Jabuuti oo xaqiijisay in ka badan 500 qof oo uu ku dhacay Coronavirus

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xamar iyo xilliga bandowga, xaalka sidee ahaa xalay?

    Magaalada Muqdisjho ayaa muddo ku dhow 30 sano waxaa markii ugu horraysay ka dhaqan galay bandow ay ku soo rogtay xukuumadda federaalka ee Saomaaliya, kaasoo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo fiditaanka xanuunka Coronavirus.

    Qoraalka Muuqaalka, Bandowga Muqdisho
  2. War deg deg ah, Jabuuti oo xaqiijisay in ka badan 500 qof oo uu ku dhacay Coronavirus

    Dowladda Jabuuti waxay maanta xaqiijisay 156 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaas.

    Waxay guud ahaan tirada la xaqiijiyay kiisaska cudurka Covid-19 ee gudaha Jabuuti gaarayaan 517.

    Dowlada waxay kordhisay muddada uu soconayo banddowga lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo faafitaanka cudurka.

    .
  3. Mareykanka oo Iiraan ku eedeeyay 'Gardarro halis ah'

    Ciidammada badda ee Mareykanka waxay sheegeen in maraakiibta Iiraan ay kusoo xaadgudbeen

    Xigashada Sawirka, US NAVY

    Qoraalka sawirka, Ciidammada badda ee Mareykanka waxay sheegeen in maraakiibta Iiraan ay kusoo xaadgudbeen

    Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan in biyaha khaliijka ay ka wadaan howlgallo daandaansi ah oo halis ah.

    Wuxuu Mareykanka sidoo kale sheegay in 11 kamid ah ciidammada ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan in Arbacadii ay dhibaateeyeen lix kamid ah ciidammada badda Mareykanka iyo markab dagaal.

    Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka waxay xilliggaas sameynayeen dhoolatus militari.

    IIaa iyo hadda IIraan kama aysan hadlin arrintani.

    Waxay arrintani imaaneysa xilli rag hubeysnaa oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ay qabteen markab sitay calanka Hong Kong kaas oo marayay xeebaha Cumaan, waxaana lagu khasbay inuu u jiheysto dhinaca biyaha Iiraan ka hor inta aysan sii deyn.

  4. Fariin kooban oo ku saabsan ka hortaga faafitaanka xanuunka Covid-19

    Weriyaha BBC-da Ibraahim Jaamac ayaa halkan inoogu soo gudbinayaa fariin kooban oo ku saabsan ka hortagga coronavirus.

    Qoraalka Muuqaalka, Wacyigalinta Covid 19
  5. Kalkaaliso u geeriyootay Covid-19 oo laga soo badbaadiyay canug uurkeeda ku jiray

    Mary Agyeiwaa Agyapong waxay kalkaaliso si weyn looga jeclaa UK

    Xigashada Sawirka, Other

    Qoraalka sawirka, Mary Agyeiwaa Agyapong waxay kalkaaliso si weyn looga jeclaa UK

    Waxaa lasoo baadbaadiyay canug ay dhashay kalkaaliso si weyn looga qaddariyo dalka UK kaddib markii ay u geeriyootay cudurka Coronavirus.

    Kalkaalisadan oo lagu magacaabi jiray Mary Agyeiwaa Agyapong, waxay muddo shan ah ka howlgaleysay cisbitaalka Luton and Dunstable University Hospital halkaas oo ay Axaddii ku dhimatay.

    Afahayeen u hadlay isbitaalka wuxuu sheegay in canuga laga soo badbaadiyay hooyadiis uu badqabo balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin.

    Mary Agyeiwaa Agyapong waxaa loo qaaday isbitaalka 7-dii bishii Abriil, waxaana laga helay coronavirus.

    Seygeeda ayaa haataan si iskiisa ah isu karantiilay kaddib markii laga helay Covid-19.

  6. Dhakhaatiir Shiinees ah oo kusoo wajahan Afrika si ay ugu caawiyaan la dagaallanka Covid-19

    Shiinaha wuxuu Afrika usoo dirayay qalabka afka iyo sanka lagu xirto ee looga hortaggayo coronavirus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shiinaha wuxuu Afrika usoo dirayay qalabka afka iyo sanka lagu xirto ee looga hortaggayo coronavirus

    Shiinaha ayaa koox dhakhaatiir ah u soo direysaa dalalka Itoobiya iyo Burkina Faso si ay uga caawiyaan dadaallada looga hortaggayo safmarka ah Coronavirus, sida uu ku warramay telefishinka CGTV.

    Inkasta oo aysan sheegin tirada dhakhaatiirta Shiinaha ee Afrika loo soo dirayo balse waxay laga soo xulay gobollada Sichuan iyo Tianjin.

    Dhakhaatiirta Shiinaha ayaa khibaraddooda iyo talooyin la wadaagi doonaa Afrika si looga hortaggo cudurka safmarka ah, sida laga soo xigtay afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

    Nigeria waxay qorsheyneysaaa in Shiinaha ay ka keensato 18 kamid ah dhakhaatiirta Shiinaha si ay uga caawiyaan la dagaallanka Covid-19 balse waxaa tallaabadaan ka hor yimid dhakhaatiir kasoo jeedo dalkaas.

    Ururka dhakhaatiirta Nigeria waxay sheegeen in dhakhaatiirta Shiinaha aysan la socon caqabahada ka jiro Nigeria isla markaana ay jiraan dhakhaatiir gudaha ah oo aanan shaqo heysan.

  7. Mucaashiqiintii Wuhan ee uu kala go'doomiyay Coronavirus oo haatan aqal galaya

    Lammanayaasha Wuhan ee uu kala go’doomiyay safmarka Coronavirus ayaa haatan ku qulqulaya xafisyada dadka aqal galaya ay iska diiwangeliyaan ee dalkaas iyo goobaha sawirrada laisaga qaado. Waxay arrintani muujineysaa in nolosha si caadi ah ay dib ugu soo laabaneyso gudaha magaalada Wuhan ee Shiinaha halkaas oo ay aheyd goobtii uu kasoo bilowday cudurka Covid-19.

    Magaalada oo xayiraad lagu soo rogay muddo 11 toddobaad ah ayaa waxaa si rasmi ah loo furay 8-dii bishan, waxaa markiiba bilowday in mucaashiqiinta ay bilaabaan qorsheynta arooskooda oo in muddo ah dib u dhacay.

    “Dalabka sawirrada ay galaan dadka aqal galaya ayaa sare u kacay kaddib markii xayiraadda laga qaaday magaalada, balse waxaan go’aansannay in aan sawirro ka qaadno maalinkii labo iyo saddex lamaane maadama ka hor xayiraadda aan maalinkii sawir ka qaadi jirnay in ka badan 16 lammaane kaddib walaac ka dhashay safmarka” ayuu yiri maamulka mid kamid ah xarumaha lamanayaasha ay sawirrada isaga qaadaan ee dalkaas xilli uu la hadlayay warbaahinta dowladdaee ECNS.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  8. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .