Itoobiya oo xirtay telefishin ay ku eedeysay 'kicin dadweyne'
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Itoobiya oo xirtay telefishin ay ku eedeysay 'kicin dadweyne'

Xigashada Sawirka, OMN
Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa albaabada isugu dhuftay xafiiska ugu weyn ee warbaahinta Oromo Media Networka ku leeedahay dalkaas, dowladda waxay ku eedeysay telefishinkan in uu abuurayay kicin dadweyne iyo mid diimeedba.
Halka dowladda ay baareyso labo telefishin oo kale oo laga la yiraahdo Asrat iyo Dimtsi Weyane.
Teleefishinka Oromia Media Networka wuxuu la hadlaa Oromada, telefishinka Asrat wuxuu la hadlaa dadka Amxaarada ah halka Dimtsi Weyane uu barnaamijyadiisu ku baahiyo luqadda Tigreega.
Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Itoobiya ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado dhaliyay kaddib dilkii fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa.
Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha ka dhashay dilka Hachalu.
Weli Itoobiya waxaa ka taagan xiisad, waxaana weli xiran Internetka.

Qoraalka sawirka, Dilka Hachalu Hundessa waxaa ka dhashay qalaalase ay dad badan ku dhinteen Kaafiyo Aaden Cismaan: "Xaalad aad u xun ayaan ku nool nahay"
Saameynta uu caalamka ku reebay Fayraska Korona ayaa waxaa ka mid ah in malaayiin qof oo xoogsato ah ay waayeen shaqooyinkii ay noolal maalmeedkooda ku debari jireen.
Dadkaasi waxaa kamid ah rag iyo haween ku nool xeryaha dadka soo barakacay ay ku nool yihiin ee ku yaal qeybo kamid ah Soomaaliya.
Kaafiyo Aaden Cismaan oo ka mid ah hooyooyinka ku nool xerada KOR-MARI ee magaalada Baydhabo, ayaa ka hor inta uusan dalka ku faafin cudurka COVID-19 waxa ay dharka u dhaqi jirtay xaafadaha magaaladaasi, haddase shaqadaasi wey ka joogsatay.
Xaaladeeda ayay uga warrantay weriyaha BBC Cabdirisaaq Catoosh.
Qoraalka Codka, Kaafiyo Aaden Cismaan oo ka mid ah hooyooyinka ku nool xerada KOR-MARI ee magaalada Baydhabo. Dad loo heysto dilkii Jamaal Khaashuqji oo lagu maxkamadeynayo Turkiga

Xigashada Sawirka, POMED
Qoraalka sawirka, Weriye Jamaal Khaashuqji Turkiga waxaa ka bilowday maxkamadeynta 20 qof oo Sucuudiga u dhashay kuwaas oo loo heysto dilkii weriye Jamaal khaashuqji oo sannadkii 2018-kii lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.
Eedaysanayaasha waxaa la maxkamadaynayaa iyagoo ka maqan maxkamadda.
Waxaana dadkaas kamid ah labo qof oo horey ugu shaqeyn jirtay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Khaashuqji oo si weyn u dhaleeceyn jiray dowladda Sacuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Istaanbuul uu Sacuudiga ku leeyahay.
Saraakiisha Sacuudiga waxay sheegeen "dilka aan damiirka lahayn" iney dowladdooda wax shaqa ah ku laheen. Hase yeeshee, hadalka Sacuudiga waxaa su'aal geliyey caalamka oo dhan.
Khaashuqji ayaa maqaallo ku qori jiray wargeyska Washington Post isaga oo geeridiisa ka hor ku noolaa dalka Mareykanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Itoobiya waxaa hareeyay dibadbaxyo rabshada wata kaddib dilkii fanaanka Xaaladda magaaladda Addis Ababa ayaa maanta degan, waxaana haatan dib u furmay xarumaha ganacsiga, xaaladda si caadi ayay dib ugu soo laabatay kaddib markii ay halkaas ka dhaceen dibadbaxyo rabshada wata kaas oo ka dhashay dilkii dhawaan dalkaas loogu geystay Hachalu Hundessa oo ahaa fanaan caan ah.
Waxaana waddooyinka la geeyay ciidammada amniga, dhanka kale, booliska waxay sheegeen in magaalada Dhirdhaba ay ku xireen in ka badan 270 qof oo lala xiriirinayo rabshadihii dhawaan ka dhacay dalkaas.
Duqa magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday shacabka in dib ay ugu laabtaan shaqadooda.
Mas'uuliyiinta waxay albaabada isugu dhufteen xafiisyada saddex telefishin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxo lagu eedeeyay in dadka ay kicinayeen.
Ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasihii ka dhashay dilkii Hachalu Hundessa.
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo baaq u jeedisay dalalka xilli waddamada Afrika ay dib u furayaan duulimaadyada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah dalalka qaaradda waxay dib u fureen duulimaadyada Ha’yadda Caafimaadka Adduunk ayaa ugu baaqday dalalka Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli dalal kala duwan oo ka tirsan qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada.
WHO waxay sheegtay ‘waa in si dhab ah loo raaca talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Corona’
Waxay ha’yadda ka codsatay in shirkadaha diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka.
Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabilsan gobolka Dr Matshidiso Moeti waxay sheegtay “in duulimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha balse loo baahan yahay dhaqan celinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.
Waxay ha’yaddu sidoo kale ka codsatay saraakiisha garoomada diyaaradaha inay xaqiijiyaan kala fogaanshaha dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.
WHO waxay sheegtay in dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u bilaabeen duliimaadyooda.
Soomaaliya waxay shaacisay in Axadda nagu soo aadan in si rasmi ah loo bilaabayo duulimaadyada gudaha dalka.
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

