Muxuu Aqalka Sare ka yiri matalaadda gobolka Banaadir?
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Kenya oo dib u fureysa Iskuulada sannadka dambe

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ardeyda waxay haatan wax ku bartaan Online-ka Wasaaradda waxbarashada ee Kenya ayaa shaacisay in Iskuulada dib loo furin sannadka nagu soo aadan ee 2021-ka.
Wasiirka waxbarashada ee Kenya George Magoha wuxuu sheegay in imtixaanaadka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose ee dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare la qaban doono sannadka nagu soo aadan.
Halka jaamacadaha iyo koleejyada dib loo furayo bisha September ee sannadkan iyadoo la raacayo talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka Covid-19, sida ay sheegtay dowladda.
Iskuulada Kenya ayaa la xiray bishii March kaddib markii dalkaas uu diiwaan geliyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona.
Shaley ayay aheyd markii Madaxweynaha Kenya uu xayiraadda dhanka safarka ka qaaday magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera.
Muxuu Aqalka Sare ka yiri matalaadda gobolka Banaadir?

Xigashada Sawirka, Wakaaladda wararka ee Sonna
Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Aqalka Sare , Cabdi Xaashi Warqad kasoo baxday guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay afar xeer oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka.
Wuxuu sheegay in xeerarkan aanay guddiga doorashada u isticmaali karin doorashada qaranka ilaa inta laga saxayo.
Guddoonka Aqalka sare ayaa soo jeediyay in sharciga matalaadda gobolka Banaadir uu u baahan yahay harbaac dastuuri ah oo dhameystiran.
Dhawaan ayay aheyd markii Aqalka sare uu ka soo horjeestay xeerar ay ka doodayeen golaha shacabka, kuwaas oo la ansixiyay, isagoo ku tilmaamay xeerarkaasi in lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ah.
Kuwaas oo kala ahaa, Xeerka deegaameynta kuraasta, Xeerka xaqiijinta qoondada haweenka, Xeerka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeedo gobollada Waqooyi iyo Xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xigashada Sawirka, Aqalka Sare
Caro ka dhalatay haweeney xijaaban oo loo diiday inay gasho goob lagu dabaasho

Xigashada Sawirka, TWITTER
Caro ayaa ka dhalatay baraha bulshada dalka Lubnaan kaddib markii haweeneey xijaaban loo diiday inay gasho mid ka mid ah goobaha lagu dabaasho ee dalkaas.
Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku eedeeyay maamulka goobta lagu dabaasho in uu wado falal ‘faquuq ah’
Farax Shaqiir oo ah gabadha ay dhashay haweeneydan ayaa barta Twitter-ka kusoo qortay “Maamulka goobta lagu dabaasho waxay inoo diideen in aan goobta galno maadama hooyadeey ay xijaabneyd”
Dadka qaar ee adeegsada barta Twitter-ka ayaa ku kala aragti duwan dhacdan, qaarkooda waxay sheegeen in ‘maamulka goobta lagu dabaasho uu wado tallaabooyin ka dhan ah xuquuqda aadanaha’ halka qaar kalena ay sheegeen ‘in qof kasta la doonayo in uu raaco dhaqanka u yaallo goobaha noocan oo kale ah’.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Maxaa laga filan karaa shirka ka dhici doono Dhuusamareeb?
War murtiyeed ay soo saareen madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa isku raacay in Khamiista ay kulan ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.Wadahadallo dhanka khadka ku dhexmaray madaxda shanta Maamul Goboleed ee dalka ka jira, ayaa la isku afgartay in si deg deg ah ay shir wada jir ah isugu yimaadaan madaxdaasi.
Haddaba Shirkaas muxuu yahay ajanddaha looga hadlayo muddo inte la eg ayuu soconayaa su’aalahaas iyo qaar kale ayaan wayddinay wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire oo loo yaqaano Falagle .
Wuxuu u warramay Xasan Sheekh Cumar.
Qoraalka Codka, . Soomaaliya: Qaramada Midoobey oo ka digtay cunto la'aan

Qoraalka sawirka, Dadka barakacay ayay haysaa dhibaatada ugu badan ee cunto yarida. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 3.5 Malyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay halis ugu jiraan cunto yari laga bilaabo bisha Juun ilaa bisha September ee sannadkan.
Hey'adda xiriirinta arrimaha bani'aadminnimo ee OCHA, waxay sidoo kale sheegtay in ka badan hal malyan oo carruur ah la saadaalinayo inay wajahaan nafaqo darro.
Qaramada Midoobey waxay ka dhawaajisay in markii Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka uu dalku la daalaa dhacayo saddex caqabadood oo is biirsaday, cudurka Corona, daadadka iyo ayaxa kuwaas oo saameyn ku hayo deegaanno badan.
Shiinaha oo bogaadiyay go'aanka Soomaaliya ay ka qaadatay xiriirka Taiwan iyo Somaliland

Xigashada Sawirka, SOMALILAND MFA
Qoraalka sawirka, Wasiirada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Taiwan Shiinaha ayaa bogaadiyay go'aanka dowladda Soomaaliya ay ku cambaareysay kullan dhawaan dhexmaray madaxda Taiwan iyo mas'uuliyiin ka socday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday maxbanaannida ee Somaliland.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Muqdisho iyo Beijing ay dhowrayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labadooda dal, kadib kulan uu madaxweynaha la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.
"Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay dadaalkeeda ku aadan xaqiijinta qiyamka iyo mabda'a Shiine hal ah isla markaana uu cambaareeyay tallaabada Taiwan ee wiiqeysay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, waana ugu mahadcelinayaa arrintaas"" ayaa lagu yiri qoraal barta Twitter-ka uu kusoo qoray afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Itoobiya oo xirtay xubno sare oo ka tirsan ururka Oromada ee OLF
Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF.
Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xiran yihiin magaalada Addis Ababa.
Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aanan war laga heyn halka loo kaxeystay saraakiisha.
Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.
Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof.

Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

