Iran oo sheegtay in ay xaq u leedahay in ay is difaacdo

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha caasimadda Tehran.

Tebin toos ah

  1. Iran oo sheegtay in ay 'falcelin' ku aadan weerarka Israa'iil jiri doonto

    .

    Ka dib weerarkii Israa'iil ay ku qaaday Iran, Tehran ayaa waxay sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto weerarka.

    Tehran ayaa sheegtay in weerarkii Israa'iil si guul leh looga hortagay balse ay jiraan "burbur xaddidan" oo soo gaaray meelaha qaar.

    Balse wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, ayaa sheegtay inay jiri doonto "falcelin la ekaaneysa weerarka" oo jawaab u noqon doonta Israa'iil.

    Washington ayaa sheegtay in horay loo sii ogaa howlgalka Israa'iil balse aysan ku lug lahayn iyagu.

    Waxa ay sidoo kale dib u xaqiijiyeen in haddii ay Iran jawaabeyso ay si buuxda ugu diyaargaraysan yihiin difaaca Israel mar kale.

  2. Xisbullah oo weeraro ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Israa'iil

    Xisbullah ayaa sheegtay inay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada cirka Israa'iil ee koonfurta Tel Aviv, ayna bartilmaameedsadeen "xarunta sirdoonka" ee waqooyiga Israa'iil.

    Warar hor leh oo ay soo saartay kooxdu ayaa waxay sheegtay in ay saaka aroortii "in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn" weerar ay u adeegsatay ay ku qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Tel Nof ayna "ku guulaysteen" bartilmaameedyadoodii.

    Kooxda ayaa sheegtay in ay sidoo kale weerar gantaallo ah ku qaadeen degaanka Kiryot ee waqooyiga Haifa iyo tuulada xudduudda ku taalla ee Aita al-Shaab.

    Waxay kaloo sheegeen in weeraro lagu qaaday saldhigga Mishaar, oo ay Xisbullah ku tilmaantay "xarunta ugu weyn ee sirdoonka gobolka waqooyiga ee Safed", iyo deegaanka al-Mushayrifa ee ku yaalla Ras al-Naqoura.

    Warkaan ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Israa’iil ay sheegeen in ay ka hortageen tiro gantaallo ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo saaka lagu bartilmaameedsay deegaannada Galbeedka iyo sidoo kale aagga Galiil.

  3. Iran oo sheegtay in iyana ay xaq u leedahay difaaca nafteeda

    Iran ayaa sheegtay in ay "xaq u leedahay oo ay waajib ku tahay in ay is difaacdo" ka dib markii Israa'iil ay qaaday weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah dalkaas xilli habeen ah.

    Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayay ku cambaareysay weerarka Israa’iil oo ay ku tilmaantay “xadgudub cad” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

    "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay isu aragtaa inay xaq u leedahay oo ay waajib ku tahay inay iska difaacdo falalka gardarrada ah ee shisheeye," ayay tiri, iyadoo soo xiganaysa qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

  4. Xamaas oo si adag u cambaareysay weerarka Israa'iil ee Iran

    Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee ay Iran taageerto ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ku qaadday goobo ciidan oo ku yaalla dalka Iiraan.

    Dhaqdhaqaaqa ayaa bayaan uu soo saaray sabtidii ku sheegay in duqeymahaasi ay ahaayeen "xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax banaanida Iran" iyo "kordhinta xiisadda ammaanka gobolka."

    Waxay intaas ku dartay in Iran ay "ku guulaysatay inay baabi'iso" saamaynta weerarrada Israa'iil, iyadoo ku nuux-nuuxsatay "in ay uga mahadcelinayaan" taageerada Iran ay siiso dadka Falastiiniyiinta iyo qadiyaddooda.

  5. Ingiriiska: Iran waa in aysan ka jawaabin duqaymaha Israa'iil

    .

    Iran waa inaysan ka jawaabin duqeymaha Israel, sidaas waxaa yiri Keir Starmer, ra'iisul wasaaraha Ingiriiska.

    Ra’iisul Wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Samoa ayaa yiri: “Waxaan cadeynayaa in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo gardarrada Iiraan, waxaana si si la mid ah u cadeynayaa in aan u baahannahay in aan ka fogaano colaad kale oo gobolka ka dhacda, waxaana ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan.

    "Iran ma aha in ay ka jawaabto, waan sii wadi doonaa in aan la shaqayno xulafada si loo dejiyo xaaladda gobolka oo dhan."