Wasiirka
arrimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in Marakanku diyaar u
yahay wadahadallo uu Iiraan la yeesho oo bilaa shuruud ah.
Pompeo
ayaa hadalkaa ka sheegay dalka Switzerland oo uu booqasho rasmi ah ku marayo,
dalkaas oo danaha Maraykanka wakiil uga ahaa Iiraan tan iyo sannadkii 1979.
Hadallada
Pompeo ayaa u dhadhamayay sidii kuwo nabadeed, ka dib toddobaadyo ay cirka isku
sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran.
Balse
baaqa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ma u qalmaa in la dhoho waa mid
aan shuruud lahayn, maadaa oo uu sheegay in Iiraan looga baahan yahay in ay
caddayso in ay u dhaqmayso sidii dal caadi ah, isaga oo intaas ku daray in
Maraykanku uusan joojinayn dadaallada uu wax uga qabanayo wax uu Pompeo ku
tilmaamay tallaabooyinka halista ah ee Iiraan.
Xitaa
haddii ay labada dhinac kulmaan, ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan.
Madaxweyne
Trump ayaa isaga baxay heshiis uu sixiixay Obama oo muddo sannado laga
xaajoonayay, kaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka
ee Iiraan.
Iiraan
ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in heshiiskaas dib wada hadal looga galo.
Switzerland
ayaa sheegtay in ay rajaynayso in ay mar kale dhexdhexaadiye noqoto, balse
wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland ayaan la gaban sida dawladdiisu ay uga
walaacsan tahay saamaynta ay shacabka Iiraan ku yeelan karto cunaqabataynta uu
Maraykanku saaray dawladda.
Pompeo
ayaanse sheegin wax bidhaaminaya in Washington ay rabto in ay dabciso
cunqabataynta Iiraan.