Waxaa laga yaabaa inaad todobaadkan wararka ku maqashay in
Israa’iil ay qorsheyneyso inay “khaarijiso” hohaamiyaha ruuxiga Iiraan,
Ayatullah Cali Khumane, ka hor inta uusan Mareykanka soo galin arrintaa.
Donald Trump, waxaa uu sidoo kale baraha bulshada ku sheegay
“inay ogyihiin halka u uku dhuumaaleysanayo hogaamiyaha Iiraan.
Cali Khamenei waa hogaamyaha dawladda Iran, wuxuuna xilka
hayay in ka badan soddon sano. Jagadiisu way ka sareysaa tan madaxxweynaha,
Masoud Pezeshkian, oo ah hoggaamiyaha ugu awoodda badan dalkaas marka la eego
xaga siyaasadda iyo diinta.
Marka laga reebo awoodaha baahsan ee xukunka dalka, Khamenei
wuxuu sidoo kale hogaamiyaa maamulkii diineed ee mayalka adag ee qabsaday
xukunka Iran 1979 kacaankii Islaamiga ahaa.
Isaga oo ah hogaamiyaha ugu sarreeya, Khamenei, waa taliyaha
guud ee militariga dalka, taas oo qayb ahaan sharxi karta sababta loogu arko inuu
yahay bartilmaameedka Israel.
Maadama Iran ay tahay maamul kali talis ah, dadka Iran dhab
ahaantii wax talo ah kuma laha doorashada hogaamiyahooda. Dhaleeceynta Khamenei
ee baraha bulshadana, waxay kuu hor
seedi kartaa xabsi.
Dhowr qoraal oo uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei ku sheegay, in Iran aanay marnaba gorgortan ka geli doonin dagaalka Israa’iil, isagoo intaa ku daray “dagaalku wuu bilaabmay”.
Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin faallooyinkiisii ugu horreeyay ee dadweynaha tan iyo markii madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in la dilo Khamenei.