Ibraahim Cismaan oo loo magacaabay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
Xisbiga talada haya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa Ibraahim Cismaan u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee maamulkaas kadib markii Aadan Farax oo xilkaas hayay dhawaan loo magacaabay afhayeenka baarlamaanka Federaalka ee Itoobiya.
Sido kale xisbiga waxay afahayeenka baarlamaanka cusub u magacaabeen Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela), sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka.
Waxaa lagu wadaa in xubnahan lasoo magacaabay loo gudbiyo golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan.