You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Malaayiin bog oo feylasha Epstein ah oo la sii daayay

Dad badan oo caan ah oo uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka ayaa kasoo muuqday feylashan

Kooban

Tebin toos ah

  1. In ka badan 100 qof oo ku dhintay burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo

    In ka badan laba boqol oo qof ayaa lasoo weriyay in ay ku dhinteen burbur ka dhacay goob macdanta laga qodo Arbacadii, kuna taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

    Afhayeen u hadlay guddoomiyaha ay fallaagadu magacaabeen ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo macdanta koltaan ee Rubaya ku taallo, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen macdan-qodayaal, carruur iyo haween. Qaar ka mid ah dadkaas, ayuu sheegay in la badbaadiyay.

    Goobtan ayaa soo saarta qiyaastii shan iyo toban boqolkiiba koltanka adduunka, oo ah macdan muhiim u ah soo saarista taleefoonnada gacanta iyo qalabka kale ee elektaroonigga ah. Tan iyo 2024, goobtu waxay hoos imaanasay gacanta kooxda fallaagada ah ee M-23.

    (In ka badan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa ka shaqeeya warshadaha macdan-qodista ee aan nidaamsanayn ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo shilalka dhimashada keena ay aad ugu badan yihiin.)

  2. Ilhaan Cumar: Hayaankaygii qaxooti ee ilaa Aqalka Congress-ka ayaa ka caraysiiyay Donald Trump

    Xildhibaannada Soomaaliga ah ee Ilhaan Cumar oo waraysi sinaysay CNN ayaa ka warbixisay hayaankeeda ka soo bilowda xero qaxooti ilaa Aqalka Congress-ka Maraykanka.

    "Waa hubaal in aan ka badbaaday dagaal sokeeye. Waa hubaal in aan mar ku noolaa xero qaxooti. Waa dhab in aan Maraykanka imid aniga oo jira 12 sano oo aan aqoon xitaa luuqadda Ingiriisiga.

    Riyadayda waxaan ku matalaa dadka Maraykanka, waana midda ka caraysiinaysa Donald Trump.

  3. Muxuu ahaa xiriirkii ka dhaxeeyay Elon Musk iyo Jeffrey Epstein

    Dukumiintiyada ayaa sidoo kale ka kooban is-weydaarsi fariimo (email) oo u dhexeeya maalqabeenka tiknoolajiyadda Elon Musk iyo Epstein.

    Musk, oo aan lagu eedayn wax dembi ah oo la xiriira arrintan, ayaa hore u sheegay in Epstein uu ku casuumay jasiiraddiisa, balse uu ka cudurdaartay.

    Si kastaba ha ahaatee, email-da cusub ayaa muujinaya in Musk ay ka wada hadleen safar uu halkaas ku tagayo in ka badan hal mar oo ay ku jirto safar 2012-kii ah, markaas oo uu Epstein weydiiyay: “Maalintee ama habeenkee ayaa xafladda ugu shidan ka dhici doontaa jasiiraddaada?”

    Fariimo la diray bishii Nofeembar 2012 ayaa muujinaya in Epstein uu waydiiyay inta qof ee Musk u baahan doono in helikobtar lagu geeyo jasiiradda, Musk-na uu sheegay kali ah isaga iyo xaaskiisa, Talulah Riley.

  4. faylasha Epstein: Afhayeen u hadlay Bill Gates oo beeniyay inuu gabdho Ruush ah ka qaaday Cudur

    Afhayeen u hadlay aasaasaha Microsoft, Bill Gates, ayaa ka jawaabay eedeymo ceeb leh oo ku jira faylasha ugu dambeeyay ee Epstein oo ay ka mid tahay in lagu eedeeyay inuu qaaday cudur galmada lagu kala qaado isaga oo ku tilmaamay eedeymahaas “kuwa gebi ahaanba aan macquul ahayn isla markaana si buuxda been u ah.”

    Laba farriin (email) oo ku taariikhaysan 18-ka Luulyo 2013 ayaa u muuqda kuwo uu diyaariyay Epstein, balse ma cadda in waligood loo diray Gates. Labadaba waxaa laga soo diray akoonka email-ka ee Epstein isla markaana dib ugu noqday isla koontadaas. Ma jiro wax fariin ah oo si toos ah ula xiriira Gates oo muuqda, labada email-na midkoodna lama saxiixin.

    Mid ka mid ah email-da ayaa u qoran sidii warqad iscasilaad ah oo ka timid Hay’adda Bill iyo Melinda Gates Foundation, wuxuuna ka cabanayaa in lagu khasbanaaday in daawo loo raadiyo Gates “si wax looga qabto cawaaqibka ka dhashay galmo uu la yeeshay gabdho Ruush ah.”

    Fariin (email) kale, oo ku bilaabanaya “Gacaliye Bill”, ayaa ka cabanaya in Gates uu soo afjaray saaxiibtinimo, isla markaana wuxuu soo jeedinayaa eedeymo kale oo ku saabsan in Gates uu isku dayay inuu qariyo cudur galmo lagu kala qaado, xitaa xaaskiisii xilligaas, Melinda.

    Afhayeen u hadlay Gates ayaa u sheegay BBC-da: “Eedeymahan — oo ka imanaya beenaale la xaqiijiyay oo xanaaqsan — waa kuwo gebi ahaanba aan macquul ahayn isla markaana si buuxda u been ah.”

    Waxay intaas ku dareen: “Waxa kaliya ee dukumeentiyadani muujinayaan waa niyad-jabka Epstein ee ah inuusan xiriir joogto ah la lahayn Gates, iyo heerka fog ee uu u mari lahaa inuu dabin u dhigo kuna sumcad dilo.”

  5. Magaca Trump oo boqolaal jeer lagu arkay faylasha cusub ee Epstein

    Magaca Madaxweyne Trump ayaa boqolaal jeer lagu xusay faylasha cusub ee la sii daayay. Hal dukumenti ayaa faahfaahinaya eedeyn isaga la xiriirta oo ka timid khadka xog-ururinta ee FBI-da.

    Waaxda Caddaaladda ayaa ku tilmaantay qaar ka mid ah dukumeentiyada inay xambaarsan yihiin eedeymo “aan run ahayn oo kicin iyo buunbuunin ah” oo ka dhan ah madaxweynaha.

  6. Venezuela oo cafis guud u samaynaysa maxaabiista siyaasadda iyo xabsi caan ah oo ay xirayso

    Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Venezuela, Delcy Rodríguez, ayaa sheegtay in xukuumaddeedu ay soo bandhigi doonto sharci cafis guud ah oo loogu talagalay inay ka faa’iideeystaan boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah. Waxay sheegtay in hindise-sharciyeedka loo gudbin doono Baarlamaanka Qaranka toddobaadka soo socda.

    Sharcigu wuxuu soo jeedinayaa in la xiro xabsiga caanka ku ah xadgudubyada ee layiraahdo (El Helicoide) isla markaana loo beddelo xarun isboorti.

    Tallaabooyinkan ayaa imanaya afar toddobaad kaddib markii ciidamada Maraykanku ay gacanta ku dhigeen Madaxweyne Nicolas Maduro, isla markaana ay ku dalbadeen in nidaamku hirgeliyo isbeddello siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

    Dhowr boqol oo maxaabiis ah ayaa horey loo sii daayay. Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan maxaabiista Maraykanka ee la ogaa inay ku jireen Venezuela hadda la sii daayay.

  7. Dhibanayaasha fadeexada faylasha Jefferey Epstein oo dhaleeceeyay waaxda cadaalada

    Koox ka mid ah dadkii dhibbanayaashii uu ahaa ninka lagu dambiyada galmada ee geeriyooday Jefferey Epstein ayaa dhaleeceeyay Waaxda Caddaaladda Maraykanka, kaddib markii ay sii daysay saddex milyan oo dukumeenti oo kale oo la xiriira isaga.

    Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud, Todd Blanche, ayaa sheegay in waaxdiisu ay qarisay sawirrada dhammaan haweenka ku jira dukumeentiyada, marka laga reebo gacan-yarihii Epstein, Ghislaine Maxwell.

    Si kastaba ha ahaatee, bayaan ay soo saareen, kuwa badbaaday waxay sheegeen in iyaga la fashiliyay oo dib loo dhaawacayo, halka dadkii tacaddiyada geystay la ilaalinayo.

    Waxay ballanqaadeen inaysan joojin doonin ilaa dhammaan faylasha la sii daayo, isla markaana qof kasta oo xadgudub sameeyay ama fududeeyayna lala xisaabtamo.

    (Dimuqraadiyiinta iyo dhibanayaashu waxay ku eedeeyeen Waaxda Caddaaladda inay qarinayso qiyaastii laba milyan iyo bar dukumeenti, iyada oo aan jirin sabab sharci ah oo cad.)

  8. Trump ‘’Iiran waxay doonaysaa heshiis halkii ay wajihi lahayd tallaabo militari’’

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay doonayso inay heshiis gaarto halkii ay wajihi lahayd tallaabo militari oo ka timaadda Maraykanka, inkasta oo Tehran ay ku adkaysanayso in nidaamyadeeda gantaallada iyo difaacu “marnaba” aanay noqon doonin kuwo wadaxaajood lagu galo.

    “Waxaan dhihi karaa, waa doonayaan inay heshiis gaaraan,” ayuu Trump ugu sheegay weriyeyaasha Aqalka Cad Jimcihii, markii wax laga weydiiyay ururinta ciidamada Maraykanka ee Gacanka, isaga oo aan faahfaahin bixin.

    Arbacadii ayuu Tehran uga digay in waqtigu “sii dhammaanayo” si heshiis looga wada xaajoodo barnaamijkeeda nukliyeerka, kaddib markii maraakiib badan oo ciidanka badda Maraykanka ah ay kusoo urureen meel u dhow dalkaas.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran ayaa sheegay in aanay hadda jirin wadahadallo lala yeelanayo Maraykanka, balse Tehran ay diyaar u tahay wadaxaajood ku salaysan “ixtiraam iyo kalsooni labada dhinac ah.”

  9. War deg deg ah, Degdeg:Trump oo Markaan digniin adag u diray Ra'iisul wasaaraha Uk

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay dalka Ingiriiska in uu ganacsi la sameynta Shiinaha taasoo noqon karta arrin “aad khatar u leh” si gaar ah Uk.

    Hadalkan Madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii la shaaciyay heshiisyo lagu kordhinayo ganacsiga iyo maalgashiga oo u dhexeeya UK iyo Shiinaha, kadib kulammo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

    Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu haatan ku sugan yahay Shanghai, maalintii saddexaad ee booqashadiisa Shiinaha.

    Isagoo ka hadlayay munaasabad, Madaxweyne Trump wuxuu Madaxweynaha Xi ugu yeeray “saaxiib” wuxuuna sheegay inuu si “aad ah u yaqaan” Madaxweynaha Shiinaha.

    Heshiiska Hindiya-Yurub, booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Shiinaha iyo “iska caabbinta caalamiga ah ayaa sii kordhinaysa welwelka Trump”

    Wasiirka Ganacsiga Britain Sir Chris Bryant ayaa hadalka Trump ku tilmaamay “qalad” wuxuuna sheegay in ay noqon lahayd “waali buuxda” haddii Britain ay iska indhatirto joogitaanka Shiinaha ee masraxa caalamka.

    “Dabcan, waxaan la galnaa xiriir Shiinaha anagoo si buuxda uga warqabna,” ayuu intaa ku daray. Wasiirka Britain ayaa sidoo kale xusay in Donald Trump laftiisu qorsheynayo inuu booqdo Shiinaha bishii Abriil.

  10. Faylashii fadeexdda iyo xog hor-leh oo BBC-du heshay

    Waxaan eegaynay qaar ka mid ah faylasha cusub ee la sii daayay ee Epstein.

    Xog-ururinta ugu horeysa, ee dukumiintiyada maxkamadda, waxaa ku jira dukumiintiyo badan oo si weyn loo tirtiray iyo iimeello la isweydaarsaday.

    Waxaa ku jira oo kale warbixino la xiriira cilmi-nafsiga oo ku saabsan Jeffrey Epstein xilliga uu xabsiga ku jiray iyo faahfaahin ku saabsan laptop la gaarsiiyay haweenada Ghislaine Maxwell.

    Sidoo kale waxaa jira dukumiintiyo bogaga oo dhan si buuxda loo tirtiray, sida ka muuqata sawirka hoose ku qoran.

  11. Ukraine oo gashay habeen deggan, iyada oo Trump uu sheegay Putin in uusan weerar qaadi doonin

    Ukraine ayaa la kulantay habeen deggan kaddib markii Donald Trump uu sheegay in dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, uu oggolaaday inuusan weerarin Kyiv iyo “magaalooyin kala duwan” inta lagu jiro xilliga qabowga daran.

    Dhankiisa Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa adkeeyay in aysan jirin xabbad-joojin rasmi ah oo u dhexeysa Ukraine iyo Ruushka, kaddib markii Vladimir Putin oggolaaday in la hakiyo duqeymaha inta lagu jiro xilliga cimilada daran ee qabowga ah.

    Zelensky wuxuu xaqiijiyay in habeenkii aanu dhicin wax weerar ah oo ay ciidamada Ruushku ku qaadeen kaabeyaasha tamarta ee dalka.

    Hase yeeshee, wuxuu Moscow ku eedeeyay inay gantaal ballistic ah ku dhuftay bakhaarro ay leedahay shirkad Maraykan ah oo ku yaalla gobolka Kharkiv, isla markaana ay sii wadday weerarrada lagu beegsanayo goobaha ay dadku deggan yihiin.

    Horey, Ruushku wuxuu sheegay inuu oggolaaday inuu joojiyo madaafiicda lagu garaacayo caasimadda Ukraine, Kyiv, ilaa Axadda codsi uga yimid Madaxweyne Trump.

    Si kastaba ha ahaatee, afhayeen ka tirsan Kremlin-ka ma uusan caddeyn in arrintaasi ay khusayso dhammaan magaalada ama kali ah shabakadda tamarta.

  12. War deg deg ah, Degdeg: Faylashii fadeexdda ahaa ee Jeffrey Epstein oo la sii daayay

    Qareenka lagu magacaabo Todd Blanche ayaa sheegay in Wasaaradda Caddaaladda ay sii deysay saddex milyan oo bog, 180,000 sawir, iyo 2,000 muuqaal oo ku jira xirmadii ugu dambeysay ee dukumentiyo la xiriira maal-qabeenkii fadeexadda ku dhacay Jeffrey Epstein.

    Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in tani ay ka dhigan tahay in guud ahaan 3.5 milyan oo bog la sii daayay, taas oo waafaqsan Sharciga Daahfurnaanta.

  13. Iiraan oo diyaar u ah wadahadal laakiinse ka digtay dagaal xuduudaha dhaafa

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabbaas Aragchi ayaa mar kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay wadahadal lala yeesho Maraykanka, iyada oo lagu salaynayo is-ixtiraam labada dhinac ah. Hase yeeshee, wuxuu ka digay in haddii Maraykanku weerar qaado, jawaabta Iiraan ay ka bixi karto dagaal xuduudaha dhaafa.

    Maraykanku wuxuu ku hanjabayaa tallaabo militari haddii Iiraan sii waddo barnaamijkeeda nukliyeerka. Aragchi wuxuu mar kale ku celiyay in barnaamijku yahay mid ujeeddooyin nabadeed oo keli ah.

    Aragchi wuxuu hadalladan ka jeediyay dalka Turkiga, oo soo bandhigay inuu dhexdhexaadiye ka noqdo arrintan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Haakan Fiidan, ayaa sheegay in dib loo bilaabo wadahadallada nukliyeerka ay tahay arrin aad muhiim u ah.

  14. Maxey ka wadahadleen Soomaaliya iyo Hindiya?

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada New Delhi kulan laba geesood ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Dr. Subrahmanyam Jaishankar.

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo laga wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka.

    Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahadnaqay Hindiya taageerada joogtada ah ee ku aaddan madaxbannaanida, midnimada iyo dhowrista dhuleed ee dalka.

    Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wadashaqeynta dhow iyo in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu noqdo mid miro-dhal ah oo la taaban karo.

  15. Dowladda Ibraahim Traore oo mamnuucday dhammaan axsaabta siyaasadda

    Hoggaanka militariga ee Burkina Faso ayaa shaaciyay in la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadeed, kuwaas oo howlahooda la hakiyay tan iyo markii militarigu talada dalka la wareegay sannadkii 2022.

    Hoggaamiyaha dalkaasi, Kabtan Ibraahim Traoré, ayaa hore loogu dhaliilay caburinta mucaaradka, waxaana tallaabadan loo arkaa mid kale oo lagu adkeynayo gacan-ku-haynta talada.

    Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Burkina Faso, Emile Zerbo, mamnuucidda axsaabta waa qayb ka mid ah qorshayaal lagu doonayo in “dib loogu dhiso dowladnimada,” kaddib waxa uu ku tilmaamay “xadgudubyo badan” oo ka jiray nidaamka xisbiyada badan ee dalka.

    Zerbo ayaa sheegay in nidaamkaasi uu “kor u qaadi jiray kala qeybsanaanta muwaadiniinta isla markaana uu wiiqayay isku-xirnaanta bulsho.”

  16. Toddobo arrimood oo dhici kara haddii uu Maraykanku weeraro Iiraan

    Mareykanka wuxuu u muuqdaa inuu isu diyaarinayo in uu weerar ku qaado Iiraan saacadaha soo socda.

    Inkasta oo qorshaha Trump uu ahaa in cadaadis lagu saaro Iiraan si loogu qasbo in ay oggolaato heshiis, haddana natiijadu sidaas ma noqon karto.

    Sidaas awgeed, haddii Iiraan aysan muujin rabitaan ah inay heshiis qaadato ilaa daqiiqadda ugu dambeysa, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump waxa uu amar ku bixin doonaa in ciidammada Mareykanka ay qaadaan weerar, maxay noqon karaan waxyaabaha dhici kara?

  17. Israel oo iyana soo caydhisay 'safiirkii' Koonfur Afrika ee dalkooda

    Saacado kaddib, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday tallaabo la mid ah middii ay samaysay Koonfur Afrika, iyada iyaduna soo caydhisay safiirkii dalkaas u joogay Koonfur Afrika.

    Wakiilka Koonfur Afrika ee dalka Israel, ayaa lagu magacaabaa Shaun Edward Byneveldt.

    Xidhiidhka u dhexeeya labada dal ayaa ahaa mid aad u qabow tan iyo markii Koonfur Afrika ay ku eedeysay Israa’iil dambiga xasuuqa (genocide) ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, dacwaddaas oo loo gudbiyay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) — eeddaas oo ay Israa’iil si buuxda u beenisay.

    Koonfur Afrika ayaa ku eedeysay Seidman inuu baraha bulshada ee rasmiga ah u adeegsaday weerarro uu ku qaaday Madaxweyne Ramaphosa, isla markaana uu u soo casuumay saraakiil Israa’iili ah dalka isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda.

    Markii ay ku dhawaaqaysay cayrinta Seidman, wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika waxay sheegtay in falalkiisu ay “muujinayaan ku tumasho weyn oo lagu sameeyay mudnaanta iyo xuquuqda diblomaasiyadda.”

    Wax yar kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar ayaa si adag uga jawaabay, iyagoo ku dhawaaqay in — “kaddib weerarrada been-abuurka ah ee Koonfur Afrika ka geysanayso Israa’iil fagaaraha caalamiga ah, iyo tallaabada hal-dhinac ah ee aan salka lahayn ee laga qaaday” Seidman — in sidoo kale Shaun Edward Byneveldt, wakiilka Koonfur Afrika ee Israa’iil, lagu dhawaaqay persona non grata, laguna amray inuu Israa’iil ka baxo 72 saacadood gudahood.

    Dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegtay in “tallaabooyin dheeraad ah la tixgelin doono waqtiyada soo socda.”

  18. Dal Afrikaan ah oo eryay 'safiirkii' Israel u joogay halkaas

    Koonfur Afrika ayaa waddanka ka cayrisay diblomaasigii ugu sarreeyay Israa’iil ee dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka diblomaasiyadda, isla markaana uu jeediyay hadallo aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

    Ariel Seidman, oo ahaa chargé d’affaires-ka safaaradda Israa’iil, ayaa lagu dhawaaqay persona non grata amd ‘dalkan lagaama rabo’waxaana lagu amray inuu dalka ka baxo 72 saacadood gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

    Waxaa lagu eedeeyay inuu baraha rasmiga ah ee dowladda u adeegsaday weerarro uu ku qaaday Madaxweyne Ramaphosa, isla markaana uu u soo casuumay saraakiil Israa’iili ah Koonfur Afrika isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda.

    Xidhiidhkaka u dhexeeya labada dal ayaa ahaa mid aad u xumaa tan iyo markii Koonfur Afrika ay ku eedeysay Israa’iil dambiga xasuuqa (genocide) ee Falastiiniyiinta kana gudbisay dacwad Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) — eeddaas oo ay Israa’iil si buuxda u beenisay.

  19. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo war cusub ka soo reeray xilli xiisadi taagantahay

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa mar kale sheegay in Iran aysan raadinayn hub nukliyeer ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay dhisto kalsooni ku saabsan nabadda ee barnaamijkeeda nukliyeerka, halka ay sidoo kale diyaar u tahay ka qaybgalka hannaan diblomaasiyadeed oo “macno leh, caqliyeysan, oo caddaalad ah.”

    Isla mar ahaantaas, wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah aysan aqbali doonin mowqifyo lagu khasbay, isagoo yiri: “Marna diyaar uma nihin inaan aqbalno amarro ama wax nalagu soo rogo, xaalad kasta ha ahaatee.”

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in mowqifyada Tehran ee ku aaddan Suuriya ay la mid yihiin kuwa Turkiga, isla markaana Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay doonayso midnimo iyo xasillooni ka dhalata dalkaas, iyo in la soo afjaro qabsashada militari ee Israa’iil halkaas ka waddo.

    Wuxuu sheegay in amniga dal kasta oo ku yaalla gobolka uu yahay amniga guud ahaan gobolka, isagoo ku daray in dalkiisu taageerayo “tallaabo kasta oo ilaalinaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka, yareynaysa xiisadaha, isla markaana fashilinaysa wax u uku tilmaamay qorshayaasha Sahyuuniyadda.”

    “Maamulka Sahyuuniga” waa magaca ay Iran u isticmaasho tixraaca Israa’iil.

  20. Dagaalka kasoo dhex cusboonaaday Tigrey iyo dowladda Itoobiya oo kusii siqaya Waqooyiga Tigray

    Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigray ayaa la sheegay inay kusii siqayaan aag lagu muransan yahay ee ku yaalla waqooyiga Tigray, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaallo dib u qarxeen.

    Dagaalka ayaa billowday toddobaadkan kaddib markii la sheegay in ciidammada federaalku rasaas ku fureen dagaalyahanno ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray