Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo si weyn looga ciiday xilli uu jira coronavirus

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Boorama oo laga oogay salaadda Ciiduk Fitriga inkastoo Somaliland ay mamnuucday

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa isbuucan soo saartay amar ah in aan la isugu imaan karin goobaha salaadada ciidda Korona fayras awgii.

    Balse Magaalooyinka qaar sida Boorama saaka si weyn ayaa looga oogay salaadda Ciidul-fitriga.

    Waxaa sawirrada ciidda ee Boorama bartiisa Facebook-ga soo dhigay weriye Khaalid Foodhaadhi

  2. Kaniisad ku taalla Berlin oo albaabada u furtay Muslimiinta

    Salaadda jameecada  ayay Muslimiinta ku tukadeen gudaha kaniisadda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Salaadda jameecada ayay Muslimiinta ku tukadeen gudaha kaniisadda

    Kaniisad ku taalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa albaabada u furtay Muslimiinta si ay salaadda ciidda ugu guddaan. Waxay ka dambeysay markii masaajidda ay buux dhaafeen maadama lagu amray dadka inay kala fogaadaan marka ay tukanayaan si loo xakameeyo faafitaanka fayriska Corona.

    Sida cadiga ah masaajidka Dar Assalam ee ku yaalla magaalada Berlin waxaa hal mar kuwada tukan karta boqolaal Muslimiin ah, balse dowladda Jarmalka ayaa soo rogtay in dadka ay kala fogaadaan 1.5 mitir taasoo qeyb ah xayiraadaha ay soo rogtay dowladda. 50 qof oo kali a ayaana hadda loo oggol yahay inay hal mar galaan masaajidkaasi.

    Sidaa darteed ayay kaniisadda Martha Lutheran albaabada u furtay Muslimiinta si ay ugu tukadaan gudaha kaniisadda.

    " Waa tallaabo wanaagsan oo ina faraxad gelisay.," ayuu yiri imaamka masaajidka Maxamed Taha Sabry. "

    Salaadda jameecada  ayay Muslimiinta ku tukadeen gudaha kaniisadda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Salaadda jameecada ayay Muslimiinta ku tukadeen gudaha kaniisadda
  3. Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo si weyn looga ciiday xilli uu jira coronavirus

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu
    Masaajidda ayaa sidii caadiga ahayd lagu tukaday salaada Ciida iyadoo dadku ay garbaha isku hayeen inkastoo saraakiisha caafimaadku ku booriyeen dadweynaha inay kala fogaadaan intay socdaan dabaaldegyada ciida si looga fogaado faafitaanka Fayraska Korona.
    Qoraalka sawirka, Masaajidda ayaa sidii caadiga ahayd lagu tukaday salaada Ciida iyadoo dadku ay garbaha isku hayeen inkastoo saraakiisha caafimaadku ku booriyeen dadweynaha inay kala fogaadaan intay socdaan dabaaldegyada ciida si looga fogaado faafitaanka Fayraska Korona.

    Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday inkastoo waqtiga lagu dhawaaqay inay ciid tahay ay ahayd waqti dambe oo xalay ah. Masaajidda ayaa sidii caadiga ahayd lagu tukaday salaada Ciida iyadoo dadku ay garbaha isku hayeen inkastoo saraakiisha caafimaadku ku booriyeen dadweynaha inay kala fogaadaan intay socdaan dabaaldegyada ciida si looga fogaado faafitaanka Fayraska Korona.

    Wadooyinka ayaa saxmad ahaa saaka magaalada Muqdisho, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buuxdhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

    Qaar kalena waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan iyadoo wax talaabooyin dheeraada aan la qaadin oo ku aadan cudurka COVID-19.

    Kooxaha muusikada booliska ayaa gaada ka ciyaar ku maray wadooyinka magaalada iyagoo garaacayay muusik ay ku madadaalinayeen dadka wadooyinka maraya iyo kuwa taagan. Dadka badankood maysan xirneyn maaska afka lagu xirto si looga hortago Fayraska Korona.

    Dhinaca kale waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka qaarkood kuwaas oo sheegay in dunida muslimka ah badankeed aan laga ciidin sidaa daraadeedna ay soon tahay balse maamullada Soomaalida ayaa dhamaantood ku dhawaaqay inay maanta ciid tahay.

    Ciidul Fitriga ayaa Soomaaliya sanadkan u soo gashay iyadoo cudurka safmarka ah ee Korona Fayras uu faro ba'an ku hayo wadanka oo dhan iyadoo gobollada dalka oo dhan laga helay xanuunka.

  4. Salaadda ciidda kaligaa ma tukan kartaa?

    Qoraalka Muuqaalka, Sheekh Maxamuud Shibli
  5. Nin dembi wayn loo haystay oo la la’aa oo haraaga maydkiisa la helay

    Sawirrada dadka sida aadka loo doon doonayo oo loo heysto xasuuqii Rwanda

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Sawirrada dadka sida aadka loo doon doonayo oo loo heysto xasuuqii Rwanda

    Dacwad oogaha dambiyada dagaalka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in uu dhintay nin kamid ah dadkii sida weyn loogu eedeeyay xasuuqii ka dhacay Rwanda.

    Bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dheecaanka hide-sidaha la qaaday uu muujinayo in haraaga meydka laga helay qabuuro ku yaalla Congo-Brazzaville uu yahay Augustin Bizimana

    Augustin Bizimana wuxuu ahaa wasiirkii gaashaandhigga Rwanda markii uu dhacayay xasuuqii 1994-tii.

    Toddobaadki lasoo dhaafay waxaa Faransiiska lagu qabtay Félicien Kabuga, oo ku jiray diwaanka eedeysanayaasha aadka loo doon-doonyay doorkii ay ku lahaayeen xasuuqii Rwanda .

    Afar sanno kaddib waxaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa xasuuqa.

    Waxaan lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilkii loo geystay ra'iisul wasaarihii dalkaas Agathe Uwilingiyimana iyo 10 kamid ah ciidammadii Belgium ee Qaramada Midoobey ka socday ee nabad ilaalinta uu joogay Rwanda.

    Waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inuu abaabulayay weeraradii lagu laayay shacab badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Tutsi.

    Markii laisu barbardhigay dheecaanka Hide-sidaha, xafiiska dacwad oogaha dambiyada dagaalka ee Qaramada Midoobey wuxuu xaqiijinayaa in Augustin Bizimana uu geeriyooday tan iyo sannadkii 2000.

    Wuxuu intaas ku daray in weli lagu raad joogo lix qof oo kale baxsad ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xasuuqii Rwanda.

  6. Soomaalida Canada iyo barnaamijka 'walaal ila orad'

    Dalka Canada, inkastoo dad badan ay ku xanibanyihiin guryahooda sababo la xiriira fayrska Corona ayaa haddaana qaar ka mid ah bulshada waxaa ay sameeyaan wax ay ugu yeereen walaal ila orad" taas oo micnaheedu yahay maadama dadku ay waqti badan guryaha joogaan in ay ordaan oo ay sameyaan jimcisi. Qaar ka mid ah dadka Sameeya oradkaan ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka laga leeyahay ay tahay in qofku uu ilaaliyo caafimaadkiisa.

    Qoraalka Muuqaalka, Soomaalida Canada iyo barnaamijka 'walaal ila orad'
  7. War deg deg ah, Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Pakistaan

    Diyaarada ay leedahay shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Pakistaan ayaa ku burburtay magaalada Karachi, sida ay sheegeen saraakiisha laanta hawada ee dalkaas.

    Diyaaradda ayaa kasoo dhaqaaqday magaalada Lahore.

    Waxaana lagu soo warramaya diyaaradda burburtay inay la socdeen rakaab gaaraya 99, waxay ku wajahneyd garoonka diyaaradaaha mashquulka badan ee Jinnah.

    Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayaa qiiq iyo uuro madow oo ka kacay goobta uu shilka ka dhacay, waxaana halkaas gaaray shaqaalaha gurmadka deg degga.

  8. Wiil aabihii dilay xilli uu muuqaalka Zoom dad kula shirayay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wiil ayaa aabihiisa dilay xilli dad uu kula sheekeysanayay khadka Zoom-ka oo maqal iyo muuqaal ah gudaha gobolka New York ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen booliska.

    Dwight Powers waxaa weeraray wiilkiisa oo 32 jir ah oo la yiraahdo Thomas Scully-Powers, markii uu aabihiis dilayna waxaa uu ka booday daaqaadda gurigii uu ku sugna isla markaana wuu baxsaday.

    Dadkii uu kula sheekeysanayay muuqaalka tooska ah ayaa booliska ku wargeliyay dilka uu geystay wiilka, lamana garanayo sababta ka dambeysay in wiilkaas uu aabihiis dilo.

    Bayaan kasoo baxay booliska degmada Suffolk waxay sheegeen in faahfaahin dheeraad ay ka bixin doonaan dhacdada maadama wiilka uu yaalla isbitaal kaddib dhawaaci soo gaaray markii u baxsanayay.

    Booliska waxay sheegeen in dhacdada ay kusoo wargeliyeen dadkii khadka kala sheekeysanayay wiilka balse waxaa ku adkaatay in la ogaado gurigii uu ku noolaa wiilka.

    Dadka qaar waxay sheegayaan in ilaa iyo hadda aysan kala caddeyn waxa uu ku saabsanaa shirka noocaas ah.

  9. South Sudan: 10 wasiir oo laga helay feyraska Korona

    Wasiirka wuxuu sheegay in wasiirada laga helay cudurka ay si iskood ah isu karantiileen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka wuxuu sheegay in wasiirada laga helay cudurka ay si iskood ah isu karantiileen

    Dalka South Sudan ilaa 10 wasiir ayaa laga helay feyraska Korona.

    Wasiirka warfaafinta Michael Makuei wuxuu BBC u sheegay in dhammaan xubnihii ka tirsanaa guddiga la dagaalanka cudurka Covid-19 laga xaqiijiyay in laga helay cudurka marka laga reebo wasiirka caafimaadka.

    Wuxuu wasiirka beeniyay wararka sheegayo in madaxweyne Salva Kiir uu ku dhacay feyraska oo isagu ka tirsanaa guddiga ka hortagga cudurka ee haatan badankooda uu ku dhacay.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan cudurka la xaqiijiyay in laga helay madaxweyne ku-xigeenka South Sudan Riek Machar iyo xaaskiisa iyo wasiirka gaashaandhigga ee dalkaas kaddib markii ay la kulmeen xubnihii ka tirsanaa guddiga la dagaalanka Covid-19.

    Waxaa sidoo kale cudurka laga helay tiro kamid saraakiisha ilaalisa xubnaha laga helay cudurka, waana la karantiilay dhammaantood.

    South Sudan waxaa sare u kacay kiisaska la xiriira feyraska Korona, wuxuu dalka xaqiijiyay 481 kiis halka dhimashadu ay gaartay 6.

  10. "Xildhibaanadan waxay mooshin ka keeneen Mustaf sidaas darteed ayaa xasaanadda looga qaaday"

    Muran ka dhashay kal-fadhi uu baarlamaanka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya shalay ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa horseeday in 12 mudane laga xayuubiyo xasaanaddii xildhibaannimo walow iyagu ay diiddan yihiin sharcinnimada go'aankaasi.

    Khilaafka ayaa bilowday markii la isku maandhaafay ajandayaasha kal-fadhiga, iyadoo xildhibaannada qaar ay doonayeen in xukuumadda lagula xisaabtamo.

    Cabdiraxmaan Curaagte waxa uu kamid yahay xildhibaannada xasaanadda laga qaaday.

    Qoraalka Codka, Xildhibaano xaasannada laga qaaday

    Dhinaca kale, xilidhibaan Maxamed Cali Halac waxa uu kamid yahay mudanayaasha u coddeeyay in xasaannada laga qaado 12-kaasi xildhibaan. wuxuu u warramay Kowsar Maxamed Cabdullaahi.

    Qoraalka Codka, Kalfadhigii baarlamaanka xildhibanaada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
  11. Saalax Khashoggi: Waan cafinay dadkii dilay aabaheen

    Saalax Khashoggi (Bidix) oo la kulmay Maxamed Bin Salmaan kaddib dilkii aabihiis

    Xigashada Sawirka, HANDOUT/AFP

    Qoraalka sawirka, Saalax Khashoggi (Bidix) oo la kulmay Maxamed Bin Salmaan kaddib dilkii aabihiis

    Wiil uu dhalay saxafagii la dilay ee Sucuudiga u dhashay Jamaal Khashoggi ayaa sheegay inay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabihiis.

    Saalax oo ku nool magaalada Jiddah, wuxuu barta Twitter-ka kusoo qoray sidatan " Xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.waxaa xusuusanay hadalka Alle ee ah, haddii qofka uu cafiyo walaalkiis, doorbidana dib u heshiisiin, Ilaahey ayaa abaal marin doonaa"

    "Haddii aan nahay wiilasha Jamal Khashoggi waxaan shaaca ka qaadeynaa in aan cafinnay kuwo dilay aabaheena si ilaahey uu abaal marin inoogu baddalo"

    Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .

    Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.

  12. 'Lacag boqolaal kun oo doolar' oo laga xaday wiil uu dhalay madaxweyne hore oo Afrikaan ah

    Waxaa la laalay dacwad loo heystay Charles Sirleaf kaas oo la xiray sannadkii lasoo dhaafay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Waxaa la laalay dacwad loo heystay Charles Sirleaf kaas oo la xiray sannadkii lasoo dhaafay

    Booliska Liberia ayaa baaraya cabasho uga timid wiil ay dhashay madaxweynihii hore ee dalkaas Ellen Johnson Sirleaf kaas oo sheegay in laga xaday in ka badan 800,000 oo doolar.

    Wuxuu sheegay in lacagtan ay ku jirtay akoon uu ku leeyahay bangi ku yaalla caasimadda Liberia ee Monrovia.

    Wiilkan oo lagu magacaabo Charles Sirleaf wuxuu ka dhawaajiyay in lacagta ku waayay akoonkiisa saacado uun kaddib markii la laalay dacwad musuq maasuq ah oo loo heystay.

    Waxaana xabsiga la dhigay sannadkii lasoo dhaafay markii uu hayay xilka ku-xigeenka madaxa bangiga dhexe ee Liberia, waxaana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

    Afahayeen u hadlay booliska wuxuu BBC u sheegay in booliska ay baarayaan lacagta la sheegay in laga xaday wiilka madaxweynihii hore ee dalkaas.

    Dhanka kale, qareenada Charles Sirleaf waxay xaqiijiyeen in haataan ay socdaan baaritaanno ku saabsan dhacdadaas.

  13. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .