Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.
Sylvia Romano: Gabadhii muslimtay 'Waxaan kasoo baxay xaalad aad u xun'
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Sylvia Romano: Gabadhii muslimtay 'Waxaan kasoo baxay xaalad aad u xun'

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/PIER MARCO TACCA
Qoraalka sawirka, Silvia Romano ayaa dib loogu celiyay Taliyaaniga Sylvia Romano oo ah gabadh Talyaaniga u dhalatay ee afduubka loogu haystay Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladdeeda kaddib markii dhawaan muslimnimadeeda loogu hanjabay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Talyaaniga ee ANSA oo soo xiganey
Waxay sheegtay in dhibaatadii ugu xumeyd ay soo martay isla markaana aysan ka shaleynin go'aankeeda.
"Xaaladdii xumeyd waan ka soo baxay, haddana waan raaxeysan karaa. ...Markasta waxaan raacaa meesha uu qalbigeyga ii wado, taasina weligay kama weecan doono,”
"Waxaan idiin ka codsaday in aanay caroon markii aad i difaaceseen" ayay tiri Sylvia.
“Ma sugi karin inta aan ka degayo diyaaradda, sababtoo ah waxaan aad igu xiisay dadka muhiimka u ah noolasheyda. Waxaan doonayay inaan marxabeeyo, oo aan u sheego kalgaceylka aan u hayo iyadoo aan la eegeyn dharka Islaamka ee aan xirannahay"
Romano oo waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya.
Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.
Khilaaf hor leh oo ku saabsan kiiskii badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Khilaaf hor leh oo la xiriira dhegeysiga dacwadda badda ee hor taal Maxkamada Caddaalada ee Caalamiga ayaa ka dhex aloonsan Soomaaliya iyo Kenya.
Dokumentiyo ay aragtay BBC oo ay labada dal u direen maxkamada ayaa muujinaya in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo dhegeysiga dacwadda muddo aan cayimneyn. Dhegeysiga dacwada ayaa loo ballansanaa in dib loo furo horraanta bisha soo socota ee Juun.
Laakiin dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen. Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada uu tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka Fayraska Karona.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhiga iyado ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya.
Soomaaliya waxay codsatay in dhageysiga dacwadda lagu qaado qaab muuqaal ah iyada oo la adeegsanayo teknoolijiyada casriga ah si looga maarmo in dib loo dhigo kiiska.
Waxay Soomaaliya sidoo kale ku sheegtay warqadda ay u qortay maxkamada in dacwado waa weyn oo heer caalami ah horey loogu adeegsaday in lagu qaado qalabka muuqaalka ah.
Toddobaadyada soo socda ayaa lagu wadaa in maxakmadda ay go'aanka ka gaarto codsiga Kenya.
Maleeshiyo loo yaqaano 'Shabaab' oo 50 looga dilay Mozambique

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Waqooyiga Mozambique waxaa ka dhacayay weeraro ay geystaan maleeshiyaad ka howlgalaa halkaas tan iyo sannadkii 2017-kii Dowladda Mozambique ayaa sheegay in ciidamadeeda ammaanka ay dagaal ka dhacay waqooyiga dalkaasi ku dileen in kabadan 50 mintidiin Islaami ah.
Wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi oo si aan horay looga baran uga hadlay colaadda ka socota gobolka Cabo Delgado, ayaa sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen waarar lagu soo qaaday Khamiistii shalay ahayd.
Dagaalka ayaa ka dhacay buuro ku yaal waqooyiga Mozambique.
Wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay in weerar kedis ay ciidamada dowladda ku qaadeen mintidiinta ayna ka dileen 42 dagaalyahan.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in 8 kale lagu dilay weerar kale oo xigay iska horimaadkaasi.
Dowladda Mozambique ayaan inta badan ka hadlin colaadda ay mintidiinta ka wadaan gobolka Cabo Delgado, marka laga reebo shaacinta guulaha ay ciidamada gaaraan.
Balse colaadda ayaa u muuqata mid baahaysa, waxaana ka walaacsan dalalka deriska la ah Mozambique iyo shirkadaha tamarta ee caalamiga ah ee gaaska ka soo saara gobolkaasi.
Ururka Daacish ayaa dhawaan sheegtay mas’uuliyadda weerarro ka dhacay gobolkaasi, balse dagaalyahannada oo deegaanka looga yaqaan Al-Shabaab ayaa u dagaallamaya qadiyado maxalli ah.
Waxa ay dowladda ku eedeeyeen musuq-maasuq, balse sidoo kale waxay gabood-fallo u geysteen dadka deegaanka ee gobolkaasi.
Somaliland oo la wareegtay baabuur lagu eedeeyay inay sideen qaad sharci darro ah
Booliska Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqaday ee Somaliland ayaa la wareegay gawaadhi lagu eedeeyey in ay sideen qaad sharci darro ah markii la qabtay oo ay ku xad gudbeen mamnuucidda muddaysan ee joojinta qaadka oo ah muddo 25 maalmood ah sababtuna tahay fayraska korona awgii.
Dawladda ayaa la wareegtay baabuurtaa la soo qabtay oo ku buufisay midabka baabuurta bilayska oo sidaa ugu wareejisay, waxase dadkii baabuurtaa lagala wareegay su'aal geliyeen sharciga loo maray ee loo cuskaday in lagula wareego gaadiidkaas, ilaa haatanna cabasho ayay qabaan dadkaasi.
Khadar Xaaji Cabdillaahi ayaa warbixintan Hargaysa ka soo diray.
Qoraalka Codka, Somaliland oo la wareegtay baabuur la sheegay inay sideen qaad sharci darro ah Wiil Soomaali ah oo sameeyay mishiin bukaanada ka caawiyo neefsashada
Qoraalka Muuqaalka, Wuxuu ku sugan yahay magaalada Garoowe Silvia Romano: Xildhibaankii 'argagixisada cusub ' ku tilmaamay gabadhii muslimtay oo raali gelin bixiyay

Xigashada Sawirka, PIER MARCO TACCA/GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka, Silvia, oo la baxday Caa'isha waxay Talyaaniga gaartay Axaddii Xildhibaan ka tirsan garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa raali gelin ka bixiyay hadal dhawaan kasoo baxay kaddib markii "Argagixiso cusub" uu ku tilmaamay haweeney da' yar oo u dhalatay Talyaaniga, taasoo diinta Islaamka qaadatay intii ay afduubka u heysteen koox Soomaali ah, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post.
Alessandro Pagano , oo ah mudane baarlamaanka u matalaya xisbiga qaxootiga neceb ayaa barta Facebook ku sheegay in hadalka uu ugala jeeday in uu ku dhaleeceyo dowladda balse kuma uusan socon Silvia Romano.
Xildhibaanka ayaa Arbacadii caro xooggan kala kulmay xildhibaanada kale kaddib markii uu 'argagixiso cusub' ku tilmaamay gabadha.
Pagano wuxuu sheegay in "fikir diin naceyb ah" uu ku jiro xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda dalka Talyaaniga maamusha,hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku durayay go'aanka ay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda ku salaameen Silvia Romano, islamarkii ay garoonka diyaaradaha kasoo dagtay.
Caa'isha Romano oo waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya.
Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.
Romano markii ay Rome ka degtay waxaa soo dhoweeyay oo laabta geliyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda xilli ay qabtay dhar ku xijaaban.
Markii ay gaartay magaaladii ay ka soo jeedday ee Milan waxay sheegtay in kooxdii afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay xushmad u muujiyeen.
Itoobiya oo qabatay hub badan oo sharci darro ah
Mas'uuliyiinta gobolka Amxaarda ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in kumanaan hub sharci darro ah ay ku qabteen halkaas ku qabteen 9 bilood ee lasoo dhaafay.
Hubka la qabtay ayaa isugu jiraa ilaa 5,000 oo bastoolad ah iyo hub kale oo badan.
Waxay sidoo kale saraakiisha sheegeen in gacanta ay ku dhigeen neefaf lo' ah oo gaaraya 11,658 kuwaas oo ay soo dhaceen burcad xoolaha kala qaadda iyo badeecado si sharci darro ah dalka lagu soo geliyay.
Sakaariisha waxay intaas ku dareen in xabsiga ay u taxaabeen dad gaaraya 225 qof oo looga shakiyay in dalkaas ay geliyeen alaabo sharci darro ah iyo 2,446 oo burcad ah.
Ka ganacsiga hubka sharci darrada ayaa saddexdii sanno ee lasoo dhaafay ku baahay Itoobiya, arrintaas oo khalkhal gelin karta amniga.

WHO oo ka digtay in 250 Malyan qof oo Afrikaan uu ku dhici karo feyraska corona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Daraasadda waxay muujineysaa in 190,000 qof uu cudurka ku dili karo gudaha qaaradda Cilmi baaraayaasha ka tirsan Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in 250 malyan qof oo ku nool Afrika in sannad gudahood uu ku dhici karo feyraska corona.
Daraasadda ay sameeyeen oo lagu daabacay BMJ Global Health, ayaa lagu sheegay in dad gaarayo 150,000 ilaa 190,000 oo qof uu cudurka ku dili karo gudaha qaaradda Afrika.
Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale sheegeen 5.5 malyan oo ku nool qaaradda ay u baahan yihiin adeeg caafimaadka maadama xarumaha caafimaadka ee ka jira halkaas ay la daala dhacayaan daweynta bukaanada uu ku dhacay Malaariyada iyo cudurka qaaxada.
Feyraska corona ayaa si xowli ah ugu baahay gudaha qaaradda, haatan wuxuu gudaha u galay xero ay ku nool dadka barakacayaal ah gudaha Suudaanta Koonfureed.
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

