Dhallin yaro reer Qaza ah “oo la dilay iyaga oo bam dhigaya”
Saddex dhallinyaro ah oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqaymo ay Isra’iil ka gaysatay meel u dhaw xadka Marinka Qaza iyo Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiil Falastiiniyiin ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in da’da wiilsha dhintay ay u dhaxayso 13 iyo 14.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dad malayshiyo looga shakisan yahay oo soo qaabilay dhanka xayndaabka xadka “kuwaas oo u muuqday in ay dhigayeen” bam.
Xamaas oo inta badan gacanta ku haysa Qaza ayaa Israa’iil ku eedaysay in ay shacab bartilmaameedsanayso.
Dhacdadan ayaa ka dambaysay dhacdooyin kale oo dhacay Sabtidii iyo Axaddii.
Habeennimadii Jimcaha ayay malayshiyadu Gaza ka rideen 30 gantaal, iyaga oo bartilmaameedsaday Israa’iil.
Milatariga Israa’iil ayaa kaga jawaabay duqaymo dhanka cirka ah oo ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen 80 goobood oo milatari oo marinka ku yaalla.