Dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigreega
Meelaha badan oo ka tirsan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda maamulka gobolka, dadweyne ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay halkaas.
Dibadbaxyaashu ayaa xiray waddooyinka mara gobolka halka qaar kalena ay isku dhaceen booliska.
Dibadbaxyada ayaa ka dhacay magaalooyin qaar waxaana sii kiciyay isbaddallo ay ku dhawaaqda dowladda hoose, shacabka waxay codsanayeen in magdhaw la siiyo kaddib markii lagu qasbay inay isaga qaxaan dhulkooda si halkaas looga iibiyo warshad soo saarta sokorta. Meelaha qaar waxay dibadbaxyaasha isku dhaceen booliska.
Waxaa dhif iyo naadir ah in gobolkan ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka gobolka tigreega ee uu hogaamiyo xal xisbi waana xisbiga TPLF, in ka badan 20 sanno ayuu xisbigan go’aan weyn ku lahaa siyaasadda Itoobiya, haatan waxay caqabad ku noqdeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli ay sare u kaceyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeeyso gobolka Tigreega iyo xukuumadda Addis Ababa, gobolkan wuxuu ku hanjabay in doorasho u gaar ah uu qabsan doono, Itoobiya waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd doorashada feyraska Korona awgii.
Mas’uuliyiinta Tigreega waxay ku eedeeyeen maamulka Abiy Axmed in uu sii hurinayo qalaalasaha siyaasadeed ee taagan.
Dowladda federaalka waxay dhankeeda sheegtay in dibadbaxyada ka taagan gobolka Tigreega ay muujinayaa rabitaanka shacabka aggaas ee ah inay helaan xoriyad.