Maxay yihiin qodobada ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Somaliland?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ibraahim Cismaan oo loo magacaabay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

    Ibraahim Cismaan

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Ibraahim Cismaan

    Xisbiga talada haya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa Ibraahim Cismaan u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee maamulkaas kadib markii Aadan Farax oo xilkaas hayay dhawaan loo magacaabay afhayeenka baarlamaanka Federaalka ee Itoobiya.

    Sido kale xisbiga waxay afahayeenka baarlamaanka cusub u magacaabeen Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela), sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka.

    Waxaa lagu wadaa in xubnahan lasoo magacaabay loo gudbiyo golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

  2. Kenya oo maanta xaqiijisay kiisaskii ugu badnaa ee feyraska Korona

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kenya ayaa maanta xaqiijisay 213 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Korona, kiisaskan ayaa ah kuwii ugu badnaa ee la xaqiijiyo maalin gudahood tan iyo markii uu cudurka ka dilaacay dalkaas.

    Kenya guud ahaan dadka uu ku dhacay cudurka waxay gaarayaan 4,257 qof.

  3. John Bolton: Trump waxa uu caawinaad weydiistay madaxweynaha Shiinaha

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka codsaday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, inuu ka caawiyo dib-u-doorashadiisa, sida ku xusan buug uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka qaranka, John Bolton.

    Bolton oo faahfaahin ka bixinayay buugga oo lagu wado inuu dhawaan soo baxo, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu doonayay in Shiinaha uu dalaga beeraha ka iibsado beeraleyda Maraykanka.

    Weriyayaasha ayaa sheegaya in dhacdada buuggu tilmaamay ay u ektahay falkii horseeday dacwaddii xilka qaadista ee uu wajahay Trump.

  4. Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa qoraa caan ah oo ku geeriyooday London

    Waxaa magaalada London ku geeryoday Maxmed Baashe Xaaaji Xasan, oo lagu yaqaan qoraa, saxafi iyo dhaqan yaqaan u taagnaan jirey ururinta iyo hormarinta afka Soomaaliga, isaga oo Maxamed qoray buugaag tiro badan.

    Haddaba Maxamed iyo shakhsiyaddiisii waxa uu ka yaqaan waxaan ka waraysannay Rashiid Sheekh Cabdillaahi Gadhweyne, oo in badan ay is yaqaanneen, carriga ingiriiskana ay ku wada noolaayeen.

    Qoraalka Codka, Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ku geeriyoday London

    Waxaa geerida ku timid Maxamed Baashe Xaaji Xasan ka tacsiyeeyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Madaxweynaha cusub ee Burundi oo xilka loo dhaariyay

    Madaxweynaha cusub ee Burundi Evariste Ndayishimiye

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha cusub ee Burundi Evariste Ndayishimiye

    Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ee dalka Burundi, Evariste Ndayishimiye ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee dalkaas, waxaana lagu waday Evariste Ndayishimiye in uu xilka la wareego bisha Agosto kaddib geeridii ku timid madaxweynihii hayay talada Pierre Nkurunziza.

    Dadkii ka qeybgalayay munaasabadda caleemo saarka ayaa laga codsaday inay tegaan goobta xilli hore si loo qaado tallaabooyinka looga hortaggayo feyraska Korona sida gacmo dhaqa, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka ee AFP.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli toddobaadkii hore uu geeriyooday madaxweynihii Burundi Nkurunziza kaddib markii uu wadnaha istaagay.

    Ninka haatan xilka loo dhiibay Evariste Ndayishimiye waxaa uu taageero ka helay Nkurunziza, waxaana la shaaciyay in uu ku guuleystay doorashadii bishii May ka dhacday dalkaas, taas oo ay mucaaradku sheegeen in lagu shubtay.

  6. Ayax ku habsaday beero ku yaalla Puntland

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dhibaatada uu ayaxa ku hayo dalaga iyo daaqa Soomaaliya, taasoo laga cabsi qabo inay waxyeello ba'an gaarsiiso wax soo saarka beeraha ee dalka. Deegaannada uu ayaxa ku degay, beeraha badanna ka cunay waxaa kamid ah Puntland oo khasaare weyn uu soo gaarsiiyay sida uu kusoo warramayo weriye Axmed Cawil oo warbixintan kasoo diray magaalada Garowe.

    Qoraalka Codka, Ayaxa baabi'iyay beero ku yaalla Puntland
  7. George Floyd walaalkii oo codsi u diray Qaramada Midoobey

    Philonise Floyd oo dhawaan ka qeybgalayay dibadbaxyo ka dhacay agagaarka aqalka cad ee Mareykanka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Philonise Floyd oo dhawaan ka qeybgalayay dibadbaxyo ka dhacay agagaarka aqalka cad ee Mareykanka

    George Floyd walaalkii ayaa ka codsaday Qaramada Midoobey inay baaritaan ku sameyso dhacdooyinka ku saabsan dilalka ay booliska Mareykanka u geysteen dadka madowga ah.

    Philonise Floyd waxaa uu golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey u sheegay in dadka ku nool adduunka ay arkeen in walalkii George Floyd la jirddilay isla markaana la dilay.

    Waxaa uu ka dhawaajiyay in arrintaas ay muujineyso in Mareykanka aanan laga qaddarin nolosha dadka madow.

    George Floyd walaalkii waxaa uu ugu baaqay saraakiisha Qaramada Midoobey inay sameyaan guddi madaxbanaan oo baaritaan ku sameeya dilka booliska Mareykanka ay u geysteen dadka madowga ah iyo sidoo kale iyo rabshadaha ka dhanka ah dadka sida nabdoon u dibadbaxaya.

    Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu ka qeybgalayay muuqaal toos ah xilli dalalka Afrikaanka ah ay shir ku lahaayeen xafiiska arrimaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ee Geneva.

    Madaxa guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey Michelle Bachelet waxay ku tilmaamay dilka George Floyd 'dil micno darro ah'

    Ms Bachelet, oo ah madaxweynihii hore ee dalka Chile ayaa ugu baaqday dalalka adduunka inay ka hortaggaan raadadka adoonsiga iyo guumeysiga.

  8. WHO oo sheegtay inay joojisay daraasad lagu sameynayay dawada hydroxychloroquine

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay inay joojisay daraasaddii lagu sameynayay waxtarka dawada Malaariyada ee hydroxychloroquine ay u leedahay daweynta bukanaada uu ku dhacay feyraska Korona.

    Ha'yadda waxay sheegtay ' in daraasad dhawaan la sameeyay ay muujineyso in dawada hydroxychloroquine aysan waxbo u tarin bukaanda uu ku dhacay cudurka Covid-19 oo lagu tijaabiyay'

    Dawadan ayaa si weyn looga daneynayay dunida, waxaana la rumeysnaa inay ka hortageyso cudurka isla markaana ay daweyn feyraska.

    Waxaa si kumeel gaar ah hakad u galay tijabada lagu sameynayay dawadan kaddib markii jornaalka ka faalooda arrimaha caafimaadka ee The Lancet uu baahiyay in dawadan ay horseeday dhimasho isla markaana ay wadno xanuun ku reebtay bukaanada qaar.

  9. Maxay yihiin qodobada ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Somaliland?

    Madaxda Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo dhawaan ku kulmay magaalada Jabuuti

    Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA JABUUTI

    Qoraalka sawirka, Madaxda Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo dhawaan ku kulmay magaalada Jabuuti

    Waxaa xalay caasimadda Jabuuti is-afgarad hordhac ah ku kala saxiixday guddiyada farsamo ee wadahadallada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ku kala metalayay.

    Dhinacyada ayaa maalmahan isku mari la'aa qodobo xasaasi ah taasoo keentay in heshiis rasmi ah uu kasoo bixi waayo wadahadallada.

    Waxaana lagu heshiiyay shan qodob.

    1.Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

    2.Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonida labada dhinac.

    3.Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyay ee aan la hirgelin sida maalgelinta dhaqaale iyo gargaarada banii’aadanimo.

    4.Waxay labada dhinaca soo saareen guddi ka wadahadli doono arrimaha hawada.

    5.Waxay labada dhinac soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqeyn doono arrimaha nabadgelyada.

    Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u akhriyay qodobada ay dhinacyada isku afgarteen.

    Qoraalka Codka, Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf
  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .