Taalada loo sameeyay hogaamiyihii
hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda
Wimbledon ee magaalada London.
Booliska Ingiriiska
ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay
galabnimadii Talaadada.
Taalada Haile Selassie
waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.
Waxay u muuqataa in
dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii
loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa.
Haile Selassie ayaa ku
noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen
Talyaaniga.
Ugu
yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen
dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda
gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah.
Kumannaan
qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu
Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay.
Booliska
ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu
magacaabo Jawar Mohammed.