You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Kenya oo Aamina Maxamed usoo xulatay inay u tartanto xil muhiim ka ah dunida

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Janaraal Khaliif Haftar "Wuxuu diyaar u yahay in Liibiya looga dhawaaqo heshiis"

    Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Janaraal Khaliifa Haftar uu diyaar u yahay in Liibiya looga dhawaaqo heshiis xabad joojin ah.

    Sergei Lavrov wuxuu sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in Turkiga uu ka dhaadhicin doono dowladda ay Qaramada Midoobeyn ictiraafsan tahay ee Liibiya in heshiiska ay aqbasho.

    Ruushku wuxuu kamid yahay dalalka taageero Janaraal Khaliifa Haftar, Masar iyo Mareykanka waxay sidooo kale garab siiyaan Haftar.

    Khaliifa Haftar ayaa dhawaan la kulmay guuldarro kaddib markii ciidammada dowladda Liibiya ay deegaanno badan dib u qabsadeen.

  2. Ilhaan Cumar oo wareysi siisay BBC-da

  3. Kenya oo Aamina Maxamed usoo xulatay inay u tartanto xil muhiim ka ah dunida

    Kenya ayaa wasiirka ciyaaraha Aamina Maxamed u xulatay musharraxeeda uga qeyb geli doonto tartanka dalalka caalamka ay ugu jiraan madaxa Ha'yadda Ganacsiga ee Adduunka, doorashada waxay dhici doontaa bisha Agosto.

    Cidda ku guuleysata doorashadan waxay baddali doontaa ninka haatan madaxda ka ah Ha'yaddan oo ka soo jeedo dalka Brazil kaas oo xilka ka degaya 31-da bisha Agosto.

    Aamina Maxamed ayaa kamid ah dadka loolanka ugu jiro sidii ay ku hanan lahaayeen madaxa Ha'yadda Ganacsiga ee Adduunka

    Aamina Maxamed ayaa sannadkii 2013-kii u tartantay kursigan balse waxaa ka guuleystay Robert Azevêdo oo kasoo jeedo Brazil.

    Waxaa jagadan tartan ugu jiraa ilaa lix dal oo ay labo kasoo jeedaan Afrika, kuwaas oo kala ah, Nigeria, Masar, Kuuriyada Koonfureed, Mexico iyo Moldova.

  4. Muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa badda oo loo ogalaaday inay galaan Malta

    Jasiiradda Malta ayaa ogolaatay in xeebaheeda ay ka degaan muhaajiriin in muddo ah ku dhex go'doonsanaa markab xoolaha qaado oo nadaafaddiisa laga deyriyay.

    Markabkan waxaa saarnaa muhaajiriin intooda badan ay yihiin Soomaali, waxay gaarayeen ilaa 50 qof.

    Horraan, Malta waxay diidday inay qaabisho muhaajiriintan, waxay ku doodeyso in xeryaha lagu qaabilo dadkaas ee ku yaalla Malta ay buux dhaafeen.

    Balse Talaadadii Malta waxay sheegtay in Yurub ay qaabili doonto ilaa 200 oo muhaajiriin ah kaddib markii heshiis ay wada gaareen.

    Isniintii, Talyaaniga wuxuu fasaxay muhaarijiin gaaraya 180 oo saarnaa markab ku go'doonsanaa xeebaha badda Mediterranean-ka, waxay muhaajirintaas ka kala socdeen dalalka Pakistaan, Eritrea iyo Nigeria, waxaana muhaajirintaas markii hore laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya.

    Sannadkii lasoo dhaafay, In ka badan 110,000 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, waxaana halkaas ku dhintay 1,200 muhaajiriin ah, sida laga soo xigtay Ha'yadda Socdaalka Adduunka.

  5. Nin kasoo dhacay dabaq kaddib markii uu soo weeraray Daanyeer

    Nin u dhashay dalka Kenya ayaa kasoo dhacay dabaq ku yaalla magaalada Nairobi kaddib markii uu soo weeraray daanyeer, ninka ayaa doonayay in uu ka cararo daanyeerka.

    Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayaa Dickson Maina oo kasoo dhacayo dabaqa kaddib markii uu kusoo dhawaaday daanyeerka oo saarnaa dusha sare ee dhismaha.

    Wuxuu wargeyska The Standard u sheegay in sababta uu u fuulay dhismaha ay aheyd markii uu maqlay dadka oo qeylinayo xilli daanyeerku uu saarnaa halkaas isla markaasna uu doonayay in uu eryo.

    Dickson Maina wuxuu sheegay in uu soo gaaray dhaawac dhanka wajigga iyo in gacanta uu ka jabay.

  6. Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

    Labo askari oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay 2 boolis ah, Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya Dhamme Sidiiq Aadan Cali.

    Wararka waxay sheegayaan in qaraxa lala eegtay ciidammada booliska oo marayay waddada.

  7. Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sheegay inay qaadeen tallaabooyin ka dhan ah sicir bararka

    Dolwad Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray sare u kac dhanka waxyaabaha quutul daruuriga ah taasi oo dadka deegaankuna ay cabasho ka muujiyeen .

    Xafiiska ganacsiga deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu qaaday tallaabbooyin uu wax kaga qabanayo sicirka maciishadda isla markaana ganacsato iyo meheredo qayb ka ahaa sicir bararkaasi tallaabbooyin laga qaaday.

    Haddaba, waxaa arrintaas ka wareysanay ku-xigeenka madaxa xafiiska ganacsiga Dolwada degaanka Soomaalida, Axmed Buubaal.

  8. Agaasimaha FBI-da: Shiinaha wuxuu halis weyn ku haya Mareykanka

    Agaasimaha laanta dambi baarista Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu halis weyn ku hayo Mareykanka.

    Wuxuu sheegay "Tallaabada Shiinaha uu wado ee basaasnimada iyo dhaca waxay halis weyn ku tahay mustaqbalka Mareykanka"

    Agaasimaha FBI-da Christopher Wray wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinaha uu wado olole carqaladeyn ah oo ka dhan ah Mareykanka.

    Wuxuu sheegay in Shiinaha uu bilaabay in uu beegsado muwaadiniintiisa ku nool dalalka dibadda isla markaana uu ku qasbayo inay dib u soo laabtaan iyo in uu ka shaqeynayo sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa cilmi baarista uu Mareykanka wado ee ku aadan cudurka Corona.

  9. Mareykanka: Tirada dadka uu soo ritay cudurka Corona oo kor u dhaaftay 3 Malyan

    Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay in ka badan 3 malyan qof oo uu ku dhacay cudurka Corona guud ahaan dalkaas laga bilaabo tan iyo markii uu dillaacay safmarka, sida laga soo xigtay warbaahinta New York Times iyo NBC.

    Warbaahinta NBC ayaa ku warrantay in kiisaska cusub ee la xaqiijiyay shaley oo kaliya ah ay gaareen 46,500.

    Mareykanka si weyn ayuu ugu baahay cudurka, kiisaskan ayaa ah kuwii ugu badnaa ee la xaqiijiyo guud ahaan dunida.

  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.