You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Muhaajiriin ay ku jirto gabadh 2 bilood jir oo Soomaali ah oo Rwanda lagu qaabilay

Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Maxkamad amartay in lasoo qufo meydka kaligii taliye hore

    Maxkamadda ugu sarreysa dalka Spain ayaa go'aamisay in lasoo qufo meydka hogaamiyihii kaligii taliska ahaa ee Francisco Franco si loogu aaso goob kale.

    Waxaa go'aankaas taageertay dowladda hanti-wadaaga kaas oo la doonayo in meydkiisa laga soo saaro qabuuraha dowladda si loogu aaso qabuuro kale.

    Qoyska Franco waxay racfaan ka qaateen go'aanka lagu soo qufayo meydkiisa balse maxkamaddu ayaa diidday codsigooda.

    Waxay arrintani dalka Spain ka dhalisay muran badan.

    Waa kuma Francisco Franco?

    • Waxaa uu noqday janaraalkii ugu da'yaraa ee soo mara Spain sannadkii 1926-kii, waxaa uu xilliggaas jiray da'da 33.
    • Kaddib 1936-kii, Franco iyo saraakiil kale waxay ka qeyb qaateen kacdoon kaas oo horseeday dagaallo sokeeye oo socday muddo 3 sanno ah.
    • Waxaa caawiyay Nazi-gii Jarmalka iyo Mussolini ee Talyaaniga ahaa, Franco waxaa uu guulo ka gaaray dagaalkii sokeeyee sannadkii 1939-kii, waxaa uu noqday kaligii talis isugu dhawaaqay madaxweynihii dalka.
    • Waxaa uu xilka hayay tan iyo sannadkii 1975-kii, wixii maamulkiisa ka dambeeyay Spain waxay noqotay dal Dimuqraadi ah.
  2. Xildhibaan Kenyan ah oo soo jeediyay hindise-sharciyeed xaddidaya isticmaalka baraha bulshada

    Mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya ayaa ku baaqay in lala socdo baraha bulshada sida WhatsApp iyo Facebook si loo joojiyo faafinta waxyaabaha aanan habbooneyn ee lagu wadaaago online-ka.

    Xildhibaanka deegaanka Malava, Malulu Injendi ayaa soo jeediyay hindise-sharciyeed ku qasbaya dadka maamulo kooxaha ka dhisan baraha bulshada inay ogolaasho ka qaataan laanta isgaarsiinta ee Kenya ka hor inta aysan sameysan.

    Hindise-sharciyeedkan oo baarlamaanka Kenya la horkeeni doono toddobaadkan dhexdiisa, ayaa soo jeedinaya in maamulayaasha kooxaha ka dhisan baraha bulshada ay ogolaasho ka helaan waaxda isgaarsiinta Kenya iyo inay iyaga mas'uul ka noqdaan waxyaabaha lagu daabaco baraha bulshada.

    Malulu Injendi ayaa sheegay in hinddisaha wax ka beddelka isgaarsiinta Kenya ee 2019-ka ay ujeedadiisu tahay hubinta in dadka isticmaala baraha bulshada ay si dhow ula socdaan waxyaabaha lasoo dhigo bartooda.

    Hinddisahan la soo jeediyay ayaa qeexaya in qofkii jebiya xeerka uu ku dhacay dembi isla markaasna uu mudanayo ganaax gaarayo 1,941 doolarka Mareykanka ah amaba hal sano oo xabsi ah.

    Daraasad dhawaan ay sameysay jaamacadda USIU-Africa oo ku aadan qaababka loo isticmaalo baraha bulshada ee Kenya ayaa lagu ogaaday in Facebook iyo WhatsApp ay yihiin kuwa aadka loo isticmaalo boqolkiiba 88.5% iyo 88.6%, iyadoo dadka ugu badan ee isticmaalana ay da`doodu u dhaxayso 25-35.

  3. Abiy Axmed oo abaalmariyay askeri diiday laaluush

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shahaado sharafeed guddoonsiiyay sarkaal ka tirsan booliska dalkaas oo diiday inuu qaato laaluush xilli uu ku gudo jiray howl maalmeedkiisa.

    Waxaa uu ra'iisul wasaaraha bartiisa Twiitter-ka soo geliyay isagoo shahaadada guddoonsiinayo Siraaj Cabdalla oo uu sheegay 'inuu yahay nin geesi ah oo diiday inuu qaato laaluush si dalka loo soo geliyo hubka sharci darrada ah'

    Siraaji Cabdalla ayaa ka tirsan ciidammada booliska ee maamulka Canfarta oo kamid ah meelaha ugu kulul caalamka.

    Gobolka waxaa uu ku yaal xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka Jabuuti iyo Eritrea, waa marin ay adeegsadaan kooxaha badeecadaha sharci darrada dalka geliyo iyo xoolo dhaqatada.

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu boogaadiyay tallaabada uu ku dhaqaaqay askarigan da'da yar oo uu sheegay in uu yahay nin ku dayasho mudan kaas oo difaacay shacabka.

  4. Tuugo dhacday guriga taliyaha guud ee booliska Koonfur Afrika

    Koox tuugo ah ayaa dhac ka geeystay guriga taliyaha guud ee dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay afahayeenka booliska.

    Guriga Janaraal Khehla Sitole waxay tuugada ka qaateen labo dhalo oo telefishin ah.

    "Tuugada waxay xadeen labo dhalo oo teleefishin ah, guriga madaxa booliska hadda waxaa ka socda dhismo, waxaana eegeynaa suurtagalnimada ay ku dhacday arrintaas, waxaan rumeysanahay in dhacdada ay fuliyeen calooshood-u shaqeystayaal" ayuu yiri sareeyo guuto Vish Naudi oo soo xigatay warbaahinta IOL.

    Taliyaha guud ee booliska Koonfur Afrika, Janaraal Sitole ayaa ka maqnaa gurigiisa markii ay tuugada dhaceysay, waxaa uu ku sugnaa xilliggaas aqalka baarlamaanka ee ku yaal magaalada Cape Town, sida ay sheegtay warbaahinta IOL.

    Taliyaha booliska ayaa hadda dhibane u noqday falal dambiyeedka ka dhaca Koonfur Afrika xilli cadaadiis lagu saarayo inuu wax ka qabto falal dambiyeedyada sare usii kacaya ee ka dhaca dalkaas.

  5. War deg deg ah, Maxkamadda sare ee UK oo sharci darro ku tilmaantay 'hakinta' howlaha baarlamaanka

    Maxkamadda ugu sarreyso Ingiriiska ayaa sharci darro ku tilmaantay go'aanka ra'iisul wasaare Boris Johnson uu muddo 5 toddobaad ah ku hakiyay howlaha baarlamaanka ee dalkaas.

    Maxkamadda waxay sheegtay in khalad ay tahay in la hakiyo shaqooyinka baarlamaanka Ingiriiska.

    Madaxa maxkamadda sare, Baroness Hale waxay sheegtay in 11 garsoorayaal ay isku waafaqeen in hakinta howlihii barlamaanka ay tahay mid sharci darro ah.

  6. Qoysaska dadkii ku dhintay shilkii Boeing oo magdhaw la siinayo

    Qoysaska dadkooda ku waayay labadii shil ay diyaaradda Boeing gashay ee ka kala dhacay Itoobiya iyo Indonesia ayaa la siinaya lacag magdhaw ah oo ay shirkaddu bixineyso.

    Qoys kasta waxaa uu heli doonaan lacag gaareyso 144,500 oo doolar.

    Lacagtan ayaa ah mid shirkadda ay qonddeyso taas oo gaareyso 50 Milyan oo doolar, sida ay shaaca ka qaaday shirkadda Boeing bishii July.

    In ka badan 340 qof oo rakaab aha ayaa ku dhintay markii ay burburtay diyaaradda Boeing, shilalkaas oo ka kala dhacay Itoobiya bishii Maarso iyo Indonesia bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay.

  7. '11 ilmo oo laga soo badbaadiyay dabka ka kacay isbitaal ku yaal Algeria'

    Waxaa dabka laga soo badbaadiyay 11 ilmo iyo 107 hooyooyin ah kaddib markii uu dabka qabsaday isbitaal ku yaal bariga Algeria subaxnimadii saaka aheyd, sida uu sheegay afahayeen u hadlay laanta gurmadka deg deg ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Ku dhawaad 30 kamid ah shaqaalaha isbitaalka ayaa laga soo badbaadiyay dabka, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Nassim Bernaoui.

    "Waxaan ka xunnahay dhimashada 8 ilmood" ayuu yiri.

  8. War deg deg ah, Siddeed ilmo ah oo ku dhintay dab ka kacay isbitaal ku yaal Algeria

    Dalka Algeria, 8 ilmo ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal bariga dalkaas kaddib markii uu dab ka kacay isbitaalka, sida uu ku warramay telefishinka Channel 3.

    Warbaahinta waxay sidoo kale sheegtay in dabka ka kacay isbitaalka degmada El-Cowd la damiyay abaare 4-tii subaxnimo ee wakhtiga dalkaas.

    Ra'iisul wasaaraha Algeria Noureddine Bedou ayaa amar ku bixiyay in baaritaanno deg deg ah lagu sameeyo waxyaabaha dhaliyay dabka isla markaasna waxaa uu faray wasiirka caafimaadka inuu gaaro goobta uu dabka kacay.

  9. Siyaasi caan ah oo ka tirsan mucaaradka Rwanda oo la dilay

    Siyaasi caan ah oo ka tirsan oo mucaaradka Rwanda ayaa lagu dilay toori, sida uu sheegay xisbigii uu ka tirsanaa ee FDU-Inking.

    Syridio Dusabumuremyi,oo ahaa agaasimaha xisbiga FDU-Inking ayaa shaqo ku jiray markii ay soo weerareen labo nin, sida uu BBC u sheegtay hogaamiyaha xisbiga,Victoire Ingabire.

    Booliska Rwanda kama aysan dilka loo geeystay siyaasigan ka tirsan mucaaradka.

    Victoire Ingabire waxay sidoo kale sheegtay in Dusabumuremyi uu kamid ahaa saraakiishii ugu dambeeysay ee ka tirsan mucaaradka oo la dilay isla markaasna ay tahay tallaabo la doonayo in lagu cabsi geliyo mucaaradka.

    Labo bilood ka hor ayay aheyd markii Eugène Ndereyimana, oo ka tirsanaa xisbiga FDU-Inkingi la waayay, ilaa haddana lama ogo halka uu jaan iyo cirib dhigay.

    Bishii Maarso ayay aheyd markii Anselme Mutuyimana, oo ahaa afahyeenkii xisbiga mucaaradka la afduubtay, markii dambe meydkiisa waxaa laga helay keyn ku taal galbeedka dalka Rwanda.

    Ingabire oo ah haweeney si weyn u dhaleeceeso siyaasadda madaxweyne Paul Kagame ayaa sheegtay in xisbigeeda la bartilmaameedsadu maadama ay uu doodeyso xuquuqda shacabka.

  10. Madaxweynihii hore ee Algeria oo walaalkiis maxkamad la horgeeyay

    Nin la dhashay madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray ee Algeria ayaa maanta la horgeeyay maxkamad ku taal dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay shirqool ka dhan ah militariga Algeria, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP iyadoo soo xiganeyso telefishinka dowladda.

    Waxaa maxkamadda militariga ee ku taal magaalada Blida sidoo kale kasoo hormuuqday labo sarkaal oo hogaamin jirtay laanta sirddoonka iyo madixii xisbiyada siyaasadda dalkaas, sida ay baahiyeen telefishinada Ennahar iyo El Bilad.

    Said Bouteflika waxaa uu wajahaya eedeymo ah inuu farogelin ku hayay maamulka militariga iyo inuu maleegayay shirqool ka dhan ah militariga Algeria.

    Madaxweynihii hore ee Algeria, Cabdicaziiza Bouteflika ayaa xukunka laga tuuray bishii Apriil ee sannadkan kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday maamulkiisa.

    Markii dambe, waxaa la bilaabay baaritaanno lagu soo xir xiray saraakiil sar sare oo ka tirsanaa dowladdii Bouteflika.

    Waxaa lagu dhawaaqay in Algeria ay ka dhici doonto doorasho 12-ka bisha Diseembar.

  11. 'Maleeshiyaad' dad ku laayay tuulooyin ku yaal Burkina Faso

    Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha jihaad-doonka ayaa weerar ku qaaday labo tuulo oo ku taal dalka Burkina Faso, waxay kooxda dileen 9 qof.

    ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa BBC u sheegay in weerarka uu dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay isla markaasna weerarka lagu qaaday duleedka degaanka Bourzanga ee dhaca waqooyiga dalkaas.

    Waxay intaas ku dareen in qaar kamid ah dadka ay dileen kooxda ay ahaayeen dad beeraley ah.

    Horraantii bishan ayay aheyd markii, shir ka dhacay dalka Burkina Faso ay hoggaamiyeyaasha qaaradda ay shaaca ka qaadeen 1 bilyan oo doolar oo loo doonayo in wax looga qabto rabshada ay gobolka ka wadaan kooxaha jihaad-doonka.

    Saraakiisha waxay sheegeen in afartii sanno ee lasoo dhaafay ay kumanaan qof ku dhinteen weeraro kala duwan halkaas ka dhacay halka malaayin qof ay guryahooda ka qaxeen.

  12. Carabta Israa'iil oo kasoo horjeesatay dib u doorashada Banjamin Netanyahu

    Xildhibaanada ka tirsan carabta Israa'iil ayaa taageeray madaxii hore ee ciidammada Israa'iil Benny Gantz in uu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga .

    Waxay kasoo horjeesteen xildhibaanadan Banjamin Netanyahu in uu mar kalenoqdo ra'iisul wasaaraha Israa'iil.

    Benjamin Netanyahu iyo Gantz waxay hadda ku tartamayaan sidii ay kusoo dhisi lahaayeen isbaheysi hogaamiyo Israa'iil, ciddii ku guuleystana ay noqon doonto ra'iisul wasaaraha xiga ee Israa'iil.

    Xisbiga ay ka tirsan yihiin carabta Israa'iil waxay sheegeen inay doonayaan in xilka ay ka turaan Netanyahu.

    Waa markii ugu horreysay ay Carabta Israa'iil ay taageeeraan shakhsiyaadka ra'iisul wasaare ka noqonaya Israa'iil tan iyo sannadkii 1992-kii.

    Waa doorashadii guud ee labaad ee ka dheceyso Israa'iil sannadkan kaddib markii bishii Apriil ay kala qeybsanaan ku timid isbaheysiga haya talada, waxaana lagu baaqay in doorasho la qabto.

  13. 57 carruur ah oo ku dhaawacantay Iskuulka ku dumay Nairobi

    Waxaa isa soo tarayaa wararka la xiriira Iskuulka ku dumay Nairobi, 57 carruur ah oo uu dhaawac kasoo gaaray shilka ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaal magaalada Nairobi, sida uu sheegay afahayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo,Cyrus Oguna.

    Toddobo carruur ah ayaa ku geeriyootay markii uu kusoo dumay mid kamid ah fasalada ay ardeyda wax ku bartaan.

    Warbaahinta NTV ayaa soo xiganeyso Cyrus Oguna ayaa ku warrantay in dowladda ay bixineyso qarashaadka isbitaalka ee ardeyda dhaawacan tahay ee xaaladdooda lagula tacaalayo halkaas.

    Waxaa socda dadaallada gurmadka ah iyo samatabixinta ah si loo helo carruurta maqan, sida ay sheegtay ha'yadda Laanqeyrta Cas ee Kenya.

  14. Carruur ku dhimatay Iskuul ku dumay Nairobi

    Toddobo carruur ah ayaa ku dhimatay markii uu kusoo dumay mid kamid ah qolalka ay ardeyda wax ku bartaan, Iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Taliyaha booliska Nairobi George Sed iyo xildhibaan laga soo doorto deegaanka ayaa xaqiijiiyay dhimashada carruurta wax ka dhiganeysay Iskuulka Precious Talent School.

    Dhismaha waxaa uu ka sameysnaa alwaax iyo Jiingad, wuxuu shilka dhacay subaxnimadii saaka.

    Maamulha Iskuulka, Moses Wainaina ayaa telefishinka Citizen uu sheegay in burburka ku yimid fasalka loo aaneynayaa dhismo ku socday bulaacad halkaas marto.

    Carruurta wax ka dhiganeysay Iskuulka ayaa u cararay degmada Dagoretti ee galbeedka magaalada Nairobi markii uu shilka dhacay.

    Waxaa goobta gaaray qaar kamid ah mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee Kenya.

  15. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 23-da bisha September sannadka 2019-ka.