Janaraal Khaliif Haftar "Wuxuu diyaar u yahay in Liibiya looga dhawaaqo heshiis"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Janaraal Khaliifa Haftar uu diyaar u yahay in Liibiya looga dhawaaqo heshiis xabad joojin ah.
Sergei Lavrov wuxuu sidoo kale sheegay in uu rajeynayo in Turkiga uu ka dhaadhicin doono dowladda ay Qaramada Midoobeyn ictiraafsan tahay ee Liibiya in heshiiska ay aqbasho.
Ruushku wuxuu kamid yahay dalalka taageero Janaraal Khaliifa Haftar, Masar iyo Mareykanka waxay sidooo kale garab siiyaan Haftar.
Khaliifa Haftar ayaa dhawaan la kulmay guuldarro kaddib markii ciidammada dowladda Liibiya ay deegaanno badan dib u qabsadeen.




