You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump ''Soomaaliya xitaa waddan ma aha. Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida

Trump oo mar kale weerarka afka ku qaaday Soomaaliya

Kooban

Tebin toos ah

  1. Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maantad

    Waxa uu ahaa fariid noloshiisa oo dhan u taagnaa difaaca iyo danaha Soomaalida. Isaga oo sagaal iyo toban jir ah ayuu Talyaanigu ka qafaalay Masar, waxa uu sabab u ahaa isfahamkii Jabuuti ku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam. Waxa uu diiday malaayiin doolar oo laaluun ah si uu u saxiixo heshiis caalami ah oo qaban lahaa qofwalba Soomaali ah maanta.

    Allaah ha u naxariisto Barafasoor Maxamuud Macallin Cali Tuuryare oo ku dhintay magaalada Xamar 13 bishan July wuxuu ahaa qof magac weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda. Barafasoor Tuuryare oo ku dhashay tuulada Ceelbaraf ee degmada Mahadaay sanadkii 1941dii waxa uu dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed usoo qabtay shaqooyin kala duwan oo qiimo badan. Nin dhinaca aqoonta iyo waxbarashada iyo waayo-aragnimada ku tilmaaman buu ahaa, waayo wuxuu ahaa nin fahmo badan oo aad u jecel waxbarashada. Waxaana sidaas ku barbaariyey aabbihiis oo ahaa macallin quraan.

    isagoo yar ayaa la keenay Xamar halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta kala duwan ee diinta islaamka iyo afka carabiga markii uu noqday xerow cilmi barashada u go’ay. Markii uu meel fiican ka gaadhey taas oo uu weliba ku darsaday xoogaa waxbarasho casri ah ayuu 1954-kii deeq waxbarasho ka helay boqortooyadii Yemen ee Sanca fadhigeedu ahaa. Afka carabiga iyo shareecada islaamka ayuu ka bartay jaamicad Sanca ku taalley. Kabibna wuxuu deeq waxbarasho oo kale ka helay midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan jaamicadda Lumumba oo uu ka qaatay darajada masterka 1965-kii, qaybta qaanuunka.

  2. Meydka haweeney Canadian ah oo la helay iyadoo ay hareereeyeen xayawaano

    Gabar 19 jir ah oo u dhalatay dalka Canada ayaa meydkeeda laga helay xeeb caan ah oo ku taal dalka Australia, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka.

    Meydka gabadhan oo dalxiiseysay, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa laga helay xeebta K'Gari, oo ah jasiirad ka baxsan xeebta bari ee Australia, sida ay sheegeen booliiska Queensland.

    Laba nin oo gaari ku wada xeebta ayaa arkay meydka haweeneyda, sida uu u sheegay kormeeraha booliiska Paul Algie warbaahinta maxalliga ah.

    Booliisku waxay baarayaan dhacdada, laakiin weli ma xaqiijin karaan inay u dhimatay biyaha oo lu qaraqmay ama inay xayawaanku weerareen, ayuu yiri.

    Si kastaba ha ahaatee, Algie wuxuu sheegay in ay jiraan calaamado ku yaal jirkeeda.

    Meydkeeda waxaa hareeyay duurjoog gaar ahaan eeyo duurjoog ah

  3. Waa kuma Janaraalka ay xireen ciidanka Itoobiya?

    Ciidamada ammaanka ee Tigrayga ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee 'Ciidanka milateriga qaybta 15aad, sida ay ku warrantay ilo-wareedyo BBCda ka tirsan.

    "Ma jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray," ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga oo BBC-da la hadlay.

    Sarreeye Guuto Gabre ayaa caan ku ah in uu ka horyimaado taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda.

    Gabre oo ka soo horjeeday Taliyeyaasha loo yaqaano "kuwa ciidanka ka sarreeya" ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.

    Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee gobolka ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay habeenimadii Sabtida in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnaha "ku xad-gudbay anshaxa iyo sharciga."

  4. Xiisada gobolka iyo is-xulufaysiga: Qatar iyo Soomaaliya oo kala sixiiixday heshiish difaac

    Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka militari iyo ballaarinta wada-shaqlaynta amni ee u dhexeysa labada dal.

    Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Difaaca Qatar, Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al-Thaani, iyadoo ay ku kulmeen dhinacyadu shirka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Doha, oo loo yaqaan DIMDEX, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

    Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga difaaca, lana horumariyo hannaanada isku-xirka amniga, uuna taageero dadaallada labada dhinac ah ee lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida heerka gobol iyo midda caalami ah, ayay wakaaladdu tiri.

    SONNA ayaa intaas ku dartay in heshiiskani uu ka tarjumayo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Qatar, isla markaana uu muujinayo danaha ay wadaagaan ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga la Xidhiidha

  5. Itoobiya maxay ka yeeli doontaa warqadda uu Trump u diray Masar?

    Madaxweynaha dowladda Maraykanka Trump ayaa markale ku celiyey inuu doonayo in ay Itoobiya iyo Masar ka heshiiyaan khilaafka ka taagan biyo-xireenka Webiga Niil.

    Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu warqad u qoray dhigiiisa Masar Madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi.

    Warqaddaasi si toos ah looguma caddeyn Itoobiya, balse tarjumaaddeedu waxay xustay Madaxweynaha Itoobiya Taye Atsiq-Sillase.

    Masar iyo Suudaan ayaa muujiyay mowqifkooda ku aaddan aragtida Trump, inkasta oo dhanka Itoobiya aysan weli kasoo bixin wax war ah oo warqaddaas ku aadan.

    Waxaa sidoo kale weli ka hadlin arrintaan ka hadlin Madaxweynaha Itoobiya hadda, horana usoo noqday ergeygii hore ee Itoobiya u soo joogay Qaramada Midoobay, iyo safiirkii toobiya u fadhiyey.

  6. Maxaa sabab u ah natiijo la'aanta kulanka madaxweynaha Suuriya iyo Hoggaanka SDF

    Warar ayaa sheegaya in kulan dhex maray Madaxweynaha ku-meelgaarka ah ee Suuriya, Axmed Sharaa, iyo taliyaha Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF), Mazlum Cabdi, uu ku dhammaaday natiijo taban.

    Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka AFP, oo soo xiganaysa ilo Kurdiyiinta ah, kulankaasi wax natiijo togan ah ma uusan dhalin.

    Sida ay qortay Rudaw, oo ah degel warbaahineed caan ku ah xiriirka dhow ee uu la leeyahay Maamulka Ismaamulka Kurdistaan ee Ciraaq, Foza Alyusuf, oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga Midnimada Dimuqraadiga (PYD) kaas oo maamula maamulka iskiis u madax-bannaan ee waqooyi-bari Suuriya ayaa sheegtay in wada-hadalladii ku saabsanaa “xabbad-joojinta” iyo “is-dhexgalka” ee u dhexeeyay Mazlum Cabdi iyo Axmed Sharaa ay “ku dhammaadeen si taban.”

    Warbixin lagu daabacay mareegta Rudaw, Foza Alyusuf ayaa ka hadashay kulanka ka dhacay Dimishiq, iyadoo tidhi: “Saaxiibbadeenna weli waa ay soo socdaan. Si kastaba ha ahaatee, kulanku wuxuu ku dhammaaday si taban. Sababtoo ah Dimishiq waxay leedahay, ‘Waa inaad wax walba soo dhiibtaan, xaaladduna waxay ku noqon doontaa sidii ay ahayd ka hor 2011.’ Ma doonayaan inay si kasta u aqoonsadaan jiritaankeenna.”

    Alyusuf ayaa sheegtay in lagu khasbayo “is-dhiibid buuxda” ayna marnaba aqbali doonin, iyadoo intaas ku dartay in ay xaaladda si wadajir ah ula qiimeyn doonaan Mazlum Cabdi, oo ka baxay Dimishiq.

    Wakaaladda wararka AFP ayaa sidoo kale werisay in duqeyn culus oo ay fuliyeen ciidammada Suuriya laga arkayay agagaarka magaalada Raqqa.

  7. Trump oo si adag u goodiyay

    Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu “boqolkiiba boqol” fulin doono hanjabaaddiisa ah inuu canshuuro ku soo rogi doono dalalka Yurub ee ka horyimaada dalabkiisa ku aaddan inuu la wareego gacan-ku-haynta Greenland.

    Xulafada Yurub ayaa si buuxda ugu midoobay difaaca madax-bannaanida Greenland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Denmark ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha Maraykanku uusan hanjabaad ku gaari karin lahaanshaha dhulka Denmark hoos yimaada ee iskiis u maamula.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa mar kale xaqiijisay mowqifka Boqortooyada Ingiriiska iyadoo sheegtay in mustaqbalka Greenland ay go’aamin karaan “dadka Greenland iyo dadka Denmark oo keliya.”

    Isniintii, Trump ma uusan meesha ka saarin isticmaalka awood militari, wuxuuna ku adkaystay inuu sii wadi doono canshuuraha uu ku hanjabay ee lagu soo rogi doono badeecadaha soo gala Maraykanka ee ka imanaya UK iyo toddobo dal oo kale oo xulafada NATO ka tirsan.

    Mar ay NBC News wax ka weydiisay in uu adeegsan doono awood militari si uu u qabsado Greenland, Trump ayaa ku jawaabay: “Faallo kama bixinayo.”

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu Boqortooyada Ingiriiska ku soo rogi doono canshuur dhan 10% oo lagu qaadi doono dhammaan badeecadaha loo soo diro Maraykanka laga bilaabo 1-da Febraayo, taas oo u kici doonta 25% laga bilaabo 1-da Juun, ilaa heshiis laga gaadho in Washington ay Greenland ka iibsato Denmark.

    Trump ayaa sheegay in isla tallaabadaas lagu dabaqi doono Denmark, Norway, Sweden, Faransiis, Jarmal, Netherlands iyo Finland dhammaantoodna waa xubno ka tirsan isbahaysiga difaaca ee NATO oo la aasaasay sanadkii 1949.

    Markii la weydiiyay in uu dhab ahaan fulin doono hanjabaadda canshuuraha, Trump ayaa u sheegay NBC News: “Waan fulinayaa, boqolkiiba boqol.”