Qaraxyo lala beegsaday saldhigga Amisom ee Baraawe

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Coronavirus: Trump oo khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyeyaal Afrikaan ah

    Madaxweyne Trump wuxuu khadka teleefoonka kula hadlay madaxweyneyaasha kala ah Cyril Ramaphosa iyo Uhuru Kenyatta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Trump wuxuu khadka teleefoonka kula hadlay madaxweyneyaasha kala ah Cyril Ramaphosa iyo Uhuru Kenyatta

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa khadka teleefoonka kula hadlay laba hogaamiye oo Afrikaan ah, waxay ka wadahadleen sidii looga hortaggi lahaa cudurka safmarka ah ee dunida saameeyay.

    Trump wuxuu la hadlay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

    Wuxuu sheegay in Koonfur Afrika uu ka caawin doono dadaallada lagula dagaalamayo cudurka safmarka ah isla markaana Mareykanka uu garab taagan yahay shacabka Koonfur Afrika.

    Wuxuu sidoo kale Trump ka dhawaajiyay in Kenya uu ka caawin doono dadaallada xakameynta cudurka.

  2. Coronavirus: "Carruurta way nagu badan yihiin, wax ma bari karno, mana xakameyn karno"

    Qoraalka Muuqaalka, Gabadh ka sheekeyneysa dhibaatada coronavirus uu ku reebay carruurta soomaalida ah ee ku nool Australia
  3. War deg deg ah, Qaraxyo lala beegsaday saldhigga Amisom ee Baraawe

    Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay sheegayaan in laba qarax oo xooggan lala eegtay saldhigga ciidammada Amisom ay ku yaalla halkaas.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in dhawaaqa qaraxa laga maqlay gudaha magaalada, waxaana saldhigga la weeraray uu ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Baraawe.

    ilo xog-ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in qaraxa loo adeegsaday labo baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

    ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay dhinaca Amisom oo ku saabsan weerarka.

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen weerarka lau qaaday saldhigga Baraawe.

  4. Carruur u dhalatay Vietnam oo maaskaro ugu deeqay UK

    Labo canug oo u dhalatay dalka Vietnam ayaa 20,000 oo kamid ah qalabka afka iyo sanka lagu xirto ugu deeqay UK.

    Nhan iyo Khoi oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Hanoi ayaa in muddo ah ku uruuriyay lacagta ay kusoo iibiyeen maaskaraha.

    Safiirka Britain ee Vietnam Gareth Ward,ayaa u mahadceliyay carruurta deeqda siisay UK.

    Wuxuu xaqiijiyay in qalabka ay bixiyeen carruurta toddobaadkii lasoo dhaafay ay qaaday diyaarad rakaab oo ka baxday Vietnam taas oo daadgureysay 100 qof oo reer Britain ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Fayraska Corona: ka badbaadi naftaada iyo tan bulshada

  6. Coronavirus: Saldhigyada militariga Mareykanka ee Jabuuti oo xaalad deg deg ah looga dhawaaqay

    Mareykanka wuxuu saldhiyada uu ku leeyahay Jabuuti kasoo abaabulaa weerarada ka dhanka ah kooxaha argagixisada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mareykanka wuxuu saldhiyada uu ku leeyahay Jabuuti kasoo abaabulaa weerarada ka dhanka ah kooxaha argagixisada

    Militariga Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqay saldhigyada uu ku leeyahay dalkaas kaddib markii ay sare u kaceen kiisaska cudurka coronavirus.

    Jabuuti waxay haatan xaqiijisay 986 qof oo uu ku dhacay Covid-19 halka 2 qofna ay u dhimatay, waxaa jiraa walaaca ah in cudurka uu kusii baaho dalkan yar ay ku nool yihiin in ka yar hal malyan oo qof.

    Bayaan kasoo baxay taliyaha guud ee ciidammada Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sheegay in tallaabooyinka ay u horseedi doonaan awood ay ku xakameyn karaan fiditaanka cudurka si loo xaqiijiyo caafimaadka ciidammada Jabuuti iyo kuwo Mareykanka.

    Xayiradda waxay saameyn doonta dhammaan ciidammada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti.

    Waxay xaaladda deg deg ah ee lagu soo rogay saldhigyada Mareykanka ee Jabuuti socon doontaa muddo 30 maalmood ah, waxay sidoo kale saameyn doontaa ciidammada Mareykanka ee ku sugan dekedda Jabuuti.

    Bayaanka kasoo baxay Mareykanka laguma xusin in cid ka tirsan ciidankooda laga helay cudurka.

    Saldhigga ciidammada ay ku leeyihiin Afrika waxay halkaas kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka kooxaha argagixisada gaar ahaan weeraro duqeyn ah oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

    Waxay sidoo kale tababar u fidiyaan ciidammada dalalka uu iskaashiga ka dhexeeyo.

  7. Dalalka xaley laga tukaday salaadda taraawiixda ee caalamka

    Waxaa xaley dalal ka tirsan caalamka laga tukaday salaadda taraawiixda xilli inta badan dalalka ay xiran yihiin misaajidda si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

    Qeybo kamid ah Soomaaliya waxaa laga tukaday salaadda taraawiixda, waxay u muqdeen misaajidda kuwo camirnaa inkasta oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow habeenkii si looga hortaggo faafidda feyrsaka.

    Dhanka kale, muslimiinta ku nool Gobolka Aceh ee dalka Indonesia ayaa xaley salaadda taraawiixda ku tukaday misaajidka weyn ee ku yaalla gobolka, waxay intooda badan xirteen afka iyo sanka balse safafka waxay ahaayeen kuwo caadi ah.

    Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa masaajidka ayaa BBC u sheegay in waxa ugu muhiimsan marka lagu tukanayo halkaas ay tahay ilaalinta nadaafadda gaar ahaan fara dhaqashada iyo in la xirto afka iyo sanka.

    Wahyuka oo kamid ahaa musaliinta wuxuu sheegay in carruurtiisa ay ku qasbeen inuu masaajidka aado.

    “Aniga waxaan ka cabsi qabaa in aan dadka la tukado balse waxaan ku tukaday meel ka baxsan safafka salaadda”

    Marini Kristiani oo ku takhasusay cilmu nafsiga, barana ka ah jaamacadda Syiah Kuala ee ku taalla gobolka Aceh ayaa sheegay in dadka ku nool gobolka ay u hoggaansamaan fatwooyinka ay soo saaran culimada maadama ay iska dhega tirayaan go’aanda dowladda dhexe.

    Aceh waa gobolka kaliya ah ee ku yaalla Indonesia kaas oo meel mariyay ku dhaqanka sharceeda islaamka, toddobaadkii lasoo dhaafay waxaa la garaacay lix qof oo la sheegay inay ku xaadgudbeen shareecada islaamka.

    .

    Xigashada Sawirka, Hidayatullah

  8. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 24-ka bishan Abriil, Ramadaan mubaarak.

    .