Muddaaharaadyada Jibuuti oo ku fiday Cali Sabiix

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Muddaaharaadyada Jibuuti oo ku fiday Cali Sabiix

    Dibadbaxyada ka dhacay Jibuuti
    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada ka dhacay Jibuuti

    Gobolka Cali Sabiix waxaa maanta salaadda Jimcaha ka dib ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhawaan soo duubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

    Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.

    Muddaaharaadyo noocan oo kale ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Jibuuti iyadoo dowladda ay xabsiga dhigtay dhowr qof.

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Jibuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa u digay dibadbaxayaasha.

    "Nin kasta oo shirciga ku xadgubana waa la soo qaban doonaa oo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa. Marka dadku ha ogaadaan, meeshan waa waddan sharci leh, nidaamka ninkii ku xadgubana isagaa yaqaanna" ayuu yiri Muumin

    Wasiirka kama uusan hadlin arrinta kicisay dibedbaxyada ee xariga Fu’aad Yuusuf Cali.

  2. Jibuuti: Gabar 16 jir ah oo uu dhalay duuliyihii la xiray oo iyadana xabsiga la dhigay

    Dowladda Jibuuti ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay.

    Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada.

    Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray "caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa." Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran.

    Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray xaley ay ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay.

    Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin.

    Muuqaallo la sheegay inay yihiin dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa la soo dhigay baraha bulshada.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Jibuuti oo xaqiijisay kiisas cusub oo ku saabsan Covid-19

    Dowladda Jibuuti ayaa maanta xaqiijisay 69 qof hor leh oo uu ku dhacay feyraska Korona, guud ahaan kiisaska cudurka ee Jabuuti waxay gaareen 4,123.

    Jibuuti waxay ilaa iyo haatan cudurka ka baartay ilaa 34,551 qof, waxaana Covid-19 u dhintay 26 qof halka 1,707 qof ay kasoo bogsadeen.

    .
  4. Wasiir shaqada ku waayay qorshe lagu soo iibin rabay macmacaan oo ku baxayay 2.2 Malyan oo doolar

    Wasiirka waxbarshada dalka Madagascar ayaa shaqada laga ceeyriyay kaddid qorshe ku aadan soo iibsashada macmacaan $2.2 Milyan ay ku bexeysay.

    Wasiirkan oo lagu magacaabo Rijasoa Andriamanana ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay amar ku bixisay in carruurta dalkaas loo qeybiyo macmacaan maadama dawada dhireedka ka hortagga cudurka Covid-19 ee uu soo bandhigay dalkaas ay qaraartay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Ardey kasta oo ku nool dalkaas waxaa la filayay in la siiyo saddex xabo oo nacnac ah ama macmacaan, sida ay baahisay AFP.

    Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaya in wasiirka waxbarashada loo yeeray markii uu madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina uu ka yimid go'aanka ardeyda loogu soo iibin rabay macmacaanka.

    Waxaana wasiirka lagu eedeeyay inay dooneysay inay lunsato lacagta wasaaradda.

    Madaxweyanaha Madagascar ayaa soo bandhigay dawo dhireed uu rumeysan yahay in lagu daweyn karo cudurka Covid-19.

  5. Cabdi Tahliil: 'Wuxuu ahaa nin wanaagsan oo waddani ah'

    Cabdi Tahliil Warsame

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Qoraalka sawirka, Cabdi Tahliil Warsame

    Waxaa xaley magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame kaas oo in muddo ah ku xanuunsanaa Muqdisho.

    Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid fanaanka.

    Xaaladda caafimaad ee fannaanka Tahliil ayaa sii xumaanaysa waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay qaranka.

    Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

    Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

    Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

    Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

    Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

    Haddaba fanaaniinta ka tacsiyeeyay geerida Cabdi Tahliil waxaa kamid ah Hibo Maxamed (Hibo Nuura) oo ku sugan dalka Mareykanka.

    Qoraalka Codka, Hibo Nuura
  6. Muxuu u xiran yahay duuliye Fu'aad Yuusuf Cali oo muuqaalkiisa baraha bulshada qabsaday?

    Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa sheegaya in muddo uu halkaa ku xiran yahay mid ka mid ah duuliyeyaasha ciidanka cirka ee Jabuuti oo wararka qaar ay sheegayaan in lagu eedeeyey khaa'inul waddannimo.

    Duuliyahan ayaa laba bil ka hor waxay wararku sheegayaan in xukuumadda Itoobiya ay ku soo wareejisay Jamhuuriyadda Jibuuti, halkaasoo uu u baxsaday markii hore.

    Haddaba xaaladiisu waa sidee iminka? Xaaskiisa ayaa BBC-da u warrantay.

    Dhanka kalena. dawladda ayaannu la xidhiidhnay si aannu falcelin uga raadinno, waxay noo sheegeen inay baadhis ku samaynayaan, maalmaha soo aaddana ay natiijada saxaafadda la wadaagi doonaan.

    Qoraalka Codka, Fu'aad Yuusuf Cali
  7. Jasiiradda Fiji waxay sheegtay ‘inay ka xoroowday feyraska Korona’

    Jasiiradda Fiji ee dhacda badda Pacific ayaa ku dhawaaqday inay ka xoroowday feyraska Korona isla markaana haatan uusan jirin wax kiis ah oo ku saabsan cudurka.

    Ra’iisul wasaare Frank Bainimarama wuxuu sheegay in guusha laga gaaray cudurka ay ugu wacan tahay ‘Ducadoodii oo la aqbalay, dadaal dheeri ah iyo caddeymaha ku saabsan cilmiga seyniska’

    Fiji waxay kamid tahay dhowr jasiiradood oo ku yaalla dunida oo laga soo tebiyay kiisaska feyraska, kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 waxaa lagu arkay jasiiraddan bartamihii bishii March arrintaas oo cabsi dhalisay.

    Jasiiradaha ku yaalla badda Pacific ayaa loo arkay goobaha u nugul oo uu si xowli ah ugu fidi karo cudurka maadama ay adeegyada caafimaad ee dalalkaas ay yihiin kuwo liita balse waxay dalalkan qaadeen tallaabooyin deg deg ah oo lagu xirayo xadka iyo joojinta howlaha dalxiiska, waxay dalalakan intooda badan ku guuleysteen xakameynta cudurka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .