You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Khamenei oo si kulul ugu jawaabay Trump

Halkan kala soco tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran oo u sheegtay reer Haifa in ay nafahooda la baxsadaan

    Iran ayaa u sheegtay dadka ku nool qayb ka mid ah magaalada Haifa ee Israa’iil inay isaga baxaan aagga, iyadoo sheegtay inay jirto khatar nafeed.

    Haifa waxa la soo dersay duqeymaha Iran usbuucii la soo dhaafay. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in inta badan weerarrada la qabtay, balse meelaha qaar ee saameynta au ku yeesheen la diiwaan galiyay.

  2. Iran oo sheegtay in aysan u socon Aqalka Cad

    Ergada diblomaasiyadeed ee Iran u joogta Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa ka jawaabtay hadalkii Donald Trump ee ahaa in ergada wadaxajoodka ee Iran ay doonayaan inay booqdaan Aqalka Cad.

    "Ma jiro mas'uul Iiraani ah oo doonaya inuu hor yuurarsado albaabka Aqalka Cad," ayay hawlgalka Iran ku soo daabacay bartiisa X.

    Waxa kaliya ee ka xun beentiisa ayaa ah hanjabaadiisa fulaynimada ah ee ah in uu 'dilayo' hogaamiyaha sare ee Iran," ayaa la sii raaciyay qoraalka.

    Tani waxay tixraacaysaa sheegashadii dhawaan Trump ee ahayd in Maraykanku ogyahay halka uu joogo hogaamiyaha ugu sarreeya Iran laakiin aanu doonayn in la waxyeeleeyo "hadda".

    Qpraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iran aysan gorgortan ka galayn "laguna qasbeyn" oo ay uga jawaabi doonto hanjabaad kasta hanjabaad ka hortag ah, tallaabo kasta oo la qaadana kala hortagi doonto mid cawaaqib u ah.

  3. Maraykanka oo wax laga waydiiyay in ay Israa'iil kula biirayaan dagaalka iyo in kale

    Dhawaan waxaan tabinay in madaxweyne Trump uu hadlay isaga oo jooga banaanka hore ee Aqalka Cad.

    Hadaba waa kuwaan waxyaabihii uu yiri:

    • Mar wax laga waydiiyay in Maraykanku ku biiri karo xaaladda Iran waxa uu yiri "Inaan sameeyo waa laga yaabaa, inaanan sameyna waa laga yaabaa. Cidina ma oga waxaan damacsanahay"
    • Trump waxa uu sheegay in uu la xiriiray Iran uguna baaqay in ay si shuruud la’aan ah isu dhiibaan, waxa uuna intaa ku daray in uu horey ugu qabtay 60-maalmood oo kama dambeys ah in ay heshiis la galaan Mareykanka ka hor inta aysan Israel weerarin.
    • Waxa uu sheegay in muddo 20 sano ah uu sheegayey in Iran aysan samaysan hubka Nukliyeerka, waxaana uu la barbar dhigay " dad daka bahdila"
    • Wuxuu ku tilmaamay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Talaadadii mid "wanaagsan", laakiin ma uusan sheegin wax tafaasiil ah
  4. Israa'iil ma waxay haysataa hubka nukleerka?

    Jawaabta dhabta ah waa ma naqaano. Waxaa jira qiyaas ah in ay leedahay ilaa 90 madaxyada nukliyeerka. Laakiin Israa'iil ma aysan xaqiijin mana diidin haysashada nukliyeerka, sidoo kale ma aysan saxiixin heshiiska ka hortagga faafinta nukleerka.

    Waxay u baahan tahay saddex arrimood si loo helo hubka nukliyeerka: kow, uranium-ka oo la kobciyo 60% si nadiif ah, labo, awoodda dhismaha madax-dagaal, iyo tan saddexaad, in la sameeyo hannaankii loo gaarsiin lahaa madaxyada dagaalka bartilmaameedka.

    Sida ay hadda tahay, ma jiro wax si cad u sheegi kara hayshada Israa'iil ee hubka nukliyeerka.

  5. Maxay Israa'iil u duqayneysaa Iran hadda?

    Mawqifka Israa’iil ee arrintan ayaa ah in aanay haysan wax doorasho ah, iyada oo aaminsan in dhawrkii bilood ee u dambeeyay Iran ay dardargelinaysay samaynta hubka Nukliyeerka, iyo in wada-hadallada lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran aanay meelna u socon, sidaas darteedna ay tani tahay talaabadii ugu dambaysay.

    Waxay sheegeen inay u arkaan khatar jirta oo ka imanaysa Iran, waxayna ku doodeen in haddii Iran ay hesho hubka Nukliyeerka ay adeegsan doonto sababtoo ah waxay hore wacad ugu martay inay burburinayso dawladda Israa’iil.

    Aragtidaas ma ahan mid ay la wadaagaan gobolka intiisa kale, mana ahan mid ay la wadaagto Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka, sidoo kale lama wadaagin warbixinta sirdoonka Mareykanka sida aan ilo xog ogaal ah ka ogaanay, kuwaas oo aan sheegin in Iiraan ay ku dhowdahay in ay sameysato hub Nukliyeer ah.

  6. Trump oo sheegay in Iraaniyiinta ay rabaan in ay aqalka cad yimaadaan

    Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka wada xaajoodyada u qablisan Iran ay sheegeen "in laga yaabo inay yimaadaan Aqalka Cad", inkastoo uu sheegay inay adag tahay.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in uusan hubin "inta" iskahorimaadku socdaa sii socon karo, iyadoo difaacyadii hawada Iran la baabi'iyay.

    "Laba eray oo aad u fudud: is dhiiba shuruud la'aan," ayuu yiri.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aaminsan yahay in Iiraaniyiintu ay "ujeedooyin xun" ka leeyihiin barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaas.

    Trump ayaa intaa ku daray in uu aad u jecel yahay dadka reer Iran, isla markaana uu la kulmay dad badan intii uu noolaa.

    Wuxuu si degdeg ah ugu gudbay mowduucyo kale, oo ay ku jiraan Ukraine iyo Ruushka.

  7. Janaraaladii ciidamada iyo raggii kale ee muhiimka ee Iiran looga dilay weerarkii Israa'iil

    Israa'iil waxay Jimcihii duqeysay tobanaan bartilmaameed, oo ay ku jiraan xarumaha Nukliyeerka, goobo militari iyo guryo gaar loo leeyahay, oo ku yaalla dalka Iran oo dhan, halkaas oo ay ku dishay tiro ka mid ah taliyayaasha sare ee ciidamada, waxa ay ugu yeertay "Howlgalka Libaaxa toosay".

    Weerarada Israa'iil ayaa sidoo kale lala beegsaday tiro kale oo saameyn ku leh barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan lix saynisyahano nukliyeer ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka Tasnim ee xiririka la leh IRGC.

    Tobaneeyo qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhinteen.

    Waa kuwan waxa aan ilaa hadda ka ognahay shaqsiyaadka caanka ah ee ku dhintay weerarkaasi.

    Mohammad Bagheri

    Bagheri waxa uu ahaa sarkaalkii ugu darajada sareeyay ciidamada Iran, isagoo ahaa madaxa guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran - oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo ciidamada Iran.

    Bagheri waxa uu ku biiray IRGC 1980 isaga oo 20 jir ah, isaga iyo walaalkii, waxa uu gacan ka gaystay samaynta qaybta sirdoonka ee IRGC intii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq.

    Waxaa loo arkayay inuu ka adag yahay taliyayaasha kale. Waxa uu dhawaan la kulmay dhaleeceyn khudbad uu jeediyey bishii April.

    Abdolrahim Mousavi, ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada qalabka sida, sida ay sheegtay wakaalada wararka Iran ee Irna.

    Hossein Salami

  8. Maxay Israa'iil u beegsaneysaa Khamenei?

    Waxaa laga yaabaa inaad todobaadkan wararka ku maqashay in Israa’iil ay qorsheyneyso inay “khaarijiso” hohaamiyaha ruuxiga Iiraan, Ayatullah Cali Khumane, ka hor inta uusan Mareykanka soo galin arrintaa.

    Donald Trump, waxaa uu sidoo kale baraha bulshada ku sheegay “inay ogyihiin halka u uku dhuumaaleysanayo hogaamiyaha Iiraan.

    Cali Khamenei waa hogaamyaha dawladda Iran, wuxuuna xilka hayay in ka badan soddon sano. Jagadiisu way ka sareysaa tan madaxxweynaha, Masoud Pezeshkian, oo ah hoggaamiyaha ugu awoodda badan dalkaas marka la eego xaga siyaasadda iyo diinta.

    Marka laga reebo awoodaha baahsan ee xukunka dalka, Khamenei wuxuu sidoo kale hogaamiyaa maamulkii diineed ee mayalka adag ee qabsaday xukunka Iran 1979 kacaankii Islaamiga ahaa.

    Isaga oo ah hogaamiyaha ugu sarreeya, Khamenei, waa taliyaha guud ee militariga dalka, taas oo qayb ahaan sharxi karta sababta loogu arko inuu yahay bartilmaameedka Israel.

    Maadama Iran ay tahay maamul kali talis ah, dadka Iran dhab ahaantii wax talo ah kuma laha doorashada hogaamiyahooda. Dhaleeceynta Khamenei ee baraha bulshadana, waxay kuu hor seedi kartaa xabsi.

    Dhowr qoraal oo uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei ku sheegay, in Iran aanay marnaba gorgortan ka geli doonin dagaalka Israa’iil, isagoo intaa ku daray “dagaalku wuu bilaabmay”.

    Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin faallooyinkiisii ​​​​ugu horreeyay ee dadweynaha tan iyo markii madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in la dilo Khamenei.

  9. Dagaalka Israa'iil iyo Iiraan: Trump oo kala dooranaya saddex arrimood

    Hadallada Madaxweyne Trump ee ku aaddan xiisadda ka dhex aloonsan Israa'iil iyo Iiraan ayaa ahaa kuwo is bedbeddlaya oo aanay si cad uga muuqan taageero ama diidmo uu ka muujiyay duqaymaha Israa'iil.

    Waxa uu ku soo beegmay xilli ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada ay "si buuxda" ula socdeen Maraykanka.

    Haddaba, maxay yihiin xulashooyinkiisa hadda hor yaalla madaxweyne Trump?

    1. Garab-is-taag uu u muujiyo Israa'iil

    Kaddib markii ay dhawaan ay bilowdeen weerarrada Israa'iil iyo Iiraan, madaxweynaha Maraykanka ayaa hoggaamiyayaasha Iiraan ugu hanjabay in xulafadiisa Israa'iil oo hubka Maraykanka ku hubaysan ay qaadi doonto weerraro kuwan ka halis badan.

    Ujeedka ugu dambeeya ee Trump waa mid cad. Ma rabo in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah ah. Laakiin si ka duwan Netanyahu, waxa uu Trump rabaa in Iiraan lagu joojin karo heshiis ay wada gaadhaan Maraykanka iyo Iiraan.

    Ha se ahaatee, Trump laftiisu kuma dhiirran in uu si toos ah u abbaaro waddada lagu gaadhayo yoolkaasi. Laba mar ayaa uu ka hadlay laba arrimood oo lid isku ah oo ah xoog iyo diblumaasiyad.

    Mararka qaybtood Trump waxa ay taageerayaashiisa u sifeeyaan nin ku dhaqma siyaasadda "siyaasadda ninka waalan" marka ay timaaddo arrimaha dibadda. Qorshahan waxa algu sheegay tallaabo aan la saadaalin karin oo la mid ah tii uu qaaday Madaxweyne Nixon xilliyadii lagu jiray dagaalkii qaboobaa.

    Netanyahu ayaa si joogta uga riixa Trump in uu qaab militari kula dhaqmo Iiraan halkii uu ka sii wadi lahaa dadaallada diblomaasiyadda. Inkasta oo Trump uu inta badan ka hadlo in uu doonayo in uu ku guuleysto abaalmarinta nabadda ee Nobel, waxaa laga yaabaa in uu ugu dambaynta dareemo cadaadis ah in uu raaco hanjabaadiisa gardarrada ah ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Iiraan.

  10. Maxaa dhacaya hadii Mareykanka uu ku biro dagaalka Iiran iyo Israa’iil?

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la kulmay Golihiisa Amniga Qaranka si uu ugala hadlo suurtagalnimada ku lug lahaanshaha Mareykanka ee colaadda ka dhex aloosantay Israel iyo Iran. Waxa uu hore ugu baaqay in Tehran ay si shuruud la'aan ah isu dhiibto. Kulanka oo ka dhacay Aqalka Cad ayaa qaatay ku dhawaad ​​sagaashan daqiiqo, balse sida ay wararku sheegayaan ma jiro heshiis buuxa oo arintan ay ka yeesheen la-taliyayaasha ugu dhow ee madaxweynaha. Markaas kaddibna Mr Trump wuxuu la hadlay ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu. Safaaradda Mareykanka magaalada Qudus ayaa xidhnaan doonta labada maalmood ee soo socda.

    Hadaba maxay ka dhigantahay hadii uu Mareykanka ku biiro dagaalka?

    Su’aashan ayaan weydiinnay Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ah bare jaamacadeed oo deggan magaalasa St. Paul ee Mareykanka waxaa uuna yiri:

    “Waxay ka dhigantahay in qiyaamihii uu ku soo dhowaanayo Bariga Dhexe. Iiraan dad badan ayaa ku nool. Waa wadan ay taarikhdiisu qadiim tahay oo ka da’a weyn wadamadan Bariga Dhexe ku yaala, dagaalka halkaa ka dhaca wuxuu noqonayaa mid aad iyo aad u qaraar badan waayo Iran hub badan bay heysataa” ayuu yiri.

    “Iran waxaa laga yaabaa in dhaawac weyn loo geysto, iyaduna wax bay galaafan” ayuu intaa raaciyay “.

  11. Hadallada kukulul ee ay Trump iyo Khamenei isku weydaarsadeen baraha bulshada

    Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay weeraro is dhaafsanayeen Iiraan iyo Israa’iil, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa baraha bulshada isku dhaafsaday hadallo 24-kii saacadood ee u dambeeyay.

    Trump ayaa Talaadadii shalay qoraal uu sp dhigay bartiisa truth ku yiri: "Waan ognahay meesha uu isku qarinayo ninka isugu yeera 'hugaamiyaha ruuxiga ah'.

    "Waa bartilmaameed sahlan, balse waa ammaan - ma dili doono, ugu yaraan hadda ma dilayno.

    "Ma rabno inaan gantaalo shacab lagu dhufto, ama askar Maraykan ah. Dulqaadkeenu wuu sii yaraanayaa. Ku mahadsanidiin fiirintiina arrinkaan!"

    Dhowr qoraal oo uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei ku sheegay, in Iran aanay marnaba gorgortan ka geli doonin dagaalka Israa’iil, isagoo intaa ku daray “dagaalku wuu bilaabmay”.

    Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin faallooyinkiisii ​​​​ugu horreeyay ee dadweynaha tan iyo markii madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in la dilo Khamenei.

  12. Seeriga digniinta oo laga maqlayo hawada Israa'iil

    Seeriga digniinta ayaa dhawaqooda laga maqlayaa waqooyiga Israa'iil, sida laga soo xigtay ciidamada difaaca Israa'iil.

    Milatariga ayaa sidoo kale barta X soo dhigay khariidad muujinaysa digniinahaas.

    Faahfaahinta halkan kala socda

  13. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan hawada Israa'iil

    Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay adeegsiga gantaallada Fatah, oo lagu tilmaamay gantaallada hypersonic, intii lagu jiray weerarradii gantaallada ee dhowaan ka dhacay Israa’iil.

    Wakaalladda Wararka Iiraan ee Tasnim oo soo xiganeysa Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in gantaallada Fatax ay ka dhigan yihiin “bilawga dhammaadka khuraafaadka difaaca hawada ee ciidamada Israa’iil”, sida ay ku tilmaantay, iyo in ay farriin u tahay “Isbahaysiga dagaalka u ololeeya ee Tel Aviv,” oo ay ula jeedaan Maraykanka.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in gantaalladaasi ay awood u yeesheen in ay gudaha u galaan difaaca cirka ee Israa’iil, iyagoo intaa ku daray in weerarkii ugu dambeeyay ee gantaallada “ay caddeeyeen in ilaalada kacaanku ay si buuxda u maamulayaan hawada Israa’iil” iyo in Israa’iiliyiintu ay hadda yihiin kuwo aan “difaac lahayn.”

  14. Khamenei oo si kulul ugu jawaabay Trump

    Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Iiraan "aysan waligeed u tanaasuli doonin Sahnuuniyiinta", qoraallo taxane ah oo uu soo dhigay barta X ayuu sidaa ku sheegay.

    "Ma tusin doonno Sahyuuniyadda wax naxariis ah," tarjumaadda qoraalka ayaa sidaa u dhigan.

    Qoraal ka duwan, wuxuu ku leeyahay "dagaalku wuu bilaabmayaa".

    Qoraallada, guud ahaan akoonnada luqadaha kala duwan ee Khamenei, ayaa ka mid ah faallooyinkiisii ​​​​ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Mareykanka uu garanayo meesha uu joogo laakiin uusan "ka soo saari doonin… ugu yaraan hadda".

    Horraantii toddobaadkan, waxaan soo sheegnay in Trump uu diiday qorshe Israa’iil ay ku dileyso Khamenei.

  15. 'Tehran-ta qurxoon haka dhigina Gaza': Reer Iiraan oo sidaa ku cataabay

    Safafka dhaadheer ee kaalmaha shidaalka iyo goobaha rootiga lagu dubo. Safaf dhaadheer oo baabuurta isku dayaya inay ka baxsadaan caasimadda. Iyo habeen dheer oo cabsi leh.

    Dadka deggan Tehran - wali waxay ka naxsan yihiin weerarka kediska ah ee Israa'iil ku qaadday Iiraan saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha - waxay ka hadlayaan cabsi iyo jahawareer, dareen la'aan iyo shucuur iska soo horjeedda.

    "Habeenno ma seexan," arday muusig oo 21 jir ah ayaa sidaa iigu sheegay app baraha bulshada oo sir ah.

    "Qof walba wuu baxayaa laakiin anigu maya. Aabbahay wuxuu leeyahay inaad gurigaaga ku dhimato waxaa ka sharaf badan inaad cararto."

    'Donya' - ma rabto inay sheegto magaceeda dhabta ah - waxay ka mid tahay Iiraaniyiin badan oo hadda ku dhex jira dagaal u dhexeeya maamul ay neceb tahay iyo Israa'iil, oo awoodda burburinta ee Gaza ay ku aragtay meel fog.

  16. War deg deg ah, Maxaan ka ognahay kulankii uu Trump ku qabtay Aqalka Cad qolkiisa xaaladaha degdegga ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan degdeg ah ku qabtay qolkii xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad.

    Kulankaas oo socday saacad iyo labaatan daqiiqo ayaa diiradda lagu saarayey su’aasha ah in Mareykanku uu ku biiro Israa’iil si ay u weeraraan goobaha nukliyeerka ee Iran, sida uu tebiyay warbaahinta CBS News ee Mareykanka oo bahwadaag la’ah BBC-da.

    Warbixintu waxay sheegtay in aanay jirin heshiis wax heshiish buuxa ah oo ay isla qaateen la-taliyeyaasha ugu dhow Madaxweyne Trump.

    Ka dib maalmo uu ku dhiirrigelinayey Iran in ay wada-hadalada dib ugusoo laabato, Madaxweyne Trump ayaa hadda ka fiirsanaya in Mareykanku si toos ah uga qayb qaato dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.

    Kulankii shalay ee golaha amniga qaranka ee Mareykanka, Trump iyo la-taliyeyaashiisa ayaa lagu soo warramay inay ka wada hadleen suuragalnimada weerar lagu qaado goobaha nukliyeerka ee Iran.

    Mid ka mid ah bartilmaameedyada suuragalka ah ayaa noqon kara goobta lagu hormariyo uraniyaamta ee Fordo, taasoo si qotodheer ugu taala dhulka hoostiisa.

    Kaliya Mareykanka ayaa haysta bam awood u leh inuu burburiyo goobtaas. Sida ay sheegtay CBS News, la-taliyeyaasha madaxweynaha ayaa wali ku kala aragti duwan tallaabada la qaadayo.

    Warbaahinta Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegtay in Trump uu kulanka kadib khadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, hase yeeshee lama oga waxa laga wada hadlay.

    Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 30 diyaaradood oo nooca shidaalka hawada ku shuba kuwaasoo loo adeegsado in lagu shido diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax duqeeya ah ayaa u kacay qaaradda Yurub.

  17. War deg deg ah, Trump waxa uu "ka fekerayaa" inuu ku biiro duqeymaha Iran, balse ma jirto heshiis buuxa oo ay la qaateen kooxdiisa

    Trump ayaa kulan kula yeeshay qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad kooxdiisa amniga qaranka, si ay uga wada hadlaan khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran.

    Waxa uu ka fekerayaa inuu ku biiro weerarrada Israa’iil ku hayso goobaha nukliyeerka Iran, oo ay ka mid tahay xarun ku taalla Fordo, sida ay BBC warbaahinta la bahwadaagga ee CBS-ta Mareykanka u sheegeen shan ilo-wareed oo arrinta si dhow ula socda.

    Arrintan ayaa la filayay in lagu falanqeeyo kulankaas ka dhacay qolka xaaladaha degdegga ah. Balse, ilo-wareedyada CBS ayaa intaas ku daray inaysan jirin heshiis buuxa oo dhex yaalla la-taliyeyaasha ugu dhow Trump.

    Trump ayaa ka dalbaday Iiraan ‘Isdhiibid bilaa shuruud ah’ isaga oo sheegay in hoggaamiyaha Iraan Khumeeni ay ogyahiin halkuu ku suganyahay balse haddeer ayna beegsanayn isaga.

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in Iran "aanay waligeed wax heshiis ah la galaynin Sahnuuniyiinta," sida uu ku sheegay taxane qoraallo ah oo uu ku daabacay barta X.

    “Si naba uguma naxariisan doono Sahnuuniyiinta” ayuu u dhignaa mid ka mid ah qoraalladiisa. Qoraal kale ayuu ku sheegay: “Dagaalku wuu bilaabmay.”