Abiy Axmed: Kuwii soo qorsheeyay dilka fanaanka waxay doonayeen in shacabka ay kiciyaan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxay tahay sababta uu ninkan caddaanka ah uu gurigiisa u suro calanka Soomaaliya?

    Nin ku nool Australia ayaa sanadwalba gurigiisa ka taaga calanka Soomaaliya. Ninkaas wuxuu deggan yahay xaafadda ay Soomaalidu ku badanyihiin ee magaaladaasi Melbourne.

    Xafladda calansaarka Soomaaliya ee uu ninkaasi gurigiisa ku qabto waxaa sanadkan ka qeybgalay dad kooban fayraska korona awgii.

    Waxaa xafladdaasi ka qeybgalay weriye Ibraahim Cumar Baafo kaddibna warbixintan ayuu inoo soo diray.

    Qoraalka Muuqaalka, Ninkan wuxuu ku nool yahay Australia
  2. Abiy Axmed: Kuwii soo qorsheeyay dilka fanaanka waxay doonayeen in shacabka ay kiciyaan

    Hachalu Hundessa

    Xigashada Sawirka, REUTERS

    Qoraalka sawirka, Hachalu Hundessa

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka Itooobiya ugu baaqay in xasilooni ay muujinayaan isla markaana ciidammada ay kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

    Waxaa uu ku tilmaamay dilka fanaanka 'dambi weyn'

    "Kuwo soo qorsheeyay dambigan kuma aysan faraxsaneyn isbaddallada haatan ka socda dalka....hadafkoodu kaliya ah ma aheyn inay dilaan walaalkeen Hachalu balse wuxuu hadafkoodu ahaa inay dilaan Itoobiya" ayuu yiri Abiy Axmed.

    "Waxay doonayeen inay kiciyaan shacabka markii ay dileen Hachalu, si ay u kiciyaan dareenka shacabka oo ay dhexdooda u dagaallamaan"

    Ra'iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabaddii lagu aasaayay fanaanka xilli halkaas ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka Hachalu.

    Abiy Axmed wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaabo kasta oo looga hortaggayo rabshadaha haatan harreeyay dalkaas.

    "Dadka cadawga ku ah isbaddallada haatan ka socda dalka waxay doonayaan inay wiiqaan awoodda dalka, si kastaba, dhaqdhaqaaqooda ma guuleysan doono"

    Fanaanka maanta ayaa la aasay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Fanaanka maanta ayaa la aasay
  3. Itoobiya waxaa hareeraray qalalaase hor leh xilli la asaay fanaanka

    Telefishinka dowladda Itoobiya oo baahiyay munaasabadda aaska ah ee loo sameynayo fanaanka

    Xigashada Sawirka, ETHIOPIAN TV

    Qoraalka sawirka, Telefishinka dowladda Itoobiya oo baahiyay munaasabadda aaska ah ee loo sameynayo fanaanka

    Itoobiya waxaa ku baahay qalalaasaha ka dhashay dil dhawaan dalkaas loogu geystay Hachalu Hundessa oo ahaa fanaan kaas oo maanta lagu aasay magaalada Ambo oo ah halka uu kasoo jeedo.

    Wararku waxay sheegayaan in kooxo hubeysan ay wareegaan waddooyinka magaalada Addis Ababa kuwaas oo bartilmaameedsanayo dadka ka tirsan qowmiyadaha qaar.

    Ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo rabshada wata ooo ka dhacay gobolka Oromada tan iyo markii Isniintii la toogtay fanaanka.

    Ilaa iyo haatan ma ay cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo, balse fanaanka ayaa hadda ka hor sheegay in loo hanjabay.

    Oromada waxay Hachalu u arkeen in uu ahaa halyeey heesihiisa ugu doodayo xuquuqda qowmiyadda Oromada.

  4. Itoobiya: Fanaankii la dilay oo la aasayo

    Waxaa maanta la aasaya fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa kaas oo dilkiisu ay dibadbaxyo ka dhaliyen gudaha Itoobiya, waxaana rabshadaha ka dhashay dibadbaxyadaas ku dhintay ugu yaraan 80.

    Sawirrada laga baahiyay telefishinka qaranka ayaa muujinayaa in munaasabadda lagu aasayo fanaanka ay haatan ka socoto fagaare ku yaallo magaalada Ambo ah oo ah halka uu ka soo jeedo Hachalu Hundessa.

    .
    .

    Itoobiya waxaa ka socdaa qalalaase ka dhashay dilka fanaanka, waxaana magaalada Addis Ababa laga maqlay dhawaaqa qarax.

  5. 'Calankeena cirkuu u eg yahay': "Soomaaliya ma tagin sannadkastana waan xusaa xoriyadda"

    Saynab Faarax oo ku nool Australia ayaa BBC uga sheekeysay sida ay sannad kasa u xusto maalmaha xoriyadda in kastoo weligeed aysan Soomaaliya tagin.

    Qoraalka Muuqaalka, 'Calankeena cirkuu u eg yahay'
  6. Qarax ka dhacay Addis Ababa oo ay dad ku dhinteen

    Dilka Hachalu Hundessa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dilka Hachalu Hundessa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran

    Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen booliska.

    Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa.

    Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed.

    Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan.

    Ciidammada militariga ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Addis Ababa si ay u dejiyaan xaaladda.

  7. Taalada Haile Selassie oo la burburiyay

    Haile Selassie

    Xigashada Sawirka, ANDREW MORRIS/PA MEDIA; GETTY IMAGES

    Taalada loo sameeyay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda Wimbledon ee magaalada London.

    Booliska Ingiriiska ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay galabnimadii Talaadada.

    Taalada Haile Selassie waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.

    Waxay u muuqataa in dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa.

    Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga.

    Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah.

    Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay.

    Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed.

  8. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .