Waxaa xaley dalal ka tirsan caalamka laga tukaday salaadda
taraawiixda xilli inta badan dalalka ay xiran yihiin misaajidda si looga
hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.
Qeybo kamid ah Soomaaliya waxaa laga tukaday salaadda
taraawiixda, waxay u muqdeen misaajidda kuwo camirnaa inkasta oo magaalada
Muqdisho lagu soo rogay bandow habeenkii si looga hortaggo faafidda feyrsaka.
Dhanka kale, muslimiinta ku nool Gobolka Aceh ee dalka Indonesia
ayaa xaley salaadda taraawiixda ku tukaday misaajidka weyn ee ku yaalla
gobolka, waxay intooda badan xirteen afka iyo sanka balse safafka waxay
ahaayeen kuwo caadi ah.
Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa masaajidka ayaa BBC u sheegay in
waxa ugu muhiimsan marka lagu tukanayo halkaas ay tahay ilaalinta nadaafadda
gaar ahaan fara dhaqashada iyo in la xirto afka iyo sanka.
Wahyuka oo kamid ahaa musaliinta wuxuu sheegay in carruurtiisa
ay ku qasbeen inuu masaajidka aado.
“Aniga waxaan ka cabsi qabaa in aan dadka la tukado balse waxaan
ku tukaday meel ka baxsan safafka salaadda”
Marini Kristiani oo ku takhasusay cilmu nafsiga, barana ka ah
jaamacadda Syiah Kuala ee ku taalla gobolka Aceh ayaa sheegay in dadka ku nool
gobolka ay u hoggaansamaan fatwooyinka ay soo saaran culimada maadama ay iska
dhega tirayaan go’aanda dowladda dhexe.
Aceh waa gobolka kaliya ah ee ku yaalla Indonesia kaas oo meel
mariyay ku dhaqanka sharceeda islaamka, toddobaadkii lasoo dhaafay waxaa la
garaacay lix qof oo la sheegay inay ku xaadgudbeen shareecada islaamka.