Dad careysan oo dab qabadsiiyay xarun boolis oo ku taalla Minneapolis

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dad ku dhintay roob ka da'ay Hargeysa

    .

    Saddex qof ayaa ku dhintay roob maanta ka da'ay magaalada Hargeysa.

    Dadka geeriyooday ayaa kala ahaa labo nin iyo gabadh. Gaadhi ay wateen ayuu la tagay daadka kasoo fatahay dooxa wayn ee Hargeysa. Meydadka dadkaas oo markii dambe la helay ayaa yaalla isbitaalka ay maamusho xukuumadda, sida uu BBC-da u sheegay badhesaabka gobalku. Gabadha geeryootay iyana waxa dhimashadeeda sababay xadhigga dabka korontada oo qabsaday.

  2. Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.

  3. Dad careysan oo dab qabadsiiyay xarun boolis oo ku taalla Minneapolis

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xarun boolis oo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa dab la qabadsiiyay iyadoo dibadbaxyo rabshada wata ay ka socdaan magaladaasi habeenkii seddaxaad. Muddaaharaadayaasha ayaa ka careysan dilka ay boolis dileen nin madow oo aan hubeysnayn.

    Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg xili ay magaaladaasi ka jirta bililiqo.

    Ciidamada Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.

    George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya '' Ma neefsan karo'' waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

  4. George Floyd: Midowga Afrika oo dilkii ninkii madowga ahaa ku tilmaamay 'dil sharci darro ah'

    .

    Xigashada Sawirka, DARNELLA FRAZIER

    Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay dilkii ninkii madowga ahaa ee aanan hubeysaneyn ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

    Wuxuu ku tilmaamay dhacdadaas 'dil sharci darro ah'

    Moussa Faki Mahamat ayaa ka dhawaajiyay in Midowga Afrika uusan innaba aqbaleyn tacaddiyada ka dhanka ah dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka.

    Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhashay dilka George Floyd

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhashay dilka George Floyd

    Wuxuu ugu baaqay in dowladda Mareykanka ay xaqiijiso soo afjaridda weerarada ku saabsan naceybka iyo midab takoorka.

    George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya '' Ma neefsan karo'' waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah, waxaana dhacdadaas ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Minneapolis oo ay dad badan Soomaali ah ku nool yihiin.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Dibadbaxyada ka taagan Minneapolis

  6. Shirkadda Twitter oo qarisay qoraal uu barta soo dhigay Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda ayaa qarisay qoraallo uu bataas soo dhigay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Shirkadda baraha bulshada ee Twitter ayaa ku eedeeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu horseedayay kicinta rabshado xilli uu qoraal soo dhigay bartaas, madaxweynaha wuxuu ka hadlayay dibadbaxyada ka socda magaalada Minnepolis ee looga soo horjeeda dilkii ninka madowga ahaa ee loogu geystay halkaas.

    Twitter wuxuu qoraallada ku baddashay digniin ah in aanan la aqrin karin.

    Arrintani ayaa noqoneysaa dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara shirkadda Twitter iyo aqalka cad.

    Trump wuxuu ku eedeeyay koox tuugo ah inay dab qabadsiiyeen saldhig boolis oo ku yaalla Minneapolis. Wuxuuna ka digay in markii ay bilowdeen falalka dhaca ah ay sidoo kale bilaabatay rasaasta .

    Shirkadda Twitter waxay sheegtay in qoraalka Trump uu soo dhigay halkaas uu jebinayay shuruucdeeda isla markaana ay meesha ka saartay si aanan loo akhrin.

    .

    Xigashada Sawirka, TWITTER

  7. Dilkii George Floyd: Trump oo Duqa magaalada Minneapolis ku tilmaamay qof tabar daran'

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan indhaha ka dadan karin waxa ka socda magaalada Minneapolis isla markaana uu ciidammo u diri doono halkaas si xaaladda loo dejiyo kaddib markii uu qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.

    Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay duqa magaalada Jacob Frey in uu wax ka qaban waayay xaaladda.

    "Ma daawan karo wax ka socda magaalada weyn ee Minneapolis. waxaa dhici kartaa hoggaan la'aan ka imaan karta duqa tabarta daran ee magaalada Jacob Frey, waa in aan wax kala qabannaa xaaladda si magaalada aan gacanta ugu dhigno ama waxaan ciidammada qaran u diri doonaa halkaas si ay shaqo wanaagsan u qabtaan"

    Dhanka kale, duqa magaalada Minneapolis ayaa sheegay in Trump uusan waxbo kala socon xaaladda Minneapolis isla markaana ay u mideysan yihiin sidii looga bixi lahaa dhibaatadan adag.

    Dibadbaxyo ballaaran ayaa habeenkii 3-xaad ka socda magaalada Minneapolis kuwaasi oo looga oo horjeeda dil ay booliska u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.

  8. Hogaamiyaha mucaaradka Koonfur Afrika oo dadka uga digay inay aadan kaniisadaha

    Julius Malema wuxuu ku baaqay in aanan dib loo furin kaniisadaha

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Julius Malema wuxuu ku baaqay in aanan dib loo furin kaniisadaha

    Julius Malema oo ah siyaasi mucaarad ah oo saameyn ku leh siyaadda Koonfur Afrika ayaa shacabka ugu baaqay in aysan ku dhicin waxaa ku tilmaamay 'dabinta' ah in la aado kaniisadaha dalkaas, wuxuu sheegay in ciddii tegtay kaniisadaha uu ku dhici karo feyraska Korona isla markaana ay u dhiman karaan.

    Goobaha lagu cibaadeysto ayaa la furi doonaa 1-da bisha Juun, sida uu sheegay madaxweyanaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo dhawaan shaaca ka qaaday tallaabooyinka lagu dabcinayo xayiraadda balse waxaa uu ku xiray shuruudda ah in ugu yaraan 50 qof loo ogolyahay inay tegi karaan goobaha cibaadada.

    Julius Malema wuxuu sheegay in dib u furidda kaniisadaha ay horseedi karto in dad badan ay qaadaan feyraska, wuxuuna ugu baaqay hoggaamiyeyaasha diimaha in aysan aqbalin in dib loo furo kaniisadaha waa haddii ay ka fakarayaan nolosha dadkooda.

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan xisbigiisa in aysan tegin kaniisadaha.

  9. Qaramada Midoobey oo ka hadashay dhalinyaradii lagu dilay Shabeellaha Dhexe

    .

    War saxaafadeed kasoo baxay ku-xigeenka ergeygaa ah ee xafiiska wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii tuulada Galoleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay 7 dhalinyaro ah iyo hal qof oo rayid ahaa.

    Waxaa uu soo jeediyay in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdada lagu dilay dhalinyarada.

    “Marnaba lama aqbali karo in la weeraro shaqaalaha caafimaadka taasi oo xaadgudub ku ah xeerarka arrimaha banii’aadanimada”

    Qaramada Midoobey waxay sidoo kale sheegtay in dilka howlwadeenadan caafimaadka uu imaanayo xilli dowladda Soomaaliya ay la daala dhaceyso xakameynta safmarka Korona, wax ka qabashada daadadka iyo saameynta ayaxa.

    Shaley galinkii dambe ayay aheyd markii maydadka 8 dhalinyaro ah lagu arkay duleedka deegaanka Gololeey oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo isla shalay laga qafaashay deegaanka.

    Ma cadda cidda afduubatay iyo cidda ka dambeysa dilkooda toona.

  10. Muuqaal lasoo dhigay barta Tiktok oo ka farxiyay qoys uu aabahood muddo ka maqnaa

    Aabaha in muddo ayuu maqnaa muuqaalka lasoo geliyay Tiktok ayaa fududeeyay in dib loo helo

    Xigashada Sawirka, BBC TELUGU

    Qoraalka sawirka, Aabaha in muddo ayuu maqnaa muuqaalka lasoo geliyay Tiktok ayaa fududeeyay in dib loo helo

    Muuqaal lasoo dhigay barta Tiktok oo shacabka loogu baaqayay inay caawiyaan dadka saboolka ah e ku nool Hindiya ayaa qoys u horseeday inay helaan aabahood oo in muddo ah ka maqnaa.

    Aabahan oo lagu magacaabo R Venkateshwarlu ayaa la waayay muddo labo sanno ah halka jaan iyo cirib uu dhigay, waxaa uu kasoo muuqday muuqaalka isaga oo taagan waddo ilaa 2000 kiiloomiitar u jirta deegaankii uu kasoo jeeday.

    Haatan waxaa uu dib ula midoobay qoyskiisa, muuqaalka waxaa barta Tiktok soo geliyay sarkaal boolis ah oo ku sugan gobolka Punjab ee dalka Hindiya kaas oo waday howlo loogu gargaarayo dadka saboolka ah ee ku nool halkaas.

    “Farxad ayaan la ilimeeyay markii aan dib u arkay aabahay” waxaas sidaas BBC u sheegay wiilkiisa.

    Haatan qoyskiisa ayuu dib ula midoobay
    Qoraalka sawirka, Haatan qoyskiisa ayuu dib ula midoobay

    Aabahan oo la sheegay in dhagaha uu si fiican wax uga maqleyn isla markaana uu hadalka dhibayo wuxuu ku noolaan jiray tuulo ku taalla gobolka koonfurta dhaca ee Telangana.

    Bishii April ee sannadkii 2018-kii wuxuu baabuur xamuul ah u raacay tuulo kale isaga oo ku wajahan shaqo, waxaa la tegay baabuurka markii uu ku dhex hurdday, waxaa uu ka dhacay deegaan kale uusan garaneyn, sida wiilkiisa R Peddiraju uu BBC-da u sheegay.

    Tan iyo markii Hindiya looga dhawaaqay bandowga looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona, sarkaal boolis ah oo ku nool gobolka Punjab oo la yiraahdo Ajaib Singh wuxuu bilaabay olole samafal ah oo uu gargaar ugu fidinayo shacabka tabaaleysan isla markaana uu raashin gaarsiinayay.

    Wuxuu barta Tiktok soo dhigay muuqaallada dadka saboolka ah si loo caawiyo, bartiisa waxaa ku xiran dad gaarayo ilaa 800,000.

    R Venkateshwarlu iyo sarkaalka booliska ee muuqaalka soo dhigay barta Tiktok
    Qoraalka sawirka, R Venkateshwarlu iyo sarkaalka booliska ee muuqaalka soo dhigay barta Tiktok
  11. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .