You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Maxay ku heshiiyeen dowladaha Eritrea iyo Soomaaliya?

Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.

Tebin toos ah

  1. Rooney oo gooshii u horraysay u dhaliyay DC United

    Wayne Rooney oo horay afka hore uga soo dheeli jiray xulka England ayaa gooshiisii u horraysay u dhaliyay kooxda DC United, wuxuuse ka jabay sanka intii ay socotay ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen Colorado Rapids.

    Ciyaartoygan oo 32 jir ah ayaa gooshii u horraysay ee ciyaarta dhaliyay ka dib markii uu kubbadda ka dusiyay lugaha Tim Howard oo ay horray Manchester United uga soo wada dheeleen.

    Kellyn Acosta ayaa goosha barbaraha dhaliyay ka hor intii aan Rooney laga badbaadinin labo isku day oo uu gool ku dhalin lahaa.

    Niki Jackson oo kooxdiisa gool ka dhaliyay daqiiqaddii 90 ayaa horseeday in DC United ay guushu sidaa ku raacdo, ka hor intii aan Rooney sanka laga jabinin isaga oo kooxdiisa difaacaya.

    Intaas ka dibna Twitterka ayuu ku soo qoray “waan ku faraxsanahay in aan gooshii u horraysay u dhaliyo DC United”.

  2. Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka caalamka iyo kuwa Soomaalida.

    Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 30 Luulyo 2018.