Musharrixiinta u gudbay wareega labaad
Waxaa wareega labaad u gudbay sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka
- Xasan Sheekh maxamuud
- Maxamed Cabdullahi Farmaajo
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
- Cumar Cabdiriashiid Sharmarke
You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii xassan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo?.
Waxaa wareega labaad u gudbay sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka
Waxaa socota tirinta codadkii lagu dhiibtay wareega koobaad. Haddii la waayo murashax hela 2/3 codadka oo ah 219 cod, waxaa loo gudbayaa wareegga labaad, waxaana u gudbaya afarta murashax ee ugu codka badan.
Waxaa la soo gabogabeeyay wareegii koobaad ee codaynta, waxaana billaaban doonta tirinta codadkii la dhiibtay.
21 musharrixiin ayaa soo hartay ka dib markii seddax musharrax ay tanaasuleen.
Halkan ayaad si toos ah uga daawan kartaa wareega koobaad codeynta xildhibaanada oo wali socota
Weriyaha BBC-da Faaarax lamaane oo ku sugan goobta codeynta wuxuu leehay haddii la waayo murashax hela 2/3 codadka oo ah 219 cod, waxaa loo gudbayaa wareegga labaad, waxaana u gudbaya afarta murashax ee ugu codka badan.
Weli codbixinta wareegga 1aad ayaa socota. 328 xildhibaan oo labada gole ka tirsan ayaa hoolka ku sugan oo codaynaya.
Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa noqday qofkii u horeeyay ee codka dhiibtay
Gudoomiyaha gudiga doorashada Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay in ay billaabayaan codaynta
Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in 328 xildhibaan ay joogana hoolka oo uu hal xidhibaan oo xanuusan uu maqan yahay.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo xildhibaanada la hadlay ayaa caddeeyay in uu ka haray doorashada madaxtinimada.
21 Murashax ayaa isugu soo haray loolanka doorashada madaxtinimada ka dib markii ay tanaasuleen saddex ka mid ah murashaxiinta, sida uu sheegay Afhayeenka baarlamaaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa kalmad wacdi ah u jeedinaya xildhibaanada. Wuxuu ugu baaqay inay dalka u dooreen hoggaan fiican. Wuxuu xasuusiyay xildhibaanada dhaartii ay u dhaarteen inay umadda u shaqeyn doonaan, wuxuna ugu baaqay in dhaartii ay magaca eeba ku dhaarteen aysan ku gadanin lacag.
Intii lagu guda jiray ololaha musharixiinta waxaa soo baxayay warar sheegayay in codadka la kala iibsanayay. Halkan ka daawo warbixin uu Faarax lamaane ka diyaariyay doorashadan.
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aan lagu joojiyay socodka gaadiidka ee wadooyinka waawayn, iyadoo ay maanta dhacayso doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya
Hoolka ayaa iminka buuxsamay, kuraasta fadhiga loogu tala galayna way buuxaan, welina dad ayaa soo galaya kuwaasoo inay istaagaan mooyee aan fadhi haysan.
Weriayayaal ka tirsan BBC-da oo uu ku jira Faarax Lamaane ayaa ku sugan hoolka ay ka dhaceysa doorasahada.
321 xildhibaan ayaa ilaa hadda saxiixday liiska is xaadirinta. 8 xildhibaan ayaa ka dhiman tirada guud ee labada gole oo ah 329
Murashaxiinta qaar ayaan weli soo gaarin hoolka, waxaana socota nidaaminta iyo kala hufka goobta shirka. Ugu yaraan ilaa 4 bar koontarool ayaa adadka oo dhan lagu baarayey ayadoo aan la kala soocin. Waxaa dhici karta in qorshaha doorashada la bilaabo marka kooramku buuxsamo.
Weli waxaa socota imaatinka ka qayb galayaasha doorashada, kuwaasoo isugu jira xidhibaannada, saxafiyiinta iyo korjoogtada caalamiga ah.
��.