Olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo la sheegay in si "cunsurinimo" ah loo dilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Kiisaska cudurka Korona ee dalka Jabuuti

    Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 71 qof oo kale uu ku dhacay cudurka Corona, sida lagu shegay Warbixinta malin laaha ah ee wasaaradda caafimaadka Jabuuti.

    Waxa jira walaac ku adaan cudurkan tirada guud ee dadka uu hayo cudurkan ayaa hada ah 4 278 qof dalka djibouti halka tiirada dhimashada tahay 31 qof dhanka kale waxa ka bogsaday cudurkan 2013 qof tirada sida ay Wasaarada sheegtay.

    Waxaa maalmaahan hoos u dhacay tiirada kiisaska cudurka Covid-19 ee dalka djibouti Iyada oo aay wali jirto cabsida cudurkan

    .
  2. Muuqaal ku saabsab shaqaalaha caafimaadka Minnesota oo ay kamid yihiin Soomaali oo ku biiray Mudaharaadka Looga Soo Horjeedo Dilkii George Floyd

  3. Xayiraadaha socdaalka ee ka dhashay fayraska korona oo saameyn dhinacyo badan ah ku reebay ganacsatada iyo dadka caadiga ah ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

    Xayiraadaha socdaalka ee ka dhashay fayraska korona ee safmarka ah ayaa waxa ay saameyn dhinacyo badan ah ku reebeen dhaqaalihii dunida.

    Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalkan Kenya oo markii horaba ku tiirsanaa raashinka ay bixiyaan hay'adaha gargaarka iyo ganacsiyo iyaga u gaar ah ayaa haatan saameyn ba'an waxaa ku reebay xayiraaddii lagu soo rogay isu socodka xeryahaasi ay boqollaalka kun ee qof ay ku nool yihiin.

    Dhadhaab waxa ay muddaba ka go'neyd Kenya inteeda kale, haatanna iyadii ayaa la kala xirayba, haweenka ganacsatada ah ee xeryahaasna dhibaatay wajaheen iyo dadka caadiga ahba. Saado Khaliif Barre oo ah hooyo 11 caruur leh kana mid ah ah hooyooyinka ku ganacsada xerada Xagardheer, saameynta ayey uga warrantay Kauthar Maxamed oo khadka taleefanka kula xiriirtay.

    Qoraalka Codka, .
  4. Ra’iisal wasaaraha New Zealand oo soo bandhigtay “qoob ka ciyaar ” xilli ay ku dhawaaqaysay arrin ku saabsan korona

    Ra’iisal wasaaraha dalka  New Zealand  Jacinda Ardern

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    New Zealand ayaa qaaday dhamaan xayiraadihii saarnaa iyada oo sheegtay inaysan muddo laba isbuuc ah diwaan gelinin kiisas cusub ee cudurka korona.

    Waxaa sidoo kale loo baahnaan doonin in la raaco tallooyinka looga hortago faafidda cudurka korona sida kala fogaanshaha iyo isu imaadka dadka.

    Balse xuduudaha dalka ayaa la sheegay inay weli sii xirnaan doonan.

    New Zealand ayaanan diwaangelinin kiisas cusub muddo ka badan laba isbuuc.

    Ra’iisal wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern, ayaa “qoob ka ciyaar yar” samaysay xilli ay ku dhawaaqaysay in dalka uusan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira covid-19 ah.

    “Inta aan ku jirno xaaladdan ma fududaanayso inaan hal mar ku noqonno meeshii aan joognay ka hor inta uusan cudurkan dillaacin balse hadda waa inaan bilawno sidii aan ku dhisi lahyn dhaqaalaha dalka,” Ayey tiri.

  5. Olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo la sheegay in si "cunsurinimo" ah loo dilay

    Shukri

    Xigashada Sawirka, FAMILY PICTURE

    Waxaa socda olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo 12 sano jir ah laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi.

    Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska .

    Waxaa jira dad badan oo aaminsan falkan inuu la xiriiro "cunsurimo", iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada.

    Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska u tagay inay helaan nolol wanaagsan iyaga oo ahaa qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya.

    Booliska Manchester ayaa dhacdadaan oo laga joogo muddo ku dhaw sanad ku tilmaamay "mid argagax leh" aysanna jirin wax hadda la tuhunsanyahay.

    Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbanaya baaritan hor leh, iyaga oo isticmaalaya hal kudhig ah #justiceforshukri oo ah cadaalad ha loo raadiyo geeridii Shukri.

  6. Dilkii George Floyd: Dibadbaxayaal burburiyay astaan caan ah oo ku taalay UK

    .

    Xigashada Sawirka, PA MEDIA

    Astaanta ganacsadihii kala iibin jiray dadkii la adoonsan jiray ayaa lagu burburiyay magaalada Bristol, xilli ay mudaharaadyada ka socda dalka UK ay galeen maalintii labaad.

    Dibadbaxayaasha ayaa burburiyay astaanta Edward Colston, oo ahaa ganacsado ku caanbaxay iibinta dadkii la adoonsan jiray qarnigii 17-aad.

    Colston wuxuu xubin ka ahaa shirkadda Royal African, taas oo ku dhawaad 80,000 oo Afrikaan ah gaysay Maraykanka.

    Colston oo dhintay 1721-kii ayaa la sheegay inuu hantidiisii ku bixiyay sadaqo, waxaana ilaa hadda taaraakhdiisa lagu arkayay jidadka iyo dhismayaasha magaaada Bristol ee dalka Ingiriiska.

    Galabnimadii Axadda, booliska magaalada London ayaa soo saaray amar ah inay dibadbaxayaasha baneeyaan agagaarka Westminster ee bartamaha magaalada London.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    .

    Xigashada Sawirka, PA MEDIA

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    .

    Xigashada Sawirka, JOEY KONG

  7. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.