, ayaa sannadkii 2015-kii ka tegtay London iyada iyo saddex ardey ah si ay ugu biiraan kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka.

  4. Taariikh nololeedkii Xasan Abshir Faarax

  5. Khubarada sadaasha hawada oo ka digay dabeyl xooggan oo kusoo wajahan Bariga Afrika

    Khubadarada saadaasha hawada ayaa ka digaya dabeylo xoogan oo laga cabsi qabo in a ku dhuftaan deegaano ka tirsan Bariga Afrika laga bilaabo maanta oo khamiis ah.

    Qaybta saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dabaleyahan xooggan ay gurayaha saqafka kore ka qaadi karaan isla markaana ay sababi karaan burbur xoogan.

    Meelaha ay dabaylahaas ku wajahan yihiin waxaa ka mid ah gobolka waqooyi bari Kenya ee ay soomaalidu degto, sida Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer.

  6. Meydka Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo laga dejiyay Garoowe

    Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe laga dejiyay meydka Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax, saalaadda janaasada ayaa saaka looga soo tukaday magaalada Muqdisho.

    Haatan, waxaa lagu aasayaa Garoowe iyadoo aaskiisa ay ka qeybgalayaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

    Waxaa lagu aasayaa Garoowe
    Qoraalka sawirka, Waxaa lagu aasayaa Garoowe
    Qoraalka Muuqaalka, Meydka Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya
  7. Jawaar Maxamed oo la filayo in maanta uu kasoo hor muuqdo maxkamad

    Jawaar Maxamed

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Jawaar Maxamed

    Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ah dalka Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in uu kasoo hor muuqdo maxkamad ku taalla dalkaas.

    Jawaar ayaa dhawaan la xiray kaddib markii ay dhaceen rabshado daba socday dilka fannaan caan ah oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

    Waxaana isaga iyo taageerayaashiisa lagu eedeeyay inay dhexda u galeen meydka fanaanka oo la waday in lagu aaso magaaladii uu kasoo jeeday ee Ambo iyaga oo isku dayay inay dib ugu celiyaan caasimadda.

  8. Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo gaaray Garoowe

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa haatan gaaray magaalada Garoowe halkaas oo maanta lagu aasayo Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

    Waxaa sidoo kale Garoowe gaaray, madxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Maxamad Cabdi Waare.

    .

    Xigashada Sawirka, Puntland State House

  9. Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo janaaso looga tukaday Muqdisho

    Magaalada Muqdisho waxaa saalaadda janaasada looga tukaday Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

    Dadka saalaadda jaanasada ka qeyb galay waxaa kamid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale.

    Meydka Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliyaa ayaa haatan loo qaaday magaalada Garoowe halkaas oo lagu aasi doono.

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

  10. Madaxweyne dadkiisa ugu baaqay inay soomaan si ay isaga ilaaliyaan cudurka Corona

    Madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera

    Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ka codsaday shacabka inay ku dadaalaan cibaadada isla markaana ay soomaan si laisaga ilaaliyo cudurka Covid-19.

    Madaxweynaha wuxuu ka codsaday dhammaan dadka aaminsan diimaha kala duwan ee ku nool dalkaas in muddo saddex maalmood ah ay soomaan ayna cibaadeystaan.

    Lazarus Chakwera wuxuu in muddo ahaa baadari, sannadkii 2013-kii wuxuu noqday hogaamiyaha mucaaradka dalkaas,waxaa 23-dii bishii Juun ee sannadkan uu ku guuleystay doorasho ku celis aheyd oo uu kaga guuleystay madaxweynihii hayay talada ee Peter Mutharika.

  11. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .