You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

“Ninkii dilay” taliyihii guud ee milatariga Itoobiya oo la shaaciyay

Ku soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Tanzania oo u yeertay safiirka Kenya si ay wax uga waydiiso hadal “isir beegsi ah” oo xildhibaan ka soo yeeray

    Ra’iisulwasaaraha Tanzania ayaa la kulmay safiirka Kenya u fadhiya dalkiisa ka dib markii uu u yeeray si uu faahfaahin uga bixiyo hadal ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya, kaas oo sheegay in ay dalkiisa isaga baxaan ganacsatada reer Tanzania.

    Xildhibaan Charles Njagua Kanyi ayaa yiri "reer Tanzania iyo reer Uganda ganacsiganagii ayay la wareegeen, arrintaasina way nasoo kartay." Ka dibna wuxuu intaas ku daray waa la garaaci doonaa haddii aysan tagin.

    Ka dib kulankii ay wada yeesheen Kassim Majaliwa iyo danjire Dan Kazungu, Mudane Majaliwa ayaa sheegay in labada dal ay yihiin saaxiibbo uuna u xaqiijiyay in hadalkaas uusan ka imaan dawladda Kenya.

    Intii ay doodda baarlamaanku socotayna, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dalbaday in dawladda Kenya ay iska fogayso hadalkaas.

    Job Ndugai ayaa yiri “haddii Tanzanian-ka la garaaco Kenyanku qureexda ayay halkaas nagu arki doonaan” hadal kaas oo uu ula jeedo waan aarsan doonnaa.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania Freeman Mbowe ayaa sheegay in hadalkaas aan la iska indho tiri karin.

    “Hadallada isir nacaybka ah waa in aan cambaaraynaa. Horay baan saamaynta dabeecadahaas oo kale ugu aragnay Koonfur Afrika muwaadiniintannada ayaana lagu laayay, dawladda Kenya waa in ay wax ka qabataa arrintaas." ayuu yiri Mbowe.

    Dad badan oo reer Tanzani ah ayaa arrintan ka cawday iyaga oo Twitterka adeegsanaya.

  2. Dawladda Itoobiya oo lagu eedeeyay "dilkii jeneraallada"

    Kooxo dhallinyaro ah oo ku sugan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa la arkay iyaga oo qaadaya halhaysyo ka dhan ah dawladda, arrintaas ayaana dhacday iyadoo jeneraalladii la dilay Sabtididii maydkooda lagu celiyay deegaankii ay ka soo jeedeen si halkaas loogu aaso Arbacada.

    Taliyihii guud ee ciidammada dalka Itoobiya Seare Mekonnen iyo sarreeye guuto Gezai Abera ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo dawladdu ay ku eedeeysay wax ay ugu yeertay in qilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada.

    Tobannaan kun oo ruux ayaa isku dhereriyay waddada ka timaadda garoonka magaalada Maqale ee gobolka Tigreega oo maydadka laga soo dajinayay.

    Iyadoo dadka soo baxaya ay sii kordhayeenna waxaa la arkay dhallinyaro caraysan oo hal kudhagyo qaadaya, kuwaas oo dilka jeneraallada ku eedeeyay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.

    Waxay sidoo kale ku dhawaaqayeen Seare ma dhiman.

    Dawlad goboleedka Tigreega ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo aas iyo tacsi ah waxaana la soo bandhigay buugaag ay dadku ku qorayaan aragtidooda.

    Aaska ayaa la filaa in uu billawday 3:00 galabnimo ee saacadda geeska Afrika.

  3. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Arboco ah oo taariikhdu tahay 26 bisha Juunyo sannadka 2019.

  4. Jeneraalkii khayaanada sameeyay wuxuu ku sugnaa “meesha dilku ka dhacay”

    Ninkii lagu eedeeyay in uu maleegay dilalkii ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya wuxuu ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay, sida ay TV u sheegeen saddex sarkaal oo dawladda ka tirsan.

    Asaminew Tsige oo ahaa sarreeye guuto ayaa lagu eedeeyay in uu maleegay weerarkii lagu dilay madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo kuwo kale.

    Sarreeyaha oo isku dayay in uu baxsado ayaa markii dambe isku dhex dilay meeshii uu kaga gabanayay caasimadda gobolka Amxaarada, sida ay booliisku sheegeen Isniintii.

    Saddexda sarkaal ayaa telefeshinka u sheegay Isniintii in ay la yaabeen kana argagaxeen weerarka balse waxay bulshada u xaqiijiyeen in aysan siyaasadda ku kala aragti duwanayn Sarreeye Guuto Asaminew Tsige oo ahaa madaxa ammaanka ee gobolka.

    Waxay sheegeen in aysan jirin qorshe ay damacsanaayeen oo ay xilka uga tuurayeen dilka ka hor.

    Sarreeye Asaminew ayaa ahaa nin caan ah, dhallinyaraduna waxay u arkeen in uu ahaa nin si dhab ah dadka u matala.

    Balse dhanka kale waxaa jiray dad si wayn u dhaliili jiray.

    Dadka qaar waxay u arkeen in uu ahaa xag jir aan la jaanqaadi karin isbadallada Ra’iisulwasaaraha si ka duwan madaxweynihii la dilay oo xulafo dhaw la ahaa Ra’iisulwasaare Abiy.

  5. Trump oo sheegay in uusan nooceeda ka helin haweenay faro xumayn ku eedaysay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale diiday eedaymo sheegaya in uu faro xumeeyay haweenay sagaashameeyadii, isaga oo sheegay in uusan nooceeda oo kale ka helin.

    Trump ayaa sheegay E. Jean Carroll ay been soo dhoodhoobtay marka ay sheegtay in uu ku weeraray bakhaar New York ku yaalla.

    “Aniga oo ixtiraam badan muujinaya waxaan lee yahay marka koobaad nooceeda kama helo. Marka labaad arrintaasi ma dhicin, marnaba ma dhicin.” Ayuu yiri Trump oo la hadlay wargeyska The Hill.

    E. Jean oo 75 jir ah ayaa eedayntan ku qortay jariidadda New York Jamcihii aan ka soo gudubnay.

    Iyadoo oo markaas ka dibna waraysiyo siisay CNN iyo MSNBC ayay haweenaydan qoraaga ah sheegtay in ay ka baaraan dagayso in ay dacwad ku soo oogto Trump.

    E. Jean ayaa noqonaysa haweenaydii 16 ee Trump ku eedaysa faroxumayn ama tacaddi galmo la xiriirta.

    Waa maxay eedaynta ay soo jeedisay E. Jean Carroll?

    Waxay sheegtay in weerarka ay ku eedaynayso uu ka dhacay bakhaarka Bergdorf Goodman oo ku yaalla Manhattan dhammaadkii 1995 ama horraantii 1996-dii markaas oo ay isku dhaceen iyaga oo dukaamaysanaya.

  6. Itoobiya oo xus u samaysay taliyihii ciidammada ee la dilay

    Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku qabanaysa xus ay u samaynayso taliyihii ciidammada iyo jeneraalkii kale ee toogashada lagu dilay Sabtidii, arrintaas oo dawladdu sheegtay in ay qayb ka ahayd isku daygii afgambiga dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada.

    Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidammada waxaa dilay waardiyihiisa, markaas wuxuu isku dayayay in uu fashiliyo afgambiga, sida ay dawladdu sheegtay, jeneraal Gezai Abera oo isna la joogay ayaa toogasho lagu dilay.

    Dadka aaska ka qayb galay waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo bartanka ku jira iyo madaxweyne Sahle Work Zewde oo dhanka midig fadhida.

    Waddooyinka magaalada Addis Ababa ayaa la xiray iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay ka hor aaska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Labada mayd ayaa loo qaadi doonaa gobolka Tigreega oo labada jeneraal ay ka soo jeedaan, waxaana la aasi doonaa qaybaha dambe ee toddobaadkan.

  7. Ivory Coast oo dirqi uga badisay Koonfur Afrika

    Ivory Coast iyo Mali ayaa guulo gaaray halka Tunisia iyo Angola ay barbaro galeen ka dib markii ay dhaceen ciyaaro ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Yurub.

    Jonathan Kodjia oo u dheela naadiga Aston Villa ayaa dhaliyay goosha kali ah ee ciyaarta iyadoo Ivory Coast ay si dirqi ah uga badisay Koonfur Afrika ka dib markii ay 1-0 guushu ku raacday ciyaartii Qaahira ka dhacday ee lagu furay kooxaha ku wada jira horinta D.

    Mali ayaa soo bandhigtay ciyaar ay ku gacan sarraysay iyadoo 4-1 ku garaacday Mauritania oo ku ku cusub koobkan.

    Talaadada waxaa ciyaari doona Cameroon iyo Guinea-Bissau xulka Ghana waxay foodda is dari doonaan Benin.

  8. Ardaydii u horraysay “ee ka qalin jabisa” Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed burburkii ka dib

    Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa qabatay xafladdii u horraysay ee qalin jabin ah muddo ka badan soddon sano.

    Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay iyo ammaan xumo ayaa albaabada u laabtay jaamacadda oo Muqdisho ku taallay, waxaase dib loo furay sannadkii 2014.

    In kabadan 130 arday ayaa ayaa dhigrii ka qaatay jaamacadda, iyaga oo shahaadooyinkooda lagu gudoonsiiyay xaflad Isniintii dhacday.

    Sannadkii 2014 waxaa jaamacadda codsaday 550 arday oo kali ah, balse sannadkii 2018 tirada ardayda codsaday ayaa sare u kacday waxayna gaartay 5,070.

    Arday badan ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan ammaanka.

    Cabsida ay ka qaybtay ururka Al Shabaab ayaa ahaa carqaladdii ugu waynayd ee ay markii hore qabtay Yusra Cusmaan Shariif oo ka mid ah ardayda hadda qalin jabisay.

    “Markii aan jaamacadda billaabayay waxaan qarin jirin aqoonsiga jaamacadda, marka uu qof i waydiiyo jaamacadda aan dhigtana waxaan isku dayi jiray in aan marin habaabiyo” ayay tiri Yusra.

  9. Askarigii dilay taliyihii guud ee ciidammada Itoobiya wuu nool yahay

    Ciidammada booliska Federaalka ee Itoobiya ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal ay shalay sheegeen oo ahaa in askarigii lagu eedeeyay inuu dilay madaxii ciidammada dalkaas Gen Seare Mekonnen uu is toogtay.

    Bayaan kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in askarigii ilaalinayay taliyaha la dilay in hadda uu yaallo isbitaal lagana daweynayo dhaawac soo gaaray.

    Balse booliska ma aysan shaacin magaca askarigaas.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horraan sheegay in askariga uu dilay Janaraal Seare iyo sarkaal sare xilli ay joogeen gurigooda si loo afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada.

    Waa markii labaad oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan arrinta ku aadan waarddiyaha lagu tuhunsan yahay inuu toogtay madaxii guud ee ciidammada Itoobiya.

    Sabtidii dowladda Itoobiya waxay sheegtay in askarigaas la xiray halka Isniintii taliyaha guud ee booliska Endeshaw Tasew uu shaaca ka qaaday askarigaas uu is dilay markii uu toogtay Janaraallada.

    ilaa hadda makala cadda in dhaawaca soo gaaray askarigaas uu yahay mid isaga uu isku geeystay ama inuu dhaawacay qof kale intii uu weerarka socday.

  10. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinnno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Talaado taarilkhda waxay ku beegan tahay 25-ta bisha Juun sannadka 2019-ka.

  11. Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee Itoobiya oo la toogtay

    Weriye BBC-da ka tirsan ayaa kusoo warramaya in ninkii la sheegay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada, Janaraal Asamnew Tsige ay toogteen ciidammada booliska dalkaas.

    Waxaa lagu soo warramaya in lagu dilay deegaan u dhaw goobtii uu weerarka ka dhacay Sabtidii.

    Janaraalkan ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya.

    Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

    Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda.

  12. Waa kuma hoggaamiyihii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee Itoobiya?

    Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaas.

    Ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyay janaraal Asaminew Tsige oo isagu si weyn loo dondoonayo.

    Waxaa hadda socdaa baadigoob lagu raadinayo ninkan, sida ay BBC u sheegeen saraakiisha ku sugan goblka Amxaarada.

    Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

    Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, saraakiisha ugu sarreysa maamulka Amxaarada ayaa Sabtidii markii uu weerarka dhacayay ka arrinsanayay tallaabooyin uu waday janaraalka oo ahaa inuu qoranayay ciidamo maleeshiyaad ah.

    Janaraal Asaminew Tsige ayaa dadweynaha gobolka Amxaarada kula taliyay bishan inay hubka qaataan, sida lagu sheegay muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu baahiyay, waxaana dadkii arkay muuqaalkaas kamid ahaa weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

  13. Sarkaalkii shanaad ee ku dhinta weerarkii ka dhacay Itoobiya

    Xeer ilaaliyahii guud ee gobolka Amxaarada Itoobiya,Migbara Kebede, ayaa u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray weerarkii lagu tilmaamay iskuday afgembi oo Sabtidii ka dhacay magaalada Bahir Dar, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

    Dowladda Federaalka waxay ku tilmaantay weerarkaas isku day afgembi oo ka dhan ahaa maamulka Amxaarada.

    Xeer ilaaliyahan ayaa ku dhaawacmay weerarkii ay ku dhinteen madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo la taliyihiisi oo xilliggaas ku sugnaa xafiiska maamulka.

  14. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka Itoobiya

    Calanka dalka Itoobiya ayaa hoos loo dhigay, teleefishanada waxay baahinayaan farriimo tacsiyo ah iyo baaq nabadeed oo ay jeedinayaan madaxda gobollada iyo dowladda federaalka, hoggaamiyeyaasha diimaha waxay sidoo kale ku baaqeen nabadda.

    Xubnaha ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya waxay joojiyeen kalfadhi ay yeelan rabeen kaas oo la filayay inuu khudabad ka jeediyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya maanta waxaa ka socotaa baroor diiq.

    Booliska waxay sheegeen in askarigii dilay janaraal Seare Mekonnen uu is dilay markii uu toogtay janaraalka.

    Shir ja’raaid ay booliska ku qabteen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, madaxa ciidammada booliska waxaa uu sheegay in dilkii loo geystay taliyiihii guud ee ciidammada Itoobiya iyo madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen uu soo maleegay janaraal Asamenew Tsige oo ah madaxii ciidammada gobolka oo ay hadda ku raad joogaan ciidammada.

    Waxaa uu iskudaygan afgembi uu ka dhacay magaalad BahirDar oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

    Booliska waxay sidoo kale sheegeen in dilka saraakiishaas looga gollahaa in la afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada isla markaasna kuwo dilka geystay ay xireen saraakiishii ammaanka ka hor inta aysan dilin madaxweynihii maamulka Amraaxada iyo la taliyihiisi.

    Dhan kale, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in Migbaru Kebede, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta maamulka Amxaarada oo uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray dhibaatadii ka dhacday magaalada Bahir Dar.

  15. Wasiiro beeniyay inay wadeen qorshe ay ku dili rabeen madaxweyne ku-xigeenka Kenya

    Wasiir ka tirsan dowladda Kenya ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo ahaa inuu waday qorshe uu ku dili rabay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, sida uu ku warramay wargeyska The Standard.

    Wasiirka ganacsiga Kenya, Peter Munya iyo saddex wasiir oo kale ayaa tegay xarunta dambi baarista si wax looga weyddiyo eedeymaha ah inay u hanjabeen madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

    Waxaa lagu eedeeyay mas’uuliyintani inay yeesheen kulan qarsoodi ah.

    “Waxaan caddeynay in aysan jirin goob aan kulan qarsoodi ah ku yeelanay, oo ku saabsan arrintaas” ayuu yiri Munya.

    Dhanka kale, wargeyska Daily Nation ayaa ku warramay in afarta wasiir looga yeeray xarunta dambi baarista si su’aalo looga weyddiyo eedeymaha ah inay doonayeen inay hor istaagaan dadaallada madaxweyne ku-xigeenka uu ku doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtinimada sannadka 2020-ka.

  16. Xisbiga madaxweyne Erdogan oo guuldarro la kulmay

    Xisbiga haya talada dalka Turkiga ayaa ku guuldareystay doorashada duqa magaalada Stanbul oo ay aheyd mid ku celis ah, waxay arrintani dhabar jab weyn ku tahay madaxweyne Erdogan.

    Hoggaamiyaha musharraxa mucaaradka doorashada duqa Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay codad gaarayo 775,000, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah.

    Musharrixii ka socday xisbiga madaxweyne Erdogan, Binali Yildirim horeyna u ahaa ra’iisul wasaarihii dalkaas ayaa aqbalay guusha mucaaradka.

    Waxaa bishii Maarso ee sannadkan la qaadacay natiijadii doorashada duqa magaalada Istanbul kaddib markii ay jireen eedeymo isdaba marin ah.

    Guusha ay gaareen mucaaradka ayaa waxay soo afjareysaa hoggaankii Istanbul ee xisbiga AKP 25 sanno ee lasoo dhaafay.

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa u hambalyeeyay Ekrem Imamoglu oo ku guuleystay doorashada, sida lagu sheegaynatiijada horudhaca ah.

  17. Dhalinyarada London oo xeelad cusub looga wacyigalinayo dilalka Tooreyda.

    Iyadoo magaalada London ee caasimada UK ay ku soo kordhayaan dilalka dhalinyarada isku gaysanayaan iyo dambiyada tooreeyda la xirriira ayaa waxaa magaalada London lagu qabtay tartan kubadda cagta oo uu soo abaabulay urur samafal oo lagu magacaabo Mother & Child Welfare Organisation oo ah urur ka shaqeeya arrimaha Soomaalida.

    Tartankaas kubadda cagta ah ayaa waxaa ka qayb galay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah oo badankoodu Soomaali yihiin, kuwaasi oo ka koobnaa 14 kooxood, una tartamayey kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo saddexaad iyadoo tartanka kooxdii laga badiyo ay markiiba ka baxayso si waqtiga loo beekhaamiyo. Waana mid ka mi ah barnaamijyo dhalinyarada looga jihaynayo dambiyada ka dhex dhaca, kuwa ay gyestaan, isla markaanaa qaar kale oo horey ugu jiray looga saarayo.

    Naciimo Cali Xareed oo ah gudoomiyaha iyo aasaasaha ururka Mother and Child oo BBC-du kula kulantay garoonkii ciyaarahaasi ka socdeen ayaa farta ku fiiqday in ciyaaruhu ka mid yihiin waxa dhalinyarada ka dhex beeri kara isbarasho iyo isdhexgal, isla markaana looga jeediyo inay waqtigooda firaaqadaha ah ku bixiyaan waxyaabo dhibaato u keeni kara.

  18. Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay isku daygii afgembi ee ka dhacay Itoobiya

    War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay Itoobiya.

    Waxay tacsi u dirtay ehalada saraakiishii lagu dilay dhacdadaas.

  19. Itoobiya oo u baroordiiqeysa saraakiishii looga dilay isku daygii afgembi

    Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maalin baroordiiq ah si loo xuso madaxdii lagu dilay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalkaas.

    Habeenkii Sabtidii, madaxii ciidammada dalka Itoobiya Gen Seare Mekonnen ayaa waxaa dilay ilaalihiisii gaarka ahaa xilli la doonayay la inqilaabo hoggaanka maamulka Amxaarada, waxaa uu doonayay inuu ka hortaggo afgembiga.

    Waxaa dhacdadaas lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo saddex sarkaal oo kale.

    Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday shacabka Itoobiya inay nabadda ku dadaalaan isla markaasna ay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhici kara.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay "calooshood u shaqaysteyaal".

  20. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 24-ta bisha June sannadka 2019-ka.