Janaraal Xaftar oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigreega

    Meelaha badan oo ka tirsan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda maamulka gobolka, dadweyne ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay halkaas.

    Dibadbaxyaashu ayaa xiray waddooyinka mara gobolka halka qaar kalena ay isku dhaceen booliska.

    Dibadbaxyada ayaa ka dhacay magaalooyin qaar waxaana sii kiciyay isbaddallo ay ku dhawaaqda dowladda hoose, shacabka waxay codsanayeen in magdhaw la siiyo kaddib markii lagu qasbay inay isaga qaxaan dhulkooda si halkaas looga iibiyo warshad soo saarta sokorta. Meelaha qaar waxay dibadbaxyaasha isku dhaceen booliska.

    Waxaa dhif iyo naadir ah in gobolkan ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka gobolka tigreega ee uu hogaamiyo xal xisbi waana xisbiga TPLF, in ka badan 20 sanno ayuu xisbigan go’aan weyn ku lahaa siyaasadda Itoobiya, haatan waxay caqabad ku noqdeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli ay sare u kaceyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeeyso gobolka Tigreega iyo xukuumadda Addis Ababa, gobolkan wuxuu ku hanjabay in doorasho u gaar ah uu qabsan doono, Itoobiya waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd doorashada feyraska Korona awgii.

    Mas’uuliyiinta Tigreega waxay ku eedeeyeen maamulka Abiy Axmed in uu sii hurinayo qalaalasaha siyaasadeed ee taagan.

    Dowladda federaalka waxay dhankeeda sheegtay in dibadbaxyada ka taagan gobolka Tigreega ay muujinayaa rabitaanka shacabka aggaas ee ah inay helaan xoriyad.

  2. Xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mareykanka oo weerarka afka ah ku qaaday Trump

    James Mattis wuxuu ahaa Xoghayihii hore ee gaashaandhiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, James Mattis wuxuu ahaa Xoghayihii hore ee gaashaandhiga

    Madaxweynaha dalka Mareynka Donld Trump ayaa lagu dhaleeceeyay habka oo ula tacaalay dibaxayada ka socda dalka mareykanka ee ka dhashay caradii ay dadku ka qaadeen dilka nin madow ahaa oo ku baxay gacanta booliska dalkaasi.

    Trump waxyaabaha lagu eedayanayo waxaa ka mid ah kala qaybin uu ku sameeynayo bulshada Mareykanka iyadoo dadka eedaha u jeedinaya ay ka mid yihiin mas'uuliyiin horey dalka xilal uga soo qabtay.

    Xoghayihii hore ee gaashaandhiga Mareykanka James Mattis ayaa dhalaceen u jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuu ku eedayay in uu si ula kac ah kala qaybin ugu sameeynayo bulshada Mareykanka

    Waxaa uu sheegay in uu ka carooday isla markaana uu ka naxay sida uu madaxweynuhu ula tacaalay dibaxayada ka dhashay dilkii nin madow ah laguna magcaabayay George Floyd oo ku baxay gacanta booliska

    Waxaa uu sheegay in madaxweyne Trump uu ku tagri falayo awooda isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ilalaiyaan qiyamka Mareykanka

    Waxaa uu sheegay Xogyihii hore ee difaaca dalka Mareykanka in uu Trump yahay madaxweynihii ugu horeyay ee nolashiisa uu arko in uu kala qaybinayo dadka Mareykanka.

    Wuxuu dhowr jeer Trump ku tilmaamay Mr Mattis in uu yahay 'Janaraal xilkii u hayay aanan u qalmin'

    Mattis ayaa xilka iska casilay sannadkii 2018-kii kaddib markii Trump uu shaaca ka qaaday in ciidammadiisa ku sugnaa Suuriya uu kala soo baxay halkaas.

  3. Mudaharaadka Maraykanka iyo Soomaalida

    Dhalinyarada Soomaalida ku dhalatay Maraykanka oo ka qayb qaadanaya dibadbaxyada looga soo horjeedo dilkii ninkii madowga ahaa.

  4. Rooda Ciise : Ma heysanno wax aan afka iyo sanka ku xirano

    Wacyi gelinta dadka laga siiyo cudurka Covid-19 waxa ka mid ah in ay maalintii dhawr goor saabuun ku faroxashaan, maadaama arintaasi ka mid tahay siyaabaha ugu badan ee lagaga fogaan karo halista fayraska. Suurto gal ma tahay hadaba in dadka miyiga ku nooli helaan biyo ku filan oo qofkiiba maalintii dhawr goor ku faraxasho.

    Rooda Ciise Axmed oo ku nool deegaanka Jiingadda oo ku yaal gobolka Sanaag oo Ibrahim Maxamed Aadan khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa uga warantay waayahooga.

    Qoraalka Codka, Feyraska Korona: 'Dadka reer miyiga oo aan heysan qalab afka iyo sanka lagu xirto'
  5. Janaraal Xaftar oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli

    Waxaa bilowday dadaallo lagu heshiisiinayo labada dhinac

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxaa bilowday dadaallo lagu heshiisiinayo labada dhinac

    Wararka ka imaanaya dalka Liibiya waxay sheegayaan in dagaalyahano taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto ee Liibiya inay dib u qabsadeen garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas laga saaray ciidammada Janaraal Khaliifa Xaftar oo horey halkaas gacanta ugu hayay.

    Waxaa in muddo ah hakad galay howlaha garoonkan balse dadka falaanqeeya siyaasadda waxay sheegayaan in arrintani ay tahay guul wey oo usoo hoyatay dowladda.

    Waxay arrintani imaaneysa xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu xallinayo colaadda Liibiya, hogaamiyeyaasha ka tirsan labada dhinac waxay u safrayaan dalalka dibadda si ay ugu qeybgalaan wadahadallada.

    Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda waxay ku sugan yihiin Ruushka, Sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in Xaftar uu u safray dhinaca Masar.

  6. George Floyd: Inta uusan dhiman ka hor wuxuu qabay feyraska Korona

    Dibadbaxayaal ku sugnaa dibedda Aqalka Cad

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxayaal ku sugnaa dibedda Aqalka Cad

    George Floyd ayaa laga helay feyraska Korona maalmo ka hor inta uusan geeriyoon.

    Warbixin ay shaaca ka qaaday xafiiska baaritaanada arrimaha caafimaadka ee degmada Hennepin oo ka kooban ilaa 28 bog ayaa lagu sheegay in George Floyd uu cudurka Covid-19 ku dhacay 3-diibishii April.

    Si kastaba, feyraska wuxuu jirka kusii jiri karaa toddobaadyo balse waxay u muuqataa in markii uu dhimanayay aysan soo shaac bixin astaamaha cudurka balse la ogaaday in uu qabay cudurka” ayaa lagu sheegay natiijada baaritaanada.

    Dr Michael Baden oo horey baaritaannada caafimaad u qaabilsanaa magaalada New York kana mid ahaa dhahaatiirtii baaritaanka ku sameysay meydka Floyd ayaa wargeyska New York Times u sheegay in maamulka degmada Hennepin aysan ku wargelin in Floyd laga helay cudurka Covid-19.

    “Haddii aad baaritaan ku sameyneyso meyd isla markaana laga helay feyraska Korona, marka waxaa iska caadi ah in aad u sheegtaa qof kasta oo taaban doono meydka, waa in si taxaddar ah loola tacaalaa”

    Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay"ma neefsan karo".

    Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah.

    Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floy.

  7. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .