Hogaamiyaha Shiicada Nigeria oo kasoo ambabaxay Hindiya isagoo aanan wax adeeg caafimaad ah helin
Hogaamiyaha Shiicada Nigeria Ibraahim Zakzaky oo xaalad caafimaad u joogay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramaya in uu kasoo ambabaxayo Delhi si uu dib ugu soo laabto Nigeria kaddib markii muddo saddex maalmood uu joogay halkaas.
Waxaana lagu soo warramaya in wax daweyn ah uusan helin.
Ibraheem Zakzaky iyo xaaskiisa Zenaat ayaa in muddo xirnaa waxaana dhawaan xabsiga laga sii daayay xabsi oo loo ogolaaday in xaalad caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.
Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC.
Waxay intaas ku dartay in aabaheed ay isha kaga jirto sunta isla markaasna uu maray qalliin si looga saaro.
Ibraahim, waxaa uu ka xumaaday ciidammada ilaalinayo ee kula sugan isbitaalka maadama uusan helin karin dhaqaatiirta uu isaga damco ee daweyn laheyd.