Tartanka abaalmarinta gabdhaha gabya ee BBC Somali ee sanadkan 2020 oo Korona awgii dib loogu dhigay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tartanka abaalmarinta gabdhaha gabya ee BBC Somali ee sanadkan 2020 oo Korona awgii dib loogu dhigay

    Gabdhihii ku guulaystay tartankii gabayga BBC-da ee sanadkii 2018-kii
    Qoraalka sawirka, Gabdhihii ku guulaystay tartankii gabayga BBC-da ee sanadkii 2018-kii

    Abaalmarinta laanta Af Soomaaliga ee BBC ee hablaha gabya ee sanadkan 2020 ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira xannuunka Covid-19.

    Abaalmarintan oo loogu talagalay dhiirragelinta gabdhaha Soomaaliyeed, ayaa si xiriir ah loo sameeyay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

    Abaalmarinta hablaha da'da yar ee gabyada ee laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa lagu baadigoobaa gabayo af Soomaali ah oo asal ahaan ay u leeyihiin dadka soo gudbinaya, waxayna u furan tahay gabdhaha da'dooda u dhexeyso 16 illaa 35 sano.

    Waan idin la soo wadaagi doonaa goorta ay BBC Somali dib u billaabi doonto tartankan.

    Halkan hoose ka daawo gabadhii ugu dambeysay ee ku guuleystay tartankii 2019 Kaltuun Naasir iyo gabaygii ay tartanka ku gashay.

  2. Itoobiya oo shaaca ka qaaday magacyada rag looga shakisan yahay dilkii fanaanka

    Hachalu Hundessa'
    Qoraalka sawirka, Hachalu Hundessa

    Mas'uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday magacyada labo qof oo looga shakisan yahay dilkii dhawaan dalkaas loogu geystay heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa xilli ay socdaan baaritaannada ku aadan dhacdadaas.

    Sida laga soo xigtay xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe waxay sheegtay in raggan looga shakiyay dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen.

    Waxaa lagu sheegay magacyada raggan la qabtay, Tilahun Yami oo ahaa ninkii xabadda ku riday Hachalu, halka Abdi Alemayehou uu ahaa ninkii caawinayay ninkaas markii uu dilka dhacayay.

    Mas'uuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in raggan dilka fuliyay ay ka amar qaadanayeen koox la yiraahdo "Shane" oo horraan ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF.

    Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay rabshada ka dhashay dilka fanaanka, waxaana qalalaasahaas ku dhintay in ka badan 200 qof.

  3. Koonfur Afrika oo maanta xaqiijisay tiradii ugu badneyd ee kiisaska Corona

    Koonfur Afrika waxay diiwaan gelisay 3,720  qof oo u dhintay cudurka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Koonfur Afrika waxay diiwaan gelisay 3,720 qof oo u dhintay cudurka

    Koonfur Afrika ayaa diwaangelisay kororkii ugu badnaa hal maalin ee fayraska Corona.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 13,674 kiis oo cusub ay heleen 24-tii saac ee u danbeeey, kuwaas oo la ogaaday markii la sameeyey baaristii ugu badnayd ee hal maalin.

    Ku dhawaad kala bar kiisaskan, waxaa laga helay gobolka Gauteng oo ah halka uu sida weyn ugu baahay cudurka Covid-19

    Koonfur Afrika ilaa iyo hadda waxaa cudurka u dhintay 3,720 qof, iyadoo ay sare u kacayaan kiisaska cudurka ee maalin kasta la shaacinayo.

    Dalkan ayaa in ka badan 3 bilood lagu soo rogay bandow, inkasta oo haatan qaar kamid ah xarumaha ganacsiga dib loo furay.

  4. Iran oo beenisay in qarax hor leh uu ka dhacay dalkeeda

    Ha'yadda quwadda Atoomikada Iiraan waxay baahisay sawir muujinayo burburka soo gaaray dhismaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ha'yadda quwadda Atoomikada Iran waxay baahisay sawir muujinayo burburka soo gaaray dhismaha

    Saraakiisha Iran ayaa beeniyay in Khamistii uu qarax ka dhacay galbeedka magaalada caasimadda ah ee Tehran kaddib qaraxyo is xig-xigay oo aanan la ogeyn cidda fulisay kuwaas oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas.

    Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in dhawaaqa qarax laga maqlay magaalooyinka Garmdareh iyo Qods, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

    Warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in saqdii dhexe ee xaley ay soo ifbaxeen warar laisla dhexmarayo oo ku saabsan dhacdada.

    Ma kala cadda in qaraxa uu ka dhacay halkaas.

    Dhawaan ayay aheyd markii uu qarax qabsaday goob Iiraan ay ku sameyso shidaalka Nukliyerka kaas oo burburay.

    Afahayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay in dabka ka kacay goobta ugu weyn ee lagu sameeyo shidaalka Nukliyerka Iiraan uu khasaare weyn dhaliyay.

  5. Dhuusamareeb: Shirweynihii madaxda Maamul Goboleedyada oo dib u dhacay

    Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ku sugan dhamaan madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya oo halkaa uga arrinsanaya arrimo ay ka mid tahay doorashada Soomaaliya.

    Waxaase maanta baaqday shirweyne ay madaxdani ku gorfeyn lahaayeen arrimaha ay halkaasi u tageen, kaa oo markii hore la qorsheynayay in uu maanta furmo,.

    Haseyeeshee, ilaa xaley waxaa la sheegayaa inay socdeen kulamo gooni gooni ah oo ay isku arkayeen madaxda halkaasi isugu tagtay, waxaana aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.

    Waxaana la filyaa in kulanka ay yeelanayaan madaxweyneyaasha maamulada uu furmo berito.

    Nafisa Xirsi Oogle oo ah weriye ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa BBC-da uga warrantay sida uu u socdo shirka.

    Qoraalka Codka, .
  6. Walaac laga muujiyay eeyo qabuuro kasoo qufaya meydadka

    Qabuuro ku yaallo dalka Mozambique waxaa weerar ku haya eeyo kuwaas oo la sheegay in meydadka ay kasoo qufayaan qabuuraha si ay u cunaan, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

    Qabuurahan oo ku yaalla magaalada Chimoio ayaa waxaa lagu aasaa meydadka carruurta.

    Hooyo ku nool halkaas oo dhawaan qabuuraha kusoo aastay meydka canugeeda ayaa sheegtay in eeyo ay qabriga kasoo qufeen meydkiisa isla markaana ay cuneen.

    Wararka waxay sheegayaan in qabuuraha ay daadsan yihiin maryo, lafaha iyo hilibka dadka.

    Weriye ka howlgala warbaahinta Miramar oo tebisay warkan ayaa sheegay in meydadka ay eeyaha kasoo qufeen qabuuraha ay gaarayaan ilaa 343 meyd.

    Dadka deegaanka waxay sheegeen in eeyaha ay haatan halis ku hayaan qabuuraha maadama adkaatay in dad badan ay booqdaan qabuuraha safmarka Corona awgii.

    Waxaana arrintani loo aaneynayaa in eeyaha ay waayeen wax ay cunaan.

  7. Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil Shiinees ah oo uu ku eedeeyay tacaddiyadda ka dhanka ah muslimiinta Uighur

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Pompeo wuxuu sheegay in aysan ka aamusi doonin tacaddiyada uu ku geysanayo Shiinaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Pompeo wuxuu sheegay in aysan ka aamusi doonin tacaddiyada uu ku geysanayo Shiinaha

    Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in cunaqabateyn uu kusoo rogay saraakiil kasoo jeedda Shiinaha oo uu ku eedeeyay in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang ee Shiinaha.

    Waxaana saraakiishan ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Shuuciga ee gobolka Xinjiang, Chen Quan Guo iyo saddex sarkaal oo kale.

    Waa sarkaalkii ugu horreeyay oo Shiinees ah oo uu Mareykanka cunqabateyn kusoo rogo.

    Xaaladda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs ayaa sanadihii dambe laga deyrinayay, kadib markii lasoo wariyay in dhibaato joogta ah ay kala kulmaan xukuumadda Shiinaha.

    Shiinaha wuxuu beeniyay in wax dhibaato ah uu ku hayo muslimiinta ku nool gobolkaas.

  8. TPLF oo beenisay inay ku lug laheyd dilkii fanaanka

    Getachew Reda

    Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY

    Qoraalka sawirka, Getachew Reda

    Xisbiga mucaaradka TPLF ee gobolka Tigreega ayaa beeniyay eedeymo dowladda ay u jeedisay oo ah inay ku lug lahaayeen dilkii dhawaan Itoobiya loogu geystay fanaankii caanka aha ee Hachalu Hunddessa.

    Getachew Reda oo ah afahayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa xoreynta shacabka Tigreega ee TPLF ayaa BBC u sheegay in eedeymahaas ay yihiin ‘kuwo been ah’

    Mar sii horreysay xisbiga haya talada ayaa ku eedeeyay TPLF iyo jabhada Oromo ah inay ka dambeeyeen dilkii Hachalu Hundessa.

    Qalalaasihii ka dhashay dilka heesaaga waxaa ku dhintay dad ku dhaw 200 qof.

    Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya waxay sheegtay rabshadihii ka dhacay dalkaas loo xir xiray dad gaaraya 2,700.

  9. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .