"Waxaa jug culus gaarsiiyay rakaabkiisii oo uu ku yiri 'xirta maaskarada'

Xigashada Sawirka, Reuters
Darawal ka howlgala koonfur galbeed dalka Faransiiska ayaa lagu soo warramayaa inay weerareen rakaab kaddib markii uu baabuurkiisa u diiday inay raacaan rakaabka aanan xiran afka iyo sanka.
Darawalka ayaa Axaddii dhowr qof oo aanan qabin maaskarada ka hor istaagay inay raacaan baabuur uu kaxeynayay, sida ilo wareedyo ka tirsan booliska ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Darawalka waxaa maskaxda ka gaaray dhawaac culus.
Shan qof oo lala xiriirinayo dhacdadaas ayaa haatan la xiray.
Waxaa Faransiiska waajib ka ah xirashada maaskarada marka aad saaran tahay baaburta dadweynaha.
Duqa magaalada Bayonne oo ah goobta lagu weeraray darawalka ayaa cambaareeyay falkaas, wuxuu ku tilmaamay 'mid fuleynimo ah'.








