Michael Cohen oo ah
qareenkii hore ee madaxweyne Trump ayaa maxkamad ku taalla Manhattan ka qirtay dambi
iyo in uu meel uga dhacay shuruucdii dhaqaalaha loo adeegsado ol’olaha
doorashada.
Wuxuu sheegay in uu
sidaa sameeyay isaga oo tilmaan ka helay “murashaxa” ujeedaduna ay ahayd “in lagu
saameeyo doorashada”.
Qirashada Cohen ayaa
lala xiriiriyay lacagta ceeb qarinta ah ee la siiyay gabadh Trump ku eedeeysay
in uu xiriir gogol la yeeshay.
Qareenkan oo 51 jir ah
ayaa qirtay siddeed dacwadood oo ay ka mid yihiin canshuur lunsasho iyo dambiyo
xisaabo bangi la xiriira, arrintaas ayaana dhacday isaga oo wada shaqayn la
samaynaya dacwad oogeyaasha, si isagana il naxariis leh loogu fiiriyo.
Trump ayaa iska dhago
tiray su’aalo ay saxafiyiintu waydiinayeen oo ku saabsanaa Cohen ka dib markii
uu habeennimadii Talaadada ka dagay West Virginia oo uu kaga qaybgalayay isu
soo bax la sii qorsheeyay.
Aqalka Cad ee
Maraykanka looga arrimiyo ayaa sidoo kale diiday in uu ka hadlo arrintan.
Qirashadan ayaa timid iyadoo xeerbeegti ku sugan Virginia ay dambi ku heshay madixii hore ee ol’olaha dooradhada Trump, waxyaabaha lagu helayna waxaa ka mid ah xisaabo bangi oo si khalad ah loo adeegsaday iyo wax is dabo marin canshuur.
Maxaa maxkamadda ka dhacay?
Cohen ayaa sheegay in uu talada ka helay “murashax xafiis faderaal u loolamayay” – kaas oo laga soo qaaday in uu yahay Trump laftirkiisa – si uu u jabiyo sharciyada faderaalka ee doorashada.
Miisaanka eedaymaha ka dhanka ah Cohen waxay ciqaabtoodu noqon kartaa qiyaastii 65 sano oo xabsi ah.
Laakiin heshiiska uu galay ee ah in uu gacansiiyo baaritaanka la wado ayaa horseedi kara in lagu xukumo ilaa shan sano iyo saddex bilood oo xabsi ah, sida uu sheegay xaakim William Pauley
Dacwadaha uu Cohen qirtay:
Shan dacwadood oo canshuur la baxsasho ah.
Hal dacwo oo ah inuu been u sheegay hay'ad maaliyadeed.
Hal dacwo oo ah in inuu si kas ah ugu sabay shirkad in ay lacag sharci darro ah bixiso.
Iyo hal dacwo oo ah inuu tabarucaad dheeri ah bixiyay ka dib codsi uga yimid musharrax ama olole doorasho.
Bisha Diseembar 12 ayaa la qorsheeyay in la rido xukunkiisa. Haddana waxaa lagu sii daayay biil ka dib markii uu dhigay 500,000 oo damaanad ah.
Saxafiyiintii ku sugnaa maxkamadda ayaa sheegay in codka Cohen uu isku dardarsamay markii uu ka jawaabayay su’aalo is xigxiga oo uu xaakimku waydiinayay.
Waxaa la waydiiyay in uu isticmaalay khamri ama daroogo markii uu qirashada dambiga samaynayay.
Cohen ayaa xaakimka u shegay in uu hal koob oo khamri ah ku casheeyay habeen ka hor.