Israa'iil oo sheegtay in ay dishay Xasan Nasrullah

Ciidamada Difaaca ee Israa'iil ayaa waxay sheegeen in ay weerarkii sabtidii ku dileen hugaamiyaha Xisbullah.

Tebin toos ah

  1. Xisbullah oo xaqiijisay geerida hugaamiyahoodii

    Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan geerida hugaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrullah, waxaana war ay barta Telegram ku soo daabaceen ururku ay ku xaqiijiyeen in hugaamiyahoodii uu geeriyooday.

    "Xurmadle, Madaxii Iska caabinta iyo hugaamiyihii dhowrsanaa, waa uu geeriyooday waxa uuna la joogaa rabigiis," ayaa lagu yiri warka.

    Kooxda ayaa u muuqatay in ay xaqiijineyso in uu ku geeriyooday duqayn ka dhacday Beirut, iyaga oo sheegay in dhimashadiisu ay timid "kadib hawlgal qatartiisa leh oo ay Sahyuuniyiintu ku qaadeen koonfurta magaalada".

  2. Qarax ka dhacay Muqdisho oo sababay qasaare

    Xamar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, qarax ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

    Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay balse dad goobjoogayaal ah ayaa BBC da u sheegay in ay arkeen maydadka dhowr qof iyo dhaawac.

    Aaagga ay wax ka dhaceen ayaa ah waddo ay isticmaalaan inta badan gaadiidka masuuliyiinta dowladda ee ku socda madaxtooyada.

  3. Israa'iil oo sheegtay in ay dishay hugaamiyihii Xisbullah, Xasan Nasrullah

    Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca ee Israa'iil hugaamiyiha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa ay ku dileen duqayn dhacday habeenkii Jimcaha.

    Waxa kale oo ay warka ay soo saareen ay ku dareen ciidamadu in la dilay xubno sare oo iyana ka tirsan ururka soda taliyihii aagga koonfureed ee Xisbullah.

    IDF ayaa waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay "bartilmaameedsadeen" xarumaha ururka Xisbullah, oo ay sheegeen in ay ku yaaleen "meel dhulka hoostiisa o laga hoos dhisay dhismo deegaan ah oo ku yaalla aagga Dahieh ee magaalada Beirut.

    waxay sheegeen in xilliga weerarku dhacayay "ay xubnaha sare ururku" hawlgalayeen.

    Ilaa iyo haatan BBC du wax war ah kama aysan helin XIsbullah.