Bilyooneerka Ruushka u dhashay ee
Roman Abramovich ayaa loo diiday deganaashaha dalka Switzerland ka dib markii
ay booliska federaalka ee dalkaasi uga shakiyeen inuu khatar ku yahay ammaanka
wadankaaso.
Booliska ayaa diidday codsiga
Abramovich maadaama ay uga shakiyeen inuu ku lug leeyahay lacagaha sida sharci
darrada ah lagu kala wareejiyo iyo inuu xiriir la leeyahay ururo burcad ah.
Roman Abramovich waa milkiilaha kooxda
Chelsea, waxaana uu rabay inuu deganaanshiyo ka helo dalkaasi Switzerland.
Balse wargeys dalkaasi ka soo baxa
ayaa booliska ka soo xigtay inuu jiro tuhun ah in ninkaasi uu ku lug leeyahay
falalka sharciga khilaafsan, sidaa awgeedna ay ku diiddeen codsigiisa.
Abramovich waa uu beeniyay inuu wax
khalad ah galay ama uu xiriir la leeyahay kooxo burcad ah.
Ka dib wuxuu isku dayay inuu wargeyska
Tamedia ka horjoogsado daabicidda warkaasi, balse maxkamad ayaa go'aamisay in
warkaasi la faafin karo.
Wargeyska ayaa warbixintiisa ku daray
in booliska ay Abramovich u arkeen inuu khatar ku yahay ammaanka iyo sumcadda
Switzerland.
Dhawaan ayuu muran ka taagnaa dal ku galkiisa Britain , horraantii
sanadkan ayaa Roman Abramovich wuxuu la laabtay codsigiisii ahaa in loo
cusbooneysiiyo dal ku galka Britain, waxaana uu Fiiso la'aantaasi ku seegay
fiinaalkii koobka FA-ga ee ay Chelsea ka qaaday Manchester United.
Ka dib wuxuu codsaday dhalashada
Israa'iil, maadaama uu yahay nin asal ahaan Yuhuud ah, isla markaana aanay dal
ku gal looga baahneyn dadka baasaboorka Israa'iil haysta ee galaya Britain.
Ninkan oo u dhashay Ruushka ayaa ka
mid ah maalqabeennada ugu magaca dheer dalkaasi.