You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Caro ka dhalatay markii "bukaan qabay cudurka Aids-ka xoog looga saaray isbitaal"

Kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Trump oo bartilmaameedsanaya muhaajiriinta saboolka ah ee sida sharciga ah ku joogo Mareykanka

    Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartilmaameedsanaya muhaajiriinta saboolka ah ee sida sharciga ah ku joogo dalkaas gaar ahaan marka ay timaaddo in wakhti dheeri ah loogu daro xilligga uu dhacayo dal-kugalkooda ama in degnaansho joogta ah laga siiyo Mareykanka.

    Sharcigan ayaa waxaa uu beegsanaya muhaajiriinta in ka badan muddo sannad ah ku tiirsan adeegyada ay dowladda bixiso sida gargaarka cunnooyinka ah ama guryaha.

    Sharcigan wax saameyn ah kuma yeelan doono muhaajiriinta degnaanshaha joogtada ah heysto,qaxootiga iyo dadka kale ee magangelyo doonka ah.

    Dadka uu sida weyn bartilmaameedsanayo sharciga waxaa amid ah kuwa doonayo in wakhti dheeri ah loogu daro xilliga uu dhacayo dal-kugalka ama inay helaan sharciga dalkaas.

    Dad lagu qiyaasay 22 milyan qof oo si sharci ah ku joogo dalka Mareykanka ma heystaan sharciga dalkaas, waxaa ay u muuqata in dad badan uu saameyn doono sharcigan.

    Ururada bulshada iyo rayidka waxay ku tilmaameen tallaabadan mid lagu beegsanayo muhaajiriinta saboolka ah.

    Waxay sidoo kale sheegeen inay hor joogsan doonaan meel marintiisa.

    Waxaa lagu wadaa in sharciga uu si rasmi ah uga dhaqan galo dalkaas 15-ka bisha Oktoobar ee sannadkan.

  2. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Talaado taarikhda waxay ku beegan tahay 13-ka bishan Agoosto sannadka 2019-

  3. Heshiiskii xabad joojinta dhinacyada Liibya oo la jebiyay

    Gantaallo ayaa lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee kaliya ah ee ka howgalo magaalada caasimadda u ah Libya ee Tripoli, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Maamulka garoonka diyaaradaha waxay sheegeen inay hakad geliyeen duulimaadyada tan iyo wakhti kale oo aan la shaacin.

    Weerarka ayaa dhacay Axaddii, xilli heshiis xabad joojin ah looga dhawaaqay Libya munaasabadda Ciidda darteed.

    Heshiiska xabad joojinta ah waxaa isku afgartay dhinaca dowladda Libya ay Qaramada Midoobey taageerto iyo maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar.

    Dowladda waxay ku eedeeyasay in weerarka uu ka dambeeyay Janaraal Haftar.

    Afahayeen u hadlay dowladda Libya waxaa uu sheegay in gantaallada laga soo gannay deegaanada ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar.

    Haftar uma muuqdo inuu ka hadli doono weerarkan.

  4. War deg deg ah, Duulimaadyada gegida diyaaradaha Hong Kong oo la hakiyay

    Waxaa hakad galay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hong Kong kaddib markii halkaas ay hareeyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda oo galay maalinkii afaraad.

    Kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay garoonka diyaaradaha Hong Kong maalmihii lasoo dhaafay, waxaa uu kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan caalamka.

  5. Tanzania oo baareysa shilkii dadka badan ay ku dhinteen

    Dowladda Tanzania waxay bilaawday baaritaanno ku saabsanaa waxyaabihii dhaliyay shilkii ka dhacay dalkaas oo ay dad badan ku dhinteen 71 qof.

    Shilka ayaa ka dhashay markii ay booyad shidaal ku qaraxday koonfuurta dalkaas.

    Waxaa la aasay 53 qof oo ku dhintay shilkaas.

    Masuuliyiinta dalkaas ayaa sheegay in markii gaarigaasi uu qarxay ay dadka qaarkood isku dayayeen in ay dhurtaan shidaalkii saarnaa gaariga oo taagnaa waddada ugu weyn gobolka Morogoro.

  6. Zimbabwe oo malaayin doolar kasoo deynsaneyso Hindiya si ay u daboosho baahinda korontada

    Dowladda Zimbabwe waxay in kabadan $42.5m ay kasoo deynsaneysaa dalka Hindiya si ay sare ugu qaaddo wax soo saarka korontada ee dalkaas, sida laga soo xigtay wargeyska dowladda ee Herald.

    Dowladda waxay shaaca ka qaaday in wasiirka maaliyadda uu soo afjaray heshiiska ku saabsan deynta biliyoonkii lasoo dhaafay.

    Waxaa lagu wadaa in lacagahan ay wax ka qaban doono baahida koronto ee ka taagan dalka Zimbabwe.

    Waxaana sidoo kale lagu soo warramaya in lacagahan loogu talagalay xoojinta xarumaha soo saaro korontada ee ku kala yaallo magaalooyinka Bulawayo iyo Hwange.

    Tan iyo bishii May, waxaa uu gabaabsi ku yimid adeegyadii dhanka korontada ay heli jireen shacabka taas oo saameyn ku yeelatay.

    Xukuumadda waxay sheegtay in heerka biyaha lagu keydin jiray biyo xireenada laga soo saaro korontada ay hoos u dhaceen abaaraha ka tagaan halkaas dartood.

  7. Hindiya oo howlgallo militari ka waddo gobolka Kashmiir

    Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa howlgallo kale oomilitari kusoo roggay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa, ciidammo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Srinagar. Waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka badan muddo toddoobaad ah.

    Weriye BBC ka tirsan ayaa kusoo warramaya in in misaajiddada waaweyn ee ku yaalla Kashmiir lagu wado in la xiro maadama dadka loo ogolyahay inay ku tukadaan misaajaddada kale ee ku yaalla xaafadaha.

    Kumanaan kamid ah ciidammada militariga ee Hindiya ayaa waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

    Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

  8. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 12-ka bishan Agoosto sannadka 2019-ka.