Muhaajiriin ay ku jirto gabadh 2 bilood jir oo Soomaali ah oo Rwanda lagu qaabilay
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah
Tebin toos ah
Ciidammada Masar oo xiray waddooyinka gala fagaaraha Taxriir
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ciidammada waxay xireen waddooyinka gala fagaaraha Taxriir
Laamaha amniga dalka Masar ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka magaalada Qaahira iyo magaalooyinka kale ee dalkaas xilli la filayo inay dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.
Waxaa la xiray fagaaraha Taxriir oo aheyd goobtii ay dibadbaxyaasha isugu uruureen, waxay ciidammada xireen waddooyinka gala halkaas.
Madaxweyne Cabdel Fataax Al -Sisi ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib kulankii Qaramada Midoobey uu ka kaga qeybgalayay magaalada New York.
Wuxuu u sheegay tageerayaashiisa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Qaahira in wax walaac uusan dalka ka jirin.
Dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyanaha Masaarida ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas, waxaana la xiray dad ku dhaw 2,000 qof.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in dibadbaxyo lagu taageerayo xukuumadda ay ka dhacaan fagaaraha Rabiic halkaas oo sannadkii 2013-kii ay ku dhinteen kun qof oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.
'Misaajidka ugu weyn galbeedka Afrika oo maanta si rasmi ah loo daah furay'
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Misaajidka Massaalikul Jinaan
Waxaa maanta saaladdii ugu horreysay oo Jimco ah lagu tukaday misaajid weyn oo ku yaal caasimadda Senegal ee Dakar kaas oo ku dhawaad toban sanno uu socday dhismihiisa.
Kharashka ku baxay dhismaha misaajidka ayaa la filaya inuu ka sare maro 32 Malyan oo doolar.
Waxaana dhisay dadka taabacsan 'dariiqada Suufida ee Mouride' ee dalka Senegal.
Dadka qaar ayaa rumeysan in dhismaha misaajidka uu astaan u yahay awoodda dhaqaale ee leeyihiin 'xubnaha ka tirsan dariiqada Suufida ee dalkaas'.
Meydka Mugabe oo la filayo in maalmaha so socda la aaso
Xigashada Sawirka, AFP
Meydka madaxweynihii hore ee geeriyooday ee Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa la filaya in labada maalmood ee socota lagu aaso tuuladii uu kasoo jeeday kaddib markii qoyskiisa iyo dowladda ay isku khilaafeen goobta lagu aasayo.
Iyadoo meydkiisa ay si weyn u ilaalinayaan booliska, waxaa la geeyay degmada Zvimba xalay.
Ninkii Zimbabwe xornimada u horseeday sannadka 1980-kii, waxaa meydkiisa tuuladii uu kasoo jeeday ee Kutama oo 85 kiiloomitar u jirta galbeedka magaalada caasimadda ah ee Harare.
Mugabe waxaa uu horraantii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaal Singapore.
Muhaajiriin ay ku jirto gabadh 2 bilood jir oo Soomaali ah oo Rwanda lagu qaabilay
Xigashada Sawirka, AFP
Waxaa xaley dalka Rwanda soo gaaray 66 qof oo muhaajiriin kuwaas oo ku dhex go'doonsanaa dalka Libya.
Arrintani ayaa ka dambeesay markii Ha'yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR iyo dowladda Rwanda ay ku heshiiyeen in muhaajirintaas kooxdii ugu horreysay laga soo daabulo Libya.
Rwanda waxay ku aqbashay inay qaabisho in ka badan 500 qof oo muhaajiriin ah oo ku xayirnaa dhibaatooyinka ka taagan dalka Libya kuwaas oo isku dayay inay gaaraan Yurub.
Xigashada Sawirka, UNHCR
Qoraalka sawirka, Muhaajiriinta gaaray Rwanda
"Waxaan si gaar ahaaneed ugu mahadcelineynaa shacabka Rwanda ee soo dhaweeyay muhaajiriinta" ayaa lagu yiri qoraal barta Twitter-ka ay soo gelisay ha'yadda UNCHR.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in kooxdan ugu horreysay ee muhaajiriinta ah ee soo gaaray Rwanda ay kamid yihiin carruur iyo hooyooyin, waxay qaar kamid ah dadkaas kasoo jeedaan geeska Afrika.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Muhaajiriinta waxaa la geeyay xarunta Gashura oo dhacdo koonfurta magaalada caasimadda ah ee Kigali.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ka badan 4,500 qof oo muhaajiriin ah oo ku sugan xeryo ku yaal Libya ay u baahan yihiin in si deg deg ah halkaas looga soo daabulo maadama ay noloshooda halis ku jirto.
Mareykanka oo ciidammo iyo hub u dirayo Sucuudiga
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Weerarkii lagu qaaday xarumaha shidaalka waxaa uu hakad geliyay ku dhawaad kala bar wax soo saarkii shidaalka ee Sucuudiga
Mareykanka ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu ciidammo gaarayo 200 u diro Sucuudiga kaddib weerarkii dhawaan lagu qaaday xarumihii shidaalka.
Waxaa uu Mareykanka sidoo kale uu Sucuudiga u daabulaya gantaallada difaaca iyo afar kamid ah qalabka lagu socda diyaaradaha maraya hawada.
Waxaa arrintani shaaca laga qaaday toddobaadkii lasoo dhaafay markii weerar lagu qaaday xarumihii shidaalka ee Sucuudiga, weerarkaas oo noqday jabkii ugu weyn ee soo gaaro dhaqaalaha dalkaas.
Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka waxay sheegtay in hubkan badan ee la siinayo Sucuudiga ay tahay tallaabo looga hortaggayo weerarro kale.
Sucuudiga ayaa ku eedeeyay weerarka inay ka dambeeysay Iiraan balse wey beenisay inay ku lug laheyd weerarkii lagu warshadda shidaalka ee Aramco.
Sucuudiga wuxuu sheegay inuu diyaar yahay inuu qaado tallaabooyin ay kamid tahay mid militari oo ka dhan xukuumadda Tehran.
Weerarkaas, wuxuu hakad galiyay kala bar wax soo saarkii shidaalka ee dowladda Sucuudiga.
Qoraalka sawirka, Maxay tahay arrinta ka dhexeyso Ukrain, Hunter Biden iyo Donald Trump?
Saraakiil ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka ayaa isku dayay inay qariyaan hadalkii dhanka teleefoonka ku dhexmaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Ukraine, sida laga xusay warbixin.
Donald Trump iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky waxay ku wada hadleen telefoon, 25-kii bishii July ee sannadkan 2019.
Madaxweynaha Mareykanka waxaa lagu eedeeyay in madaxweynaha Ukraine uu ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mr Biden.
Dadka sida adag u dhalleeceeya Trump waxay ku eedeynayaan in uu awoodda xilka madaxweynaha u adeegsaday in uu ku handado Ukraine, si ay u soo saaraan macluumaad dhaawaca sumcadda ninka siyaasadda ay ku loollamayaan ee Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga.
Dhanka kale, Mr Trump iyo taageerayaashiisa waxay madaxweyne ku xigeenkii hore ku eedeynayaan in awooddiisii uu si xun u adeegsaday si uu Ukraine ugu cadaadiyo in ay joojiso baaritaan dembi oo canuggiisa Hunter ka dhan ahaa.
Mr Biden waa musharraxa ugu cadcad ee Dimuquraadiga kaas oo doorashada sannadka soo socda foodda dari kara Donald Trump.
Si kale haddii loo dhaho, ma ahan wax ka yar in uu Aqalka Cad wajahayo khatar.
Madaxweynihii hore ee Faransiiska Jacques Chirac oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Jacques Chirac
Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska,Jacques Chirac ayaa ku geeriyooday da'da 86.
Qoyska Jacques Chirac ayaa xaqiijiyay in subaxnimadi saaka uu geeriyooday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Jacques Chirac waxaa uu xilka madaxtinimada hayay laga bilaabo sannadkii 1995-tii ilaa 2007-dii.
Waxaa sanidihii dambe loo heystay fadeexad musuq maasuq.
Chirac wuxuu dhashay sannadkii 1932-kii, waa uu xannuunsanaa tan iyo markii uu xilka ka degay.
Baarlamaanka Faransiiska ayaa hal daqiiqo aamusay si loo xuso geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalkaas.
Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub,Jean-Claude Juncker ayaa sheegay inuu ka naxay markii uu soo gaaray warka ku saabsan geerida ku timid Jacques Chirac.
Dad laga cabsi qabo inay ku dhinteen god macddanta laga qodo dalka Chad
Ugu yaraan 30 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen dalka Chad kaddib markii uu ku dumay god macddanta laga qodo oo ku yaal xadka dalkaas uu la wadaago Libya.
Wasiirka gaashaandhigga ee Chad, Mahamat Abali Salah, ayaa
sheegay in godka macdanta laga qodayay oo ku yaal deegaanka Kouri Bougoudi ee
gobolka Tibesti uu dumay saacadihii hore ee Talaadada.
Warkan ayaa maalmo ka dib la ogaaday, maadaama deegaanku
yahay mid aad u fog, isla markaana uu saaran yahay Bandow amni darrida ka jirta
awgeed.
Sucuudiga: Waxaa inoo furan in aan tallaabo militari ka qaadno Iiraan
Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay mid militari kaddib markii dhawaan weerar lagu qaaday xarumihii shidaalka, weerarkaas oo lagu eedeeyay Iiraan.
"Inkasta oo Sucuudiga uusan dooneyn dagaal, Iiraan ayaa lagala xisaabtami doonaa weerarkii diyaaradaha Drones-ka ay ku qaadeen xarumaha shidaalka",ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda, Caadil Al Jubeyr.
Baaritaan uu Mareykanka soo saaray waxaa lagu sheegay in weerarka ay ka dambeeysay Iiraan.
"Waxaan eegi doona qaababka inoo furan hadda ee na horyaal, go'aan ayaan gaareynaa" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo la hadlayay BBC.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaan ayaa diiday inuu la kulmo madaxweyne Donald Trump xilli dalkiisa lagu soo roggay cunaqabateyn
Waxaa uu intaas ku daray in 'go'aankaas uu u yaallo Iiraan kaas oo ah inay kala doortaan dagaal iyo naceyb iyo in kale'
Iiraan waxay beenisay inay ku lug laheyd weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sucuudiga.
Kooxda Xuuthiyiinta ee taageerada ka hela Iiraan ayaa sheegatay inay ka dambeeysay weerarka.
Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Iiraan, Mike Pompeo wuxuu weriyeyaasha u sheegay in Mareykanka uu doonayo in heshiis nabadeed lala galo Jahmuuriyadda Islaamiga ee Iiraan.
Boqor soo jeediyay in 'xininyaha laga tumo' ragga kufsiga geeysta
Boqorka qabiilka Zulu Goodwill Zwelithini ayaa sheegay in ragga lagu helo inay kusfi geeysteen laga tumo xininyaha, sida ay ku warrantay warbaahinta IOL.
" Xininyaha oo laga tumo waxay soo afjareysaa kufsiga...waa in qaabkan la adeegsadaa iyadoo adduunka la tusayo in qabiilka Zulu uusan inaba raali ka aheyn fadeexaddan" ayuu yiri boqorka oo shaley ka hadlayay dabaaldeg ka dhacay dalkaas.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in 'ragga' ay fulin doonaan howlgalkaas.
Hadalka Boqorka ayaa imaanaya xilli walaac laga muujinayo falalka kufsiga ah ee loo geeysto haweenka ku nool Koonfur Afrika taas oo si weyn loo hadal hayo.
Isagoo ka hadlayay baarlamaanka toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Cyril Ramaphosa waxaa uu sheegay in dhacdooyinka la xiriira kufsiga ay lamid yihiin sida kuwo ka dhaca dal u ka taagan yahay dagaal.
In ka badan 41,000 haween ah ayaa lagu kufsaday Koonfur Afrika laga bilaabo bishii Apriil ee sannadkii 2018-kii.
Boqorka Zulu ma laha awood siyaasadeed balse waa nin saameyn weyn ku leh dalkaas, waxaa uu hogaamiya qowmiyadda ugu badan Koonfur Afrika.
Tallaalka cudurka Jadeecada oo ka bilowday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta waxay doonayaan inay tallaalka gaarsiiyaan in ka badan 1 Malyan oo carruur ah
Qeybtii ugu dambeeysay ee tallaalka deg deg ah ayaa laga bilaabay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo kaas oo lagu bartilmaameedsanayo carruurta ku nool dalkaas.
Cudurka Jadeecada ayaa sannadk dalkaas ku dilay in ka badan 3,500 qof.
Ha'yadda Caafimaadka ee Adduunka ayaa sheegtay in dowladda ay ugu leedahay barnaamijka inay tallaal ku gaarsiiso ku dhawaad hal malyan oo carruur guud ahaa dalka muddo toddobaad ah.
Qaramada Midoobey waxay ku tilmaantay cudurka Jadeecada ee ka dilaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo kii ugu weynaa ee dunida ka dilaaca isla markaasna si xowli ah ku faafayo.
Dadka u dhintay Jadeecada waxay ka badnaayeen tirada dadkii u dhintay Ebola.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Farmaajo ayaa Mareykana u jooga shir madaxeedka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu markii ugu horreysay ka qeyb galayo.
In ka badan kun qof oo ku dhimatay dagaallada qowmiyadaha Itoobiya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dejinta xiisadda dhex marta qowmiyadaha qaar waxay noqotay caqabadda ugu weyn ee soo wajahday ra'iisul wasaare Abiy Axmed
Mas'uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in ka badan 1,200 qof ay ku dhinteen dagaallo u dhexeeyay qowmiyadaha dalkaas 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya wuxuu sheegay in 1.2 malyan oo qof ay dagaallaadu ku qasbeen inay ka qaxaan guryahooda.
Inkasta oo ay xaaladda degtay, balse caqabaddu ugu weyn ee looga baahan yahay inuu xalliyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya waa dagaallada soo noq noqday ee u dhexeeyo qowmiyadaha qaar.
Mar sii horreysay, Ha'yadaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay si qasab ah ay guryahooda dib ugu celineyso barakacayaasha xilli dadkaas ay walaac ka muujiyeen amnigooda.
Sannadkii 2018-kii, ku dhawaad 3 Malyan oo qof oo Itoobiyaan ah ayaa ka qaxay dagaallo ka taagnaa deegaanno, waxaa tiradaas lagu sheegay barakacii ugu badnaa ee dunida.
Muqdisho : Sare u kac ku yimid qiimaha lagu iibsado hilibka Kalluunka
Iyadoo sanadihii dambe uu aad u kordhayay
cunista hilibka kalluunka magaalooyinka xeeebaha ku yaal oo ay Muqdisho ugu
horreyso ayaa billihii ugu dambeeyay waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala
iibsado, sababo la xidhiidha galitaanka xiliga bad xidhanka oo dabeylo mowjado
wataa ay ka dhacayaan badda.
Halkii Kiilo ee noocyada qaaliga ah ee Kalluunka sida Tuunaha oo horey loo kala siisan jiray labo doollar ayaa hadda
lagu iibiyaa lix doollar taas oo ka dhigan inuu qiimihiisu kordhay saddex
jibbaar.
Weriyaha BBC ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan oo booqday suuqa ugu weyn ee Kalluunka ayaa sheegaya in dadka qaar ay hadda barteen cunnidda Kalluunka isla markaasna dad badan ay hilibkan ka iibsadaan suuqaas.
Qoraalka sawirka, Suuqa Kalluunka ee magaalada Muqdisho
Qoraalka sawirka, Suuqa Kalluunka ee magaalada Muqdisho
Jubbaland oo dib u dhigtay caleemo saarka Axmed Madoobe
Xigashada Sawirka, JUBBALAND TV
Qoraalka sawirka, Axmed Maxamed Islaam
War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay xafladdii caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam taas oo la qorsheeyay inay dhacdo 26-da Sebteembar.
Qoraalka uu soo saaray maamulka Jubaland ayaa haseyeeshe aan lagu sheegin muddada cusub ee caleema saarka.
Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri "Dib u dhigista caleemo saarka ayaa timid kadib markii si sharci darro ah xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya uga hor -istaagtay wufuuddii iyo marti sharaftii kasoo qeyb geli laheyd munaasabadda"
Waxay sidoo kale Jubbaland ku eedeeysay Dowladda Dhexe inay cunaqabateyn kusoo rogtay shacabka maamulkaas.
Jubbaland waxaa ka dhacday doorasho muran badan uu ka dhashay, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashada.
Abaaro baahsan oo ku dhuftay Koonfurta Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Dhibaatada ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka taagan gobolka Gedo
Abaar
aad u darran ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee
Koonfurta Soomaaliya halkaas oo aanay si wanaagsan uga da’in xili roobaadyadii
la soo dhaafay.
Biyo
yari ayaa laga soo weriyay dhul aad u ballaaran iyadoo xoolluhuna bilaabeen
inay u dhintaan biyo iyo baad la’aan.
Sidoo kale qoysaska abaartu saamaysay
ayaa bilaabay inay u hayaamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhawdhaw halka
ay ku noolaayeen.
Ibraahim Ceymooy oo kamid ah dadka ku nool deegaan u dhaw magaalada Ceelwaaq ayaa BBC u sheegay in nolosha dadka ay halis ku jirto maadama aysan heysan wax la quuto.
"Xoolaha waxaa ka darran dadka.. biyo ma leh, baad ma leh..xooluhu waa fadhiyaan" ayuu yiri Ceeymooy.
Dhanka kale, guddoomiyaha magaalada Buur-dhuubo, Xasan Muxumed Cali ayaa sheegay in ceelashii biyaha ay gureen taasina ay dadka deegaanka ku qasabtay inay masaafo dheer ay biyo u raadsadaan.
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq, Ibraahim Guuleed Aadan, waxaa uu sheegay inaysan wax u awood u laheyn wax ka qabashada abaaraha maadama ay dhibaatada weyn tahay isla markaasna ay qeylo dhan u direen ha'yadaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa sheegeysaa in 1.2 milyan oo qof ku nool Soomaaliya ay soo wajahaday cunno la'aan iyadoo dalka ay kusoo noq noqdeen abaaraha baahsan.
Masar oo qorsheyneysa in muwaadin kasta uu lahaado Baaskiil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Masar waxay ku daadaaleysa sidii shacabka ay u heli lahaayeen Baskiil qiimahiisu jaban yahay
Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay ku dooneyso in qof kasta oo dalkaas ku nool sidii uu waddanka ugu dhex kaxeysan lahaa Baaskiil si looga hortaggo wasakheynta deegaanka.
Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay waa in 'qof kasta uu lahaadaa Baaskiil' isla markaasna shacabka laga caawin doono sidii fursad loogu siin lahaa in qiimo jaban ay ku iibsadaan Baaskiilka.
Qorshahan ayaa laga bilaabaya caasimadda ah ee Qaahira.
Masar waxay barnaamijka uga golleedahay in lagu yareeyo wasakheynta deegaanka gaar ahaan qiiqa baabuurta iyo in shacabka lagu dhiirogeliyo ka fakarka caafimaadkooda.
Qiimaha shidaalka iyo safarka oo ah mid qaali ah ayaa laga yaaba in dadweynaha Masaarida ay u weecdaan isticmaalka Baaskiilka, iyadoo magaalada Qaahira ay tahay magaalo kulul oo saxmad badan.
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada New York kulan kula qaatay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan isla markaasna waxay ka wadahadleen sidii loo xoojin xiriirka labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa uu sheegay in isaga iyo Erdogan ay ka go'antahay xoojinta iskaashi ee labada dal.
Madaxweynaha Turkiga,Erdogan ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tegay Soomaaliya sannadkii 2011-kii, markaas ay dalka ka taagnaayeen abaaro baahsan.
Sannadkii 2017-kii, Turkiga waxaa uu shaaca ka qaaday in 1 bilyan oo doolar uu ugu deeqay Soomaaliya tan iyo sannadkii 2011-kii.
Madaxweynihii hore ee Algeria oo walaalkiis xukun xabsi ah lagu riday
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Said Bouteflika
Maxkamad militari oo ku taal dalka Algeria ayaa xukun ku ridday Said Bouteflika oo ah nin la dhashay madaxweynihii hore ee dalkaas ee xukunka lagu tuuray kaddib labo maalmood oo ay maxkamaddu dacwaddiisa dhageysaneysay, sida uu ku warrantay warbaahinta Ennahar.
Said Bouteflika, waxaa lagu xukumay 15 sanno oo xabsi ah isaga iyo labo sarkaal oo madax u ahaan jiray laanta sirddoonka dalkaas iyo madaxii xisbiga shaqaalaha.
Waxaa saraakiishan la xiray bishii May kaddib toddobaadyo uun markii dad dibadbaxyo dhigayay ay ku qasbeen madaxweynihii dalkaas Cabdulcaziiz Bouteflika inuu xilka iska casilo.
Waxaana lagu eedeeyay inay maleegayeen shirqool ka dhan militariga Algeria.
Wararla waxay sidoo kale sheegayaan in wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Khaalid Nizar lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah xilli uu dalka ka maqan yahay.