You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iran oo sheegtay in ciidamadeedu ay ‘sugayaan’ ciidamada dhulka ee Maraykanka, iyada oo ciidamo badan oo Maraykan ah ay soo gaareen gobolka

Kumannaan ciidamada Mareykanka ayaa haatan ku sugan Bariga Dhexe, balse sarkaalka sare ee Mareykanka Rubio ayaa hore u sheegay in danaha Mareykanka lagu guuleysan karo iyadoo aan ciidan dhulka ah la dirin.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xoghayaha guud ee Caf oo is casilay

    Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa iscasilay xilli ay fowdo ka jirto kubadda cagta qaaradda. Veron Mosengo-Omba ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu hawlgab ka noqday shaqada, balse bixitaankiisu wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay taagan tahay saameynta ka dhalatay go'aannadii Senegal looga xayuubiyay martigelinta Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee 2025 iyo dib-u-dhigistii daqiiqadihii ugu dambeeyay ee tartanka haweenka.

    Dhacdooyinkan ayaa ka dhigay CAF, oo ah guddiga maamula kubadda cagta Afrika, mid la tacaalaya qalalaase dhanka kalsoonida ah. Mosengo-Omba ayaa bayaankiisii maanta ku xusay murannadii soo wajahay muddadii uu xafiiska joogay.

    "Maaddaama aan hadda awooday inaan meesha ka saaro shakigii ay dadka qaar dadaalka badan u galeen inay igu riixaan, waxaan hawlgab ku noqon karaa degganaan iyo cadaadis la'aan, anigoo ka tegaya CAF oo ka barwaaqaysan sidii hore," ayuu qoray Mosengo-Omba oo ahaa ku-xigeenka madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe.

    Ninkan oo 66 jir ah ayaa lagu dhaleeceeyay inuu xilka xoghayaha guud sii hayay isagoo dhaafay da'da hawlgabka ee rasmiga ah ee ururka oo ah 63 sano. Sidoo kale, qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa ku eedeeyay inuu abuuray jawi shaqo oo sun ah, inkastoo baaritaan lagu sameeyay cabashooyinka shaqaalaha lagu waayay wax dambi ah.

    Mosengo-Omba, oo u dhashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo balse haysta dhalashada dalka Switzerland, ayaa xilka xoghayaha guud loo magacaabay bishii Maarso ee sanadkii 2021.

    Sidoo kale akhri:

  2. Muhaajiriin lix maalmood kadib meydkooda laga soo saaray xeebta Giriigga

    Labo iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Giriigga kadib markii ay lix maalmood ku jireen dooni ay saarnaayeen oo ku sii jeedday qaaradda Yurub, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Giriigga.

    Lix iyo labaatan qof oo badbaaday, oo ay ku jiraan haweeney iyo ilmo, ayaa waxaa badbaadiyay markab ay leedahay wakaaladda xudduudaha Yurub Jimcihii. Laba ka mid ah ayaa loo qaaday isbitaalka Heraklion ee jasiiradda Crete.

    Doonta muhaajiriinta ah ayaa ka tagtay dekedda Tobruk ee bariga Liibiya 21-kii Maarso, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas sheegtay, iyadoo soo xiganeysa afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha. Cimilo xumo iyo cunto iyo biyo la'aan ayaa ka qayb qaatay dhimashada, ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha.

    Giriigga, iyo Talyaaniga, ayaa qaabila tiro badan oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysnayn iyagoo sii mara badda Mediterranean-ka, inta badan waxay ka yimaadaan Turkiga u dhow iyo waqooyiga Afrika.

    Qaar badan oo ka mid ah safarradan waxay dhacaan xagaaga, marka ay yar tahay in cimiladu xumaato.

  3. "Waan idiin sugeynaa" Iiraan oo ka hadashay ciidamada Mareykanka ee kusoo wajahan Bariga Dhexe

    Wargeysyada Iran oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee IRNA ayaa daabacday farriin ka timid afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf, maanta oo ku beegan 30 maalmood tan iyo markii uu dagaalka billowday.

    Dhambaalka, Ghalibaf wuxuu ku leeyahay "cadowgu wuxuu ka sheegaa gorgortanka meel fagaare ah, halka si qarsoodi ah uu u maleegayo weerar dhulka ah".

    Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku, "oo soo saaray liis ka kooban 15 qodob, uu dejinayo rabitaankiisa oo uu ku daba jiro wixii uu ku guul daraystay dagaalka".

    Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Iran ay "sugayaan askarta Mareykanka inay soo galaan dhulka si ay rasaas roob uga dhigaan".

    Mar uu ka hadlayay is dhiibitaanka Iran, Ghalibaf wuxuu afka carabiga ku sheegay in farriinta Iran ay tahay mid cad oo aysan aqbali doonin "bahdilaad".

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sheegay inay la wareegeen Deynuunaay

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in dagaal uu deegaanka Deynuunaay ee gobolka Bay ku dhex maray al-Shabaab, "kadib markii ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ku beegsadaan ciidanka xoogga dalka" sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 21 ka tirsan al-Shabaab lagu dilay dagaalka halka toban kalena lagu dhaawacay.

    "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Deynuunaay oo ah marin muhiim ah oo isku xira Baydhabo iyo Muqdisho." Ayuu intaa raaciyay war-saxaafadeedka.

  5. Saddex qodob oo lagu dalbanayo dibad-baxyada ka dhana Trump ee ka socda Maraykanka

    Dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah maamulka Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla United States, kuwaas oo calaamad u ah wareeggii saddexaad ee isu-soo-baxyada loo yaqaan "Maya Boqor," kuwaas oo horey u soo jiitay malaayiin qof.

    Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan siyaasadaha uu dejiyay Trump, oo ay ka mid yihiin dagaalka Iran, fulinta adag ee sharciga socdaalka federaalka, iyo kororka qiimaha nolosha.

    "Trump wuxuu doonayaa inuu nagu xukumo sidii kali-taliye. Laakiin tani waa Ameerika, awoodduna waxay ka timaadaa shacabka, ma aha boqorro doonaya ama maalqabeenno la safan," ayay yiraahdeen qabanqaabiyeyaashu.

    Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad wuxuu dibad-baxyadaas ku sheegay 'fadhiyo ay isaga daweynayaan dadka uu Trump dhibka ku hayo', wuxuuna xusay inaysan jirin cid kale oo dan ka leh marka laga reebo 'weriyayaasha lacagtaku qaata inay soo tabiyaan'.

    Maalintii Sabtida, mudaaharaadyo ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan ku dhawaad magaalo kasta oo weyn oo ku taalla dalka Maraykanka, oo ay ku jiraan New York, Washington DC, iyo Los Angeles.

  6. Kumannaan kale oo ciidamada Maraykanka oo gaaray gobolka

    Sida aan xalay sheegnay, wargayska Washington Post ayaa weriyey in waaxda Pentagon-ku ay u diyaar garoobayso hawlgalno dhulka ah oo toddobaadyo qaadanaya oo laga fuliyo dalka Iiraan. Wuxuu wargaysku sheegay inaan wali la kala cadayn in Trump uu ansixin doono hawlgalladaas iyo in kale.

    Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Mareykanka (US Central Command) ayaa sheegay maalintii Sabtida in markabka dagaalka ee USS Tripoli uu soo gaaray gobolka.

    Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada, ayay ku sheegeen in markabkani uu hormuud u yahay unug ka kooban qiyaastii 3,500 oo badmaaxiin iyo ciidanka badda ee la yiraahdo (Marines), kuwaas oo ay weheliyaan diyaaradaha xamuulka qaada iyo kuwa dagaalka.

    Si aad wax badan u akhrido:

  7. Ciidamada Isreal oo war ka soo saaray duqaymihii ugu dembeeyey ee ay ka fuliyeen Iiraan iyo meelaha ay beegsadeen

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegtay inay dhameystireen duqeyn kale oo ka dhan ah Tehran, iyadoo la beegsanayo xarumaha ku meel gaarka ah ee amar-bixinta iyo goobaha wax-soo-saarka hubka.

    Sida ay IDF sheegtay, in xukuumadda Iiraan ay qaar ka mid ah xarumaha amar-bixinta u guurisay unugyo guurguura ka dib markii goobihii hore la weeraray. Qaar badan oo ka mid ah unugyadan ayaa hadda la burburiyey, sida ay sheegtay.

    Waxay sidoo kale sheegtay in taliyeyaasha ka howlgalayay xarumaha dhexe la bartilmaameedsaday.

    Si aad wax badan u akhrido:

  8. Khatar hor leh oo dunida soo food saaray ka dib tallaabada kooxdan ay qaadeen

    Xuutiyiintu waxay joojiyeen weerarradooda afartii toddobaad ee ugu horreysay ee dagaalka, inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin oo ay taageero ka helaan Iiraan.

    Hadda, dhaqdhaqaaqa weli gacanta ku haya caasimadda Yemen ee Sanca, waqooyiga iyo meelo kale oo dalka ka mid ah, ayaa qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, iyagoo gantaallo ku ganey dhanka Israa'iil.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay beegsanayeen "goobo milatari oo Israa'iil leedahay oo xasaasi ah".

    Waa run in khatarta ay Xuutiyiintu u keenaan Israa'iil iyagoo adeegsanaya gantaallo ay aad uga yar tahay tan Iiraan.

    Kooxdu waxay marar badan gantaallo u dirtay Israa'iil si ay u taageeraan Xamaas kadib markii dagaal ka qarxay Qasa, kaasoo ka dambeeyay weerarradii ay hoggaaminaysay Xamaas ee Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023.

    Si aad wax badan u akhrido:

  9. Isreal oo xaqiijisay in askari kaga dhintay koonfurta Lubnaan

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyay in askari uu ku dhintay koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku bilaabeen duullaan dhanka dhulka ah muddo ku dhow laba toddobaad ka hor.

    Saddex askari oo kale oo ka tirsan IDF ayaa ku dhaawacmay dhacdadaas, taas oo uu ku dhintay Sergeant Moshe Yitzchak HaKohen Katz, waxaana la geeyay isbitaal, sida ay sheegtay IDF qoraal ay ku bahaisay barta X.

    Katz wuxuu asal ahaan ka soo jeeday magaalada New Haven ee gobolka Connecticut ee dalka Mareykanka, sida ay sheegtay IDF.

    In ka badan 1,100 qof rayid ah, oo ay ku jiraan 120 carruur ah iyo 42 shaqaale caafimaad, ayaa ku dhintay Lubnaan intii uu dagaalku socday ilaa hadda, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

  10. Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

    Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.

    Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.

    Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.

    Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.

  11. Imaaraadka oo hadda qoraal soo saaray ka dib wararkii hore ee Isreal iyo Kuwayt

    Waxyar ka dib markii Israa’iil iyo Kuwayt ay soo sheegeen weerarro ka yimid dhanka Iran, Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa hadda sheegaya inay iyaguna hawlgeliyeen nidaamyadooda difaaca gantaallada.

    "Dhawaqyada laga maqlay meelo kala duwan oo dalka ah waa natiijada nidaamyada difaaca hawada ee Imaaraadka oo dhexda u galay gantaallada balastikada , gantaallada cruise-ka ah , iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn," ayaa lagu yiri qoraal ay barta X, ee horrey loo oran jiray Twiter soo dhigtay wasaaradda difaaca ee Imaaraadka.

  12. Pakistan oo bogaadisay ogolaansho ay ka heshay Iran, muxuuse yahay?

    Pakistan ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay Iiraan si loo oggolaado in labaatan markab oo kale oo hoos yimaada calanka Pakistan ay maraan Marin-biyoodka Hormuz.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, ayaa sheegay in laba markab ay maalin kasta ka gudbi doonaan marin-biyoodka.

    Wuxuu ku tilmaamay arrintan inay tahay tallaabo soo dhaweyn mudan. Hanjabaadaha Iiraan ee ku aaddan weerarada markabkkiibta ku sugan marin-biyoodka ayaa joojiyay ku dhawaad dhammaan gaadiidka. Maraakiib yar ayaa si nabad ah u gudbay, oo ay ku jiraan qaar sidatay calamada Pakistan iyo India, kadib markii Iiraan ay bixisay ballanqaadyo ku saabsan badqabka maraakiibta.

  13. Cunto laga helo guryaha Soomaalida oo ay isticmaali jireen boqorrada oo kaliya

    Waa nooc mulawax ah oo aad u jilicsan oo laga jecel yahay Koonfurta Aasiya, isla markaana si weyn loogu cuno digaag lagu kariyey subag. Cunytada noocan ah waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu caansan gobolkaas.

    Keliya digaag laguma cuno ee malawaxaas waxaa lala cunaa cuntooyin kale oo badan, wuxuuna ka mid yahay waxyaabaha lama huraanka u ah ee aan sinaba uga maqnaan karin miiska cuntada ee gobolka. Waxa lagu daraa alaabo kale oo dhadhan kala duwan u sameeya.

    Malaha sababtaas awgeed ayuu malawaxani caan uga noqday dunida oo dhan. Dhawaan ayaa nooc ka mid ah rootigan oo toon lagu daraywaxay caan ka noqotay kuwa ugu wanaagsan dunida. Marka la diyaarinayo waxa lagu daraa subag sixin ah oo lagu mariyo malawax diirran, kadibna lagu dul rusheeyo toon la jarjaray.

    Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa inay dad badan u noqoto arrin cusub in malawaxa oo meel kasta laga helo uu dadka qaarkiis u yahay cunnada ugu wanaasgan.

    Waxa la sheegayaa in cuntadani ay ka mid ahaan jirtay kuwa ugu qaalisan ee la siin jiray boqorradii muslimiinta. Haddaba, sidee ayuu malwaxani uga soo baxay jikadii boqortooyada una soo gaadhay miisaska caadiga ah ee dadweynaha caalamku ku cunteeyaan?

  14. War cusub oo ka soo kordhay Isreal iyo Kuweyt

    Isra’iil waxay sheegtay inay hawlgelisay difaacyadeeda cirka ka dib markii la ogaaday gantaallo looga soo ganay Iiraan, waxayna sheegtay inay digniino u dirtay dadka ku sugan meelaha ay waxyeelladu ka soo gaari karto.

    "Markii ay digniintu ku soo gaaro, dadweynaha waxaa la farayaa inay galaan goobaha gabbaadyada ah oo ay halkaas joogaan ilaa amar dambe," ayay ciidanka difaaca Israa’iil (IDF) ku sheegeen baraha bulshada.

    Dhanka kale, ciidanka dalka Kuwayt ayaa sheegay inay "is hortaagayaan weeraro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo cadawgu soo qaaday," sida lagu qoray barta X ee ciidanka Kuwayt.

    "Dhawaaq kasta oo qarax ah oo la maqlo waa natiijada nidaamyada difaaca hawada oo dhexda ka qabanaya weerarada cadawga," ayay tiri Kuwayt, iyadoo muwaadiniinta ku boorisay inay raacaan tilmaamaha badbaadada ee mas'uuliyiinta.

  15. Dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee ku dhuuntay Soomaaliya

    Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.

    Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.

  16. Maraykanka oo isku diyaarinaya howlgallo toddobadyo ah oo dhanka dhulka, sida uu weriyay wargeyska Washington Post

    Wargeyska Washington Post ayaa werinaya in Pentagon-ku uu isu diyaarinayo toddobaadyo hawlgallo dhulka ah oo laga fuliyo gudaha Iiraan.

    Inkastoo aan weli la hubin in madaxweyne Donald Trump uu oggolaan doono qorshayaasha lagu dirayo ciidamo dhulka ah, iyadoo lagu saleynayo xog laga helay saraakiil Maraykan ah.

    Warbixintu waxay sheegaysaa in qorshayaasha hadda socda ay muujinayaan in hawlgalladaas dhulka aysan noqon doonin duullaan ballaaran oo dhan walba ah, balse ay u badnaan doonaan weerarro gaadmo ah oo ay fulinayaan ciidammada sida gaarka ah u tababaran iyo ciidammada lugta ee caadiga ah.

    Waxaa la aaminsan yahay in Mareykanku ay haysto in ka badan 4,000 oo askarta badda ah oo saaran maraakiib ku sii jeeda Gacanka, halka ciidammada dalladaha ku soo dega ee guutada 82-aad ee Airborne ay heegan ku jiraan, iyadoo sidoo kale laga wada hadlayo gurmad dheeri ah oo la diyaarshon.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Aqalka Cad iyo Pentagon-ka si ay faallo uga bixiyaan arrintan

  17. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

  18. Lix sababood oo uu Trump sheegay inuu Iiraan u weeraray

    Waxyar ka dib markii Maraykanka iyo Israa'iil oo wadajir ah ay ka bilaabeen howlgal milatari oo weyn gudaha Iiraan, ayuu Madaxweynaha Donald Trump la hadlay bulshada, isagoo muuqaal uusoo galiyay bartiisa gaarka ah, uu ku sharraxay sababaha weerarkan keenay.

    Khudbad uu ku faahfaahiyay khataro iyo hanjabaado badan oo uu sheegay inay Iiraan ka yimaadeen, ayuu Trump wuxuu ku soo bandhigay dhowr arrimood oo muhiim ah. Inkastoo uu tilmaamay qoddobo badan, haddan lix sababood oo waaweyn ayaa ka dhex muuqday hadalkiisa.

  19. Waxa ay tahay inaa ka ogaato wararkii ugu dembeeyey ee dagaalka Bariga Dhexe

    ·Ciidamada Israel ayaa dilay saddex wariye oo Lebanon ka soo jeeda weerar si gaar ah loogu bartilmaameedsaday gaarigooda koonfurta Lebanon. Ali Shoeib, oo wariye u ahaa Al Manar TV, ayaa la dilay, sidoo kale wariyeyaasha Fatima Fetoni iyo Mohamed Fetoni oo ku sugnaa magaalada Jezzine.

    ·Duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka fulisay Lubnaan ayaa dilay in ka badan 1,100 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan 120 carruur ah. Sidoo kale, agaasimaha guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in sagaal kalkaaliye caafimaad lagu dilay koonfurta Lubnaan maalintii Sabtida, taas oo tirada shaqaalaha caafimaadka ee bishan lagu dilay Lubnaan ka dhigeysa 51 qof.

    ·Fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay inay fuliyeen weerrarkii labaad oo ay maanta ku qaadeen qaybo ka mid ah koonfurta Israa’iil. Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay inay adeegsadeen "gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn " kuwaas oo lala beegsaday goobo muhiim ah oo ciidanka Israa’iil leeyihiin.Dhanka kale, dawladda Yemen ee beesha caalamku aqoonsan tahay ayaa cambaareysay isku dayada joogtada ah ee Iiraan ay "Yemen iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ugu jiidayo colaadda" iyadoo adeegsanaysa maleeshiyaadkeeda argagixisada ah.

    ·Ururka la socodka internetka ee NetBlocks ayaa sheegay in Iiraan ay ku jirto "mugdi dhijitaal ah" muddo bil ah sababo la xiriira dagaalka Bariga Dhexe. Maamulka Iiraan ayaa jaray internetka muddo afar toddobaad oo xiriir ah, taas oo xadgudub ku ah xuquuqda wada xiriirka ee muwaadiniinta Iiraan.

    ·Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay ku guda jiraan ka hortagga gantaallada Iiraan looga soo riday dhanka dhulka Israa’iil, iyadoo adeegyada gurmadka degdegga ah ay kormeerayaan goob gantaal uu ku dhacay bartamaha Israa’iil.

    • Sacuudi Carabiya: Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay soo rideen saddex diyaaradood oo drones ah iyo gantaal ballistic ah oo ku socday magaalada Riyadh.
    • Imaaraadka Carabta: Shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen magaalada Abu Dhabi ka dib markii la soo riday gantaal ballistic ah.
    • Kuwayt: Garoonka caalamiga ah ee Kuwayt ayaa soo gaaray "gaari weyn" oo dhanka raadaarka ah ka dib markii lagu weeraray 15 drones ah. Ma jiraan wax khasaare nafo ah oo la soo sheegay.
    • Qadar: Wasaaradda Gaashaandhigga Qadar ayaa sheegtay in dalku uu la kulmay weerrar dhowr drones ah oo laga soo riday Iiraan, kuwaas oo dhammaantood la soo riday.
  20. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan oo soo saaray digniin adag

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan jaamacadaha Israa’iil iyo Maraykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe, ka dib weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolajiyada ee Tehraan.

    IRGC waxay sheegtay in dhammaan jaamacadaha gobolka loo aqoonsan yahay bartilmaameedyo sharci ah "ilaa laba ka mid ah jaamacadahooda laga garaaco, si looga aarguto jaamacadihii Iiraan ee la weeraray".

    “Waxaan kula talineynaa dhammaan shaqaalaha, macalimiinta, iyo ardayda jaamacadaha Maraykanka ee gobolka, iyo sidoo kale dadka degan agagaarkooda, inay u jiraan masaafo dhan 1km jaamacadahaas si loo xaqiijiyo badqabkooda.”

    Bayaanka ayaa intaas ku daray inay tahay in Maraykanku cambaareeyo duqaynta jaamacadaha Iiraan si looga baaqsado aargudasho lagu qaado hay’adaha Maraykanka ee gobolka, iyadoo loo qabtay waqti kama dambays ah oo ku beegan 12:00 duhurnimo ee xilliga gudaha, maalinta Talaadada oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso.