You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

“Ninkii dilay” taliyihii guud ee milatariga Itoobiya oo la shaaciyay

Ku soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Al-Shabaab oo dilay nin ay sheegeen in uu isla guursaday hooyo iyo gabadh ay dhashay

    Malayshiyada Al Shabaab ayaa dishay nin da’da toddobaatameeyada ku jira oo ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya iyaga oo ku eedeeyay in uu isla guursaday hooyo iyo gabadh ay dhashay, sida uu ku warramay wargeyska Al Shabaab lal xiriiriyo ee Memo.

    Ninkan oo 75 jir ah ayaa 27 Juunyo lagu dilay tuulada Toorotoorow ee Shabeellaha Hoose. Wuu diiday in uu hooyo iyo gabadheeda isla guursaday.

    Ninka ayaa lagu eedeeyay in uu la dhuuntay gabadha oo uu guursaday iyadoo uusan maxram meherin.

    Al Shabaab ayaa marar kala duwan dilay dad ay ku eedeeyeen in ay galeen dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin sino, dumar mehersan oo niman kale guursaday iyo basaasnimo.

    Sagaalkii Bishii May ee sannadkii 2018 Al Shabaab ayaa dhagax ku dilay haweenay ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay niman guursatay iyadoo meher ku xiran yahay.

    Tooratoorow waxay ka mid tahay tuulooyinka ay ka taliyaan ciidammada Al Shabaab.

  2. Xildhibaankii Kenya “ee hadalka xanafta leh sheegay” oo xabsiga loo sii kordhiyay

    Charles Njagua Kanyi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa xabsiga ku sii jiri doona ugu yaraan afar maalmood oo dheeri ah, iyadoo uu sii socdo baaritaanka lagu hayo, ka dib markii uu jeediyay hadal ka dhan ah ajaaniibta ganacsatada ah isaga oo sheegay in la garaaci doono haddii aysan dalka isaga bixin.

    Arbacadii ayaa laga xiray bannaanka baarlamaanka, Khamiistii ayuuna markii u horraysay ka soo muuqday maxkamad.

    Maxkamadda ayaa hadda booliiska siisay saddex maalmood oo dheeri ah oo maalmaha shaqada ah si ay baaritaankooda u sii wadaan.

    Kanyi oo ku sugan suuq ayaa laga duubay muuqaal dadka Kenyanka ah ay aad isula wadaageen wuxuuna yiri “Markaad fiiriso suuqeenna, Tanzaniyaanka iyo dadka Uganda ayaa qaatay ganacsiyadanadii. Arrintaasi way na kartay. Haddii aan 24 saac siino isla markaasna aysan tagin, waan garaacaynaa qof aan ka cabsanaynana ma jirto.”

    Xildhibaankan oo ka tirsan xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee ayaa sidoo kale ah fannaan marka uu masraxyada ka heesayo loo yaqaanno Jaguar. Markii uu muuqalka loo haysto duubayay wuxuu ku celceliyay “arrintan way na kartay” dadka ayaana u sacabeeyay.

    Xildhibaan Kanti ayaa sheegay in hadalkiisa “si xun loo fasiray”.

  3. “Ninkii dilay” taliyihii guud ee milatariga Itoobiya oo la shaaciyay

    Waxaa la shaaciyay aqoonsiga ninkii lagu eedeeyay in uu toogashada ku dilay taliyihii guud ee ciidammada dalka Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo jeneraalka kale.

    Labadaas nin ayaa Addis Ababa lagu dilay Sabtidii, iyadoo ay arrintaas dawladdu ku tilmaantay in ay qayb ka ahayd iskudaygii afgambi ee la sheegay in uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

    Axaddii ayay Dawladda Itoobiya sheegtay in dilka jeneraalka uu masuul ka ahaa waardiyihiisa, xabsi ayayna dhigtay.

    Isniintii ayuu Endeshaw Tasew oo ah taliye booliis sheegay in waardiyihii dilka gaystay uu isna is dilay ka dib markii uu jeneraalka khaarajiyay.

    Intaas ka dibna booliiska faderaalka ayaa raali galin bixiyay oo sheegay in waardiyuhu uu ku jiro isbitaal kana soo kabanayo dhaawacyo rasaas ka soo gaaray.

    Telefeshinka dawladda ee ETV ayaa waardiyaha magaciisa ku sheegay Labo Alifle Mesafint Tigabu. Telefeshinka ayaana soo bandhigay sawirkiisa.

    Labo Alifle Mesafint ayaa wali lagu dabiibayaa isbitaal, gaar ahaan qaybta la dhigo dadka aadka u liita isaga oo ammaankiisa aad loo sugayo, sida uu sheegay telefeshinka ETV.

  4. Kenya oo duulimaadyo weecisay kuwo kalana hakisay

    Hay'adda duulista hawada ee Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo(KCAA) ayaa faahfaahin ka bixisay waxa sababay in la weeciyo ama la daahiyo duulimaadyo ku soo fool lahaa garoonka ugu wayn ee caalamiga ah ee magaalada Nairobi.

    War qoraal ah oo ka soo baxay KCAA ayaa lagu sheegay "in ay cilad gashay qalabka korontada siiya raadaarka. Raadaarka ayaana la damiyay si ay u suuragasho in mid kale lagu badalo.”

    Hawlgalladii ayay hakad ku yimaadeen 95 daqiiqo si loo xaqiijiyo ammaanka rakaabka, ayay warbixintu intaas ku sii dartay.

    Labo duulimaad ayaa la weeciyay, 15 duulimaadna hakad ayaa la galiyay iyaga oo hawada ku jira intii ciladda la saarayay.

  5. “Dadkii maleegay afgambigii Itoobiya waxay rabeen in ay saraakiil intan ka badan laayaan”

    Dadkii ka dambeeyay afgambigii la sheegay in xukunka looga maroorsan rabay maamul goboleedka Amxaarada waxay doonayeen in ay laayaan masuuliyiin intan ka badan, sida uu shaaciyay guddi dawladeed.

    Weerarradii dhacay Sabtidii ayaa galaaftay shan masuul oo sare oo uu ka mid yahay taliyihii guud ee ciidammada Seare Mekonnen, arrintaas ayayna dawladdu ku tilmaantay isku day inqilaab.

    Saddex ayaa ku dhimatay gobolka Amxaarada labo kalana waxay ku dhinteen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Guddigan oo ka kooban laamaha ammaanka iyo waaxda caddaaladda ayaa loo aasaasay sidii ay baaritaan ugu sameeyaan wixii dhacay.

    Guddigan xaqiiqo raadinta ah ayaa sheegay in la xiray 255 ruux tan iyo Sabtidii, 212 ruux waxaa lagu xiray gobolka Amxaarada 43 ruux oo kalana caasimadda.

    Khamiistiina xisbi mucaarad ah ayaa sheegay in la xiray 50 ruux oo xubnahooda ah.

    Laamaha ammaanka ayaa qabtay 27 qori AK , 47 rayfal labo qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah iyo bistoolado aan tiradooda la shaacin.

    Guddigan xaqiiqo raadinta ah ayaa baaritaan ku haya macquulnimada in xiriir ka dhaxeeyay dilka ka dhacay gobolka Amxaarada iyo kan Addis Ababa. Dawladda ayaa sheegtay in uu xiriir ka dhaxeeyay.

  6. "Niman xaasaskooda uga baqaya rag ka mushaar badan"

    Rag ku sugan galbeedka dalka Uganda ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin in ragga badan ee shaqada ka helaya dhismeyaasha shidaalka ay kala wareegaan xaasaska iyo gabdhaha ay la sheekaystaan, sida uu ku warramay wargeyska Daily Monitor.

    Raggan ayaa shirkaddaha ka hawlgalaya deegaanka Hoima iyo Kikube ka dalbaday in ay xaqiijiyaan “in aysan carqalad galin nolosha qoysaska” inta ay socdaan dhismeyaasha dhuumaha shidaalka qaada ee cusub.

    Waxaa la baahiyay warbixin lagu eegayay saamaynta rasmiga ah ee ka dhalan karta dhismaha dhuumahaas. Balse intii ay socotay dhagaysiga bulshada rag ayaa ku cawday in aan la qaadin tallaabooyin lagu baajinayo in shaqaalaha la keenayo ay dumiyaan qoysas dhisnan.

    Harriet Businge Akiki oo horay ugu tartantay boos xildhibaan oo deegaanka Hoima ah ayaa wargeyska Daily Monitor u sheegtay in cabsida raggu ay tahay wax la fahmo karo.

    “Waxaad arki shaqaale deegaanno kale ka imanaya oo qaadanaya mushaar ka badan midka dadka deegaanku ay qaataan,” ayay tiri waxayna intaas ku sii dartay “ragganaguna lama tartami karaan”.

    Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo dhaqanka iyo qiyamka dadka deegaanka.

  7. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo taariikhdu tahay 28 bisha Juunyo sannadka 2019.

  8. Qarax ka dhacay Tuniisiya

    Askari booliis ah ayaa dhintay dad kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu qarax ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda u ah dalka Tuniisiya, sida ay masuuliyiin u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Khamiistan.

    Labo askari iyo saddex ruux oo shacab ah ayaa dhaawacmay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

    Qof labaad ayaa wax yar ka dibna isku qarxiyay meel u dhaw xarun booliis oo ku taalla deegaanka al-Qarjani oo ee caasimadda, sida ay wasaaraddu sheegtay. Afar ruux ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

    Ma jirto cid isla markiiba sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

    Weerar noocan oo kale ah ayaa dhammaadkii sannadkii hore ka dhacay waddada Xabiib Bayriiqah, halkaas oo ay ku dhaawacmeen sagaal ruux.

    Sannadkii 2015 weerar lagu qaaday madxafka caasimadda ayaa lagu dilay 22 ruux, weerarkaasna waxaa qaaday malayshiyo lala xiriiriyay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

    Hoos ka fiiri qaar ka mid ah sawirrada qaraxa Tuniisiya

  9. Madaxweynaha Tuniisiya oo 92 jir ah ayaa isbitaal loo qaaday

    Xog rasmi ah oo laga helay masuuliyiin ayaa sheegaysa in isbitaal la dhigay madaxweynaha dalka Tuniisiya Beji Essebsi.

    Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in 92 jirkan ay soo wajahday “xalaad caafimaad oo halis ah”. Faahfaahin badan lagama hayo warkan.

  10. Itoobiya oo xirxirtay dad mucaaradka taageersan

    Ugu yaraan 56 xubnood oo taageersan xisbiga mucaaradka ah ee National Movement ee ka jira gobolka Amxaarada ayaa la xirxiray, sida uu afhayeenka xisbigaasi u sheegay wariyaha BBC Kalkidan Yibeltal.

    Xiritaankan ayaa daba socda afgambigii dhicisoobay ee la sheegay in uu ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

    Afhayeenka xisbiga Christian Tadele ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in dad laga xirxiray gobolka Oromada.

    Booliiska Itoobiya wali ma xaqiijin xirxiritaankaas.

    Tan iyo markii xisbigan National Movement laga aasaasay gobolka Amxaarada sannadkii hore wuxuu mucaaradad kala kulmay xisbiga Amxaarada ee qaybta ka ah isbahaysiga talada Itoobiya haya.

    Xisbigaas ayaa cambaareeyay rabshadihii ka dhacay gobolka Amxaarada, wuxuuna diiday in uu ku lug lahaa isku daygaas awoodda lagu maroorsanayay.

  11. Xildhibaan Kenyan ah oo habeenkii labaad xabsi ku baryi doona

    Charles Njagua Kanyi oo ka mid ah xildhibaannada dalka Kenya ayaa maxkamad ka soo muuqday ka dib markii la xiray Arbacadii isaga oo loo haysto hadal ay dadka qaar ku tilmaameen ajnabi nacayb.

    Waxaa aad la isula wadaagay muuqaal uu ugu hanjabayo ganacsatada ajaaniibta ah.

    Xildhibaan Kanyi ayaase sheegay in hadalkiisa “si xun loo fasiray.”

    Garsoore ayaa amray in xildhibaanku uu habeenkii labaad ku baryo saldhig booliis, dacwaddiisana la dhagaysto Jimcaha.

  12. Xasaradaha Libya: Dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto 'oo dib ula wareegtay' magaalada muhiimka ah ee Gharyan

    Dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa sheegtay inay dib ula wareegtay magaalada istaraatiijiga ah ee Gharyan ka dib isku dhacyo dhex maray xoogagga kacdoonka wada.

    Gharyan ayaa ahayd marinka ugu weyn ee dagaalamayaasha uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Haftar ay hubka ka soo gelin jireen Tripoli.

    Garabkiisa Ciidammada Qaranka Libya (LNA) ayaanan weli xaqiijin arrintaasi, faahfaahinno dheeraad ah ayaana ka soo baxaya.

    Libya ayaa waxaa la degay qalalaaso iyo kala qaybsanaan tan iyo intii hoggaamiyihii muddada dheer u talinayay dalkaasi Muammar Gaddafi xilka laga tuuray lana dilay sanadkii 2011.

    Tiro dad ah ayaa dhintay tan iyo intii LNA ay horraantii sannadkan bilaabeen ololaha ka dhanka ah dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto, taas oo uu hoggaamiyo Ra'iisulwasaare Fayez al-Serra.

  13. Maxamed Salaax oo aaminsan in fursad labaad la isa siiyo

    Weerar yahanka Masar iyo Liverpool Maxamed Salaax ayaa u muuqda inuu ka hadlayo kiiska cayaar yahanka u dhashay Masar ee Amr Warda, kaas oo Arbacadii sababo dhanka asluubta ah looga saaray Koobka Qaramada Qaaradda Afrika.

    Masuuliyiinta ayaan sheegin sababta Warda loogu diray guriga, balse cayrintiisa ayaa timid ka dib markii baraha bulshada la iskula wadaagay wada sheekeysi dhex maray Warda iyo haween badan, sida ay tebisay BBC Arabic.

    Isagoo aan carrabaabin Warda, Salah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay labo qoraal oo uu ku leeyahay "haweenka waa in la siiyaa xumshad weyn. 'Maya' macnaheedu waa 'maya'", balse wuxuu intaasi raaciyay in dadku ay khaladaad sameeyaan isla markaana ay u qalmaan "fursad labaad".

  14. Masar iyo Nigeria oo u soo baxay wareegga 16

    Masar iyo Nigeria ayaa u soo gudbay wareegga 16 ee Koobka Qaramada Qaaradda Afrika ka dib markii ay guulo gaareen Arbacadii, iyadoo Uganda iyo Zimbabwe ay galeen barbarro 1 yo 1 ah.

    Maxamed Salaax ayaa gool salaxay mid kalana dhaliyay ka dib markii dalkiisa Masar ee martida loo yahay ay is arkeen xulka DR Congo, ciyaartaas oo Qahira ka dhacdayna waxay ku dhammaatay 2 iyo 0.

    Mar sii horraysayna Nigeria ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee iska xaadiriya wareegga 16, ka dib markii uu 1 iyo 0 kaga badiyay Guinea, ciyaartaasina waxay ka dhacday magaalada Alexandria.

    Dhanka kalana Uganda iyo Zimbabwe ayay dhexmartay ciyaar xiiso leh oo barbarro ay isla dhaafi waayeen.

    Ciyaaraha Khamiista dhacaya:

    ·Madagascar iyo Burundi

    ·Senegal iyo Algeria

    ·Kenya iyo Tanzania

  15. Ducaale waa in ay Kenya Difaacdo ganacsatada Islii

    Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa dawladda Kenya ugu baaqay in ay difaacdo ganacsatada xaafadda Islii iyo dhammaan kuwa kale ee Kenyanka ah.

    Ducaale oo ka hadlaya hadalkii muranka badan dhaliyay ee xildhibaan Charles Njagua Kanyi oo lagu tilmaamay mid cunsurinimo ah ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo sida nacaybka ku salaysan ee uu hadalka u dhigay, balse wuxuu sheegay in mawduuca uu ka hadlay uu yahay mid taagan oo loo baahan yahay in hoos loo fiiriyo.

    Xildhibaan Njagua ayaa la xiray ka dib markii uu ku baaqay in ganacsatada Uganda iyo Tanzania ay dalka isaga tagaan muddo 24 saac gudahood ah ama xoog looga saari doono.

    Aadn barre ayaa cambaareeyay hadalkaas, balse wuxuu sheegay in mawduucani uu yahay arrin taagan oo ay tahay “in xildhibaannadu ay si daacad ah uga wada hadlaan”.

    Ducaale oo sii xoojinaya ilaalinta danaha dadka Kenyanka ah ayaa yiri “waa waajib in aan difaacno danaha dadka Kenyanka ah.”

    Wuxuu soo hadal qaaday in dad Kenyan ah oo xirfad sare leh laga hor istaagay in ay shaqo ka helaan Tanzania, wuxuuna intaas ku daray in dadka Kenyanka ah ay dhibaato ka haysato in ay ganacsi ka sameeyaan dalalka ay dariska yihiin.

    Wuxuu sheegay in dadka Kenyanka ah ay dalkooda ku wajahaan tartan aan cadaalad ahayn “maanta dalkan waxaa buux dhaafiyay khudaar Tanzania laga keenay”.

  16. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 27 bisha Juunyo sannadka 2019.

  17. Wiilkii ay booliiska Liberia toogteen isaga oo sabuul gadaya oo geeriyooday

    Booliiska dalka Liberia ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday wiil 17 jir ah oo rasaas ay ku dhufteen mar ay kala eryayeen dad mudaaharaad dhigayay Isniintii,

    Wiilkaas ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasta oo madax ka haleeshay.

    Abraham Tomey ayaa fadhiyay waddada hareerteeda isaga isaga oo iibinayay sabuul duban marka ay rasaasta booliisku haleeshay. Waxaa la sheegay in wiilku uu isku dayay in uu ka baxsado iska hor imaadka booliiska iyo mudaaharaadayaasha balse ay u suuragali wayday.

    Arrintaasi waxay ka dhacday meel qiyaastii labaadan kiiloo mitir koonfur bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Monrovia.

    Moses Carter oo ah afhayeen u hadlay booliiska ayaa BBC-da u sheegay in baaritaan lagu hayo askarigii ku lugta lahaa rasaastaas, “sababtuna ay tahay in uu sharcigu u fasaxayo in ay askartu dadka toogtaan marka ay noloshoodu halis ku jirto oo kali ah”.

    Mar sii horraysay ayuu idaacad maxalli ah u sheegay in Tomey uu ku dhintay isbitaal 10km u jira goobta ay toogashadu ka dhacday.

    Booliiska ayaa kala eryayay dad mudaaharaadayay oo ka soo horjeeday dil looga shakisan yahay in uu ciraad salka ku hayo oo loo gaystay labo carruur ah oo kala jiray 10 iyo 14 sano, arrintaasina waxay ka dhacday deegaanka Kingsville.

    Dilalka ciraadka la xiriira ayaa si joogto ah uga dhaca Liberia. Waxaa la rumaysan yahay in qaybo ka mid ah xubnaha banii’aadamka ay faa’iido u leeyihiin diyaarinta waxyaabo la xirto oo horseeda in qofku helo awood siyaasadeed iyo nasiib.

  18. Lix ruux oo afgambi loo haysto oo ka soo muuqday maxkamad Itoobiya ku taalla

    Lix ruux ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyagoo loo haysto falal argagixisanimo oo la xiriira “iskudaygii xilka looga tuurayay” dawlad goboleedka Amxaarada, sida qareenkoodu uu u sheegay laanta afka Amxaariga ee BBC.

    Waa dadkii u horreeyay ee maxkamad ka soo muuqda tan iyo markii ay rabshaduhu dhaceen Sabtidii, arrintaas oo horseeday geerida taliyihii guud ee milatariga Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo afar masuul oo kale.

    Sarreeye Guuto Asaminew Tsige oo lagu eedeeyay in uu maleegay isku daygii afgambiga ayaa isna la dilay.

    Xaakimka ayaa amray in eedaysaneyaasha maxkamad lagu sii hayo. Wuxuuna booliiska siiyay 28 maalmood si uu ula yimaaddo caddaymo dheeri ah.

    Saddex ka mid ah dadka la xukumay ayaa xubno ka ah koox lagu magacaabo Baladera Council ama guddiga ku meelgaarka ah ee Addis Ababa, kuwaas oo ah koox siyaasadeed oo sheegtay in ay u ol’olayso muwaadiniinta dagan caasimadda.

  19. Booliiska Kenya “oo su’aalo waydiinaya xildhibaan hadal xanaf leh yiri”

    Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Kenya oo aad loo hadal hayay ka dib markii uu yiri hadallo uu ugu hanjabay ganacsatada ajaaniibta ah ayaa loo sii qaaday xarunta ugu wayn ee dambi baarista Kenya, sida ay ku warrameen warbaahinta Kenya.

    Muuqaal laga duubay xildhibaan Charles Njagua Kanyi ayuu ku yiri “Tanzanian-ka iyo Ugandiska ayaa qaatay ganacsiganagii, arrintaasina way na soo kartay”. Intaas ka dibna wuxuu yiri waa la garaaci doonaa haddaysan tagin.

    Dawladda Kenya ayaa iska fogaysay hadalkaas.

  20. Booliiska Masar oo lagu laayay baro kontarool

    Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegay in toddobo askari lagu dilar weerarro abaabulan oo malayshiyaad ay ku qaadeen saddex baro kontorool oo ku yaalla waqooyiga Siinaay.

    Weerarradaas ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Al Cariish oo ah xarunta gobolkaas.

    Warbaahinta ayaa sheegtay in sidoo kale ay dhinteen toddobo ka mid ah malayshiyada, labo ka mid ahna ay xirnaayeen suumanka qarxa.

    Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegtay in ay weerarro is xigxigay oo kuwii u dambeeyay lagu bartilmaameedsaday Siinaay.