Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.
Muddo intee le eg ayay qaadan kartaa in la ogaado halka uu kasoo bilowday feyraska corona?
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Dal bilaabay ganacsi badeecadaha lagu kala baddalanayo kaddib markii la waayay lacagta

Xigashada Sawirka, Reuters
Dadka ku nool Jasiirada Pacifiga ku taala ee Fiji ayaa bilaabay inay alaab alaab kale ku iibsadaan ka dib markii ay adkaatay in lacagtii wax lagu iibsanayay la helo, lacag la’aantan dhacday ayaa waxaa sabab u ah cudurkan safmarka ah ee Corona,
Koox samaysatay Facebook Group ayaa la baxday, 'Wax wanaagsan wax kale ku baddalo' ayaa hada hal madal oo Facebook ah isugu keenay 120, kun oo qof,
Mid ka mid ganacsiga alaab lagu baddalanayo alaab kale ayaa waxa uu ahaa qaansiir ama doofaar lagu baddalanayo doomaha tartanka, qof kalena waxuu alaabta ilmaha ay ku ciyaareen ku baddashay in tinta loo dabo oo loo hagaajiyo.
Dalkan Fiji ayaa ka mid ah waddamada sida xun uu u aafeeyey cudurkan, waxuuna dalkan si weyn ugu tiirsanaa dalxiiska, boqolkiiba shan dadkuna waxay lumiyeen shaqadooda.
Ninkan abuuray bogga Facebooga ee alaabta la isku baddalanayo oo horay u ahaan kuuk cunada kariya ayaa sheegaya in ganacsigan cusub uu xusuus u yahay beecmushtarkii berisamaadkii lacagta aysan jirin.
Khabiir ka tirsan WHO: Caddeyn ayaa muujineysaa in feyraska corona uu kasoo bilowday Fiidmeer
Muddo sannad ah ayay qaadan kartaa in la ogaado halka uu kasoo billowday feyraska Corona, sida ay sheegtay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka (WHO).
Khabiir ka tirsan WHO oo ku takhasusay feyraska ku dhaca xayawaanada ayaa isaga oo ka hadlayay magaalada Geneva sheegay in caddeymaha la hayo ay muujinayaan in feyraska markii hore uu kasoo farcamay xayawaanka Fiidmeerta, balse ay jiraan xayaawano kale oo loo tiirin karo feyraska.
Ha'yadda waxay sidoo kale ku celcelisay in aysan heynin wax caddeyn ah oo taageeraya hadalkii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku sheegay in feyraska lagu abuuray sheeybaar ku yaalla Shiinaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Waxaa la ogaaday in feyraska Mers uu kasoo bilowday Geela, cudurkaas oo ka dilaacay Bariga Dhexe 2012-kii Seynisyahanada weli ma aysan caddeynin halka uu cudurkan kasoo billowday, laakiin caddeymo ayaa muujinaya in uu ka dhashay suuq ku yaalla Wuhan. Hase ahaatee 41-kii kiis ee ugu horreysay 27 kamid ah oo kaliya ayaa lala xiriiriyay suuqaas ku yaal Shiinaha, sida ay kusoo warrameyso weriyaha BBC-da ee Geneva, Imogen Foulkes.
Feyraska waxaa laga yaabaa in Fiidmeerta ay u gudbisay xayawaan kale ka hor inta uusan soo gaarin banii'aadanka, inkastoo aan xayawaankaas ilaa haatan la ogeyn waxa uu yahay.
Markii uu Bariga Dhexe ka dillaacay feyrsakii neef mareenka ku dhacayay ee Mers sannadkii 2012-kii, waxay qaadatay muddo sannad ah in la ogaado in uu kasoo billowday Geela.
Puntland: Wasiiro laga helay cudurka Corona
Wararka ku saabsan Corona Virus ee ka imaanaya deegaannada Puntland ayaa sheegaya in xaaladaha rasmiga ah ee la ogyahay ay iminka marayaan 59 xaaladood.
Waxaana soo baxaya in dadkaas xanuunka laga helay ay kujiraan laba wasiir oo ka tirsan wasiirrada dawlad godobeedka Puntland.
Haddaba xaaladooda iyo sida loola tacaalaya wasiirradaas iyo guud ahaan kiisaska xanuunka Corona virus ee gobollada ee Puntland waxaa ka warramayaa weriye Axmed cawil.
Qoraalka Codka, Puntland: Wasiiro laga helay cudurka Corona Waxgaradka deegaanka Soomaalida oo taageeray hadal kasoo baxay Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Waxgaradka deegaanka Soomaalida waxay taageereen hadalka Ra'iisul wasaaraha Ugaasyada, Salaaddiinta, Aqoonyahannada, Odayaasha, iyo waxgaradka deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa taageeray hadal ra’isal wasaaraha shalay ka soo baxay oo ahaa in uu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo dastuurka dalkaas ka hor imaado.
Waxayna sheegeen iney tageerayaan doorshada guud ee dalka ka dhici lahayd ee dib loo dhigay Coronavirus awgii si shacabka caafimaadkiisa wax weliba looga hormariyo.
Odayaasha oo u warramay talefishiinka qaranka dalka Itoobiya waxay sheegeen doorashada dib uu dhigisteeda iney sax tahay isla markaana caafimaadka wax weliba ka horreeyo.
Cid kasta oo dooneyso doorashada dib loo dhigay iney iskeed u qabsatana ay tahay cadow umadda reer itoobiya ku soo duushay oo u baahana in dhinac looga soo wada jeesto.
Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli deegaanka Tigreega ay maalma ka hor uu sheegay inuu doorasha iskii u qabsanayo, iyada Dr Abiyna uu sheegay cid kasta oo sharciga ku xadgudubto inuu tallaabba ka qaadayo.
Warbixinnada kale ee ku jira Website-ka BBC Somali
Wasiir hore oo u dhawaa Meles Zenawi oo maxkamad xukun ku riday

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Bereket Simon Maxkmad ku taalla magaalada Bahirdar ee waqooyiga Itoobiya ayaa maanta xukun ku riday wasiirkii hore ee warfaafinta dalkaas Bereket Simon oo si weyn ugu dhawaa Ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.
Maxkamadda ayaa ku riday lix sanno oo xarig ah.
Bereket ayaa la xiray bishii January ee sannadkii 2019 xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa, waxaa uu ku xirnaa magaalada Bahirdar, waxaana loo heystay fadeexad musuq maasuq.
Wuxuu ahaa nin awood leh oo ay ka go'do talada xisbiga ka arrimiyo Itoobiya, wuxuu kusoo dhexjiray xisbiga EPRDF tan iyo horraantii sagaashamaadkii.
Qaar kamid ah taageerayaashiisu waxay sheegeen in maxkamadeyntiisa la siyaasadeeyay.
Taariikh nololeedkii Cabdiweli (Gaatamow) goolhayihii lagu dilay Afgooye
Waxaa xalay fiidkii waxaa magalada Afgooye lagu dilay goolhayihii hore ee Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow).
Cabdiweli oo muddo dheer u soo dheelayay kooxda Muqdisho ee markii hore la oran jiray Banaadir Club iyo xulka qaranka ee kubadda cagta ee Soomaaliya, ayaa rag hubaysan waxa ay ku dileen masjid ku yaal magaalada Afgooye halkaas oo uu salaadda taraawiixda ku tukanayay, sida uu BBCda u xaqiijiyay Abuukar Maxamed Sheekh, gudoomiyaha Naadiga Muqdisho, ee uu marxuumka muddaba marna u soo dheelayay marna ka mid ahaa tababarayaasha kooxda, wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.
Qoraalka Codka, Cabdiweli (Gaatamow) oo xaley lagu dilay Afgooye Japan oo ansixisay isticmaalka dawo oo la rumeysan yahay in fayraska korona ay dileyso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Japan waxay ansixisay isticmaalka dawo la rumeysan yahay in dawada ay dadka ka caawin karto in ay ka caafimaadaan cudurka korona kaddib toddobaad uun kaddib markii Mareykanka uu ogolaaday in xaaladaha deg deg ah loo adeegsan karo.
Dawada Remdesivir ayaa waxaa sameeyay shirkadda soo saarta dawooyinka ee Gilead, waxaana markii loo soo saaray in lagu daweeyo cudurka Ebola.
Shirkadda Gilead waxay sheegtay in boqolkiiba 50 bukaanada qaatay dawadan laga soo saaray isbitaalka muddo labo gudahood isla markaana natiijada kasoo baxday ay noqotay mid waxtar leh.
Waxaa jirto "caddeyn iyo faham kooban" oo ah in dawada ay dadka ka caawin karto in ay ka caafimaadaan cudurka korona, sida ay saraakiisha Mareykanka sheegayaan.
Remdesivir waxay hoos u dhigeysaa astaamaha lagu garto xanuunkaillaa 11 maalmood halkii 15 ay ahaan lahayd, sida lagu ogaaday tijaabo laga sameeyay daafaha caalamka.
WHO oo ka digtay in cudurka Corona uu Afrika ku dili karo ilaa 190,000 qof

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ha'yadda waxay dalalka kula talisay inay xoojiyaan adeegyada caafimaadka Ha’yadda Caafimaadka ee Adduunka ayaa ka digtay in cudurka corona uu gudaha Afrika ugu geeriyoon karta ilaa 190,000 qof waa haddii lagu guuldareysta tallaabooyinka lagu xakameynayo safmarka.
Agaasimaha WHO ee Afrika Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in heerka fiditaanka feyraska gudaha qaaradda uu yahay mid gaabis ah balse wuxuu horseedi karaa in si baahsan uu uga dilaaco Afrika.
Ha’yadda waxay soo jeedisay in la xoojiyo adeegyada caafimaadka ee qaaradda.
“Waxaa loo baahan yahay in baaritaanno la sameeyo, la dabagalo kisaska, lana karantiilo kiisaska isla markaana la daweeyo” ayay tiri Matshidiso Moeti.
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

