You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Premier League: Kooxda Manchester United oo guul ka gaadhay Everton

Ciyaar ka mid ah horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa caawa dhex maraysa kooxaha Manchester United iyo Everton

Kooban

Tebin toos ah

Nimaan Osman

  1. Trump oo ka fekeraya inuu aqbalo dalabka Iiraan

    Warbaahinta Axios, oo soo xiganeysa sarkaal sare oo Mareykan ah, ayaa sheegay in maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diyaar u yahay inuu tixgeliyo soo jeedinta ah in Iran loogu oggolaado inay sameyso "kordhinta astaanta ah" waa haddii aysan ka tagayn waddo suurtagal ah oo lagu dhisayo hubka nukliyeerka.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa shalay sheegay in wadahadaladii Iran iyo Mareykanka ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Geneva, aysan Iran midkoodna soo jeedin in la joojiyo tayeynta Yuraaniyaamka, sidoo kale Mareykanku ma dalbanin gebi ahaanba inaan tayeyn lagu sameyn.

  2. Iran oo ka jawaabtay hanjabaadda Mareykanka ee inuu dilayo Khamenei

    Jimcihii, safiirka Iran iyo wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Amir Saeed Irvani, ayaa warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, iyo Madaxweynaha Golaha Guud, isagoo si adag u cambaareeyay hadallada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

    Wakaalladda Wararka Iran ee Tasnim oo soo xiganeysa Farriinta Irvani ayaa lagu yiri “Fariintani waxay ku timid cambaareynta iyo diidmada hadallada sharci-darrada ah ee hurinaya rabshadaha, laguna dhiirigelinayo argagixisada, ee ay dhawaan soo saareen saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka iyo [Israa’iil], kuwaasoo isugu jira hanjabaado cad oo soo noqnoqda oo lagu dilayo Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah ee Iran,” sida lagu sheegay qoraalka.

    Warqadda ayaa lagu sheegay in hanjabaadahaas oo ay ku sifeeyeen kuwo “ku-talo-gal ayna ka dhigan yihiin xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah qodobka 2-aad, farqadiisa 4-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo mamnuucaya in hanjabaad iyo awood loo adeegsado ka dhanka ah madaxbannaanida dhuleed ama madaxbannaanida siyaasadeed ee dowlad kasta.”

  3. Sidee isaga ilaalin kartaa gaajada iyo haraadka inta lagu jiro soonka?

    Marka la gaadho bilowga bisha Ramadaan, Muslimiinta ku nool daafaha dunida Islaamka waxay bilaabaan cibaadada soonka, taas oo ah mid ka mid ah tiirarka diinta Islaamka, isla markaana u baahan in laga soomo cuntada iyo cabbitaanka laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca bisha oo dhan.

    Inkasta oo soonku leeyahay faa'iidooyin caafimaad, haddana qaar ka mid ah dadka ayaa la kulma dhibaato ku saabsan la qabsiga isbeddelka degdegga ah ee caadooyinkooda cunto inta lagu jiro bisha, halka qaar kalena ay dareemaan daal iyo tabar-darro ka dhalata ka fogaanshaha cuntada iyo cabbitaanka muddooyin dheer. Mararka qaarkood arrintan waxaa la socon kara dhibaatooyin caafimaad sida kuwa qaba sonkorowga ama dhiig-karka.

    Qoraalkan, waxaan ku iftiiminaynaa talooyin muhiim ah oo ay soo jeediyaan khubarada nafaqada si loo helo soon caafimaad leh. BBC Af-Carabi ayaa la hadashay dad dhowr ah si loo soo bandhigo waayo-aragnimadooda gaarka ah oo laga yaabo inay dad badan ka caawiso qorsheynta sida ay u qaadanayaan waqtigooda bisha Ramadaan, iyadoo ay barbar socdaan khubarada nafaqada oo soo jeedinaya hababka iyo xeeladaha ugu waxtarka badan ee la raaco si loo helo caafimaad wanaagsan.

  4. Meydadka tahriibayaal ay badda Libya soo caarisay

    Ugu yaraan shan mayd oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan labo haween ah, ayaa laga helay xeebta Qasr al-Akhyar, oo ah magaalo xeebeed dhacda bariga caasimadda Liibiya ee Tripoli, sida uu sarkaalka booliiska ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Hassan Al-Ghawil, oo ah madaxa baarista ee xarunta booliiska Qasr Al-Akhyar, ayaa sheegay in sida ay sheegeen dadka deegaanka, uu jiray maydka ilmo yar oo xeebta soo caariyey balse hirarka badda oo kacsan awgeed uu dib ugu noqday badda, iyadoo la codsaday in ciidanka ilaalada xeebaha ay raadiyaan.

    Ghawil ayaa xusay in maydadka la helay ay dhammaantood yihiin dad Afrika kasoo jeed. Maydadkan ayaa laga helay xeebta Emhamid Al-Sharif ee qaybta galbeed ee magaalada, waxaana soo sheegay dad deegaanka ah oo la xiriiray saldhigga booliiska.

    Libya waxay noqotay marin ay maraan muhaajiriinta ka baxsanaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyagoo sii dhex maraya badda Mediterranean-ka, tan iyo markii uu dhacay nidaamkii kaligii-taliye Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011 kadib kacdoon ay taageerayeen gaashaanbuurta NATO. Colaadaha kooxaysiga ah ayaa dalka u qaybiyey dhinacyada bari iyo galbeed tan iyo sannadkii 2014-kii.

    Qasr al-Akhyar waa magaalo xeebeed qiyaastii 73 kiiloomitir (45 mayl) dhanka bari ka xigta magaalada Tripoli.

    Sawirro lagu baahiyey internet-ka, oo ay sidoo kale aragtay Reuters, ayaa muujinayey maydadka muhaajiriinta oo yaalla xeebta, iyadoo qaar ka mid ah ay weli ku dhex jireen agabka sabbaynta.

  5. Taliban oo digniin dirtay

    Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay "toddobo goobood iyo xero argagixiso" oo ku yaalla xadka Pakistan iyo Afgaanistaan, iyadoo la tixraacayo sirdoon.

    Dhanka kale, afhayeen u hadlay xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in tobaneeyo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqeymaha ay diyaaradaha Pakistan ka fuliyeen Nangarhar iyo Pakistan.

    Isla mar ahaantaana, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taliban ayaa ka digtay aargoosi 'waqtiga ku habboon'.

    Sida laga soo xigtay BBC Pashto, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareynayso weerarrada Pakistan ay dhawaan ku qaadday 'goobaha rayidka' ee gobollada Nangarhar iyo Paktika.

    Sida laga soo xigtay BBC Pashto, afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Afgaanistaan ​​Inayatullah Khawarizmi, ayaa hadal uu soo saaray oo lagu sii daayay mareegaha xiriirka bulshada ee X, wuxuu ku tilmaamay duqeymaha Pakistan inay yihiin "kuwo xadgudub ku ah madaxbannaanida qaranka Afgaanistaan" wuxuuna sheegay in Afgaanistaan ​​ay u aragto tallaabadan mid si cad u jabinaysa sharciga caalamiga ah, mabaadi'da deris wanaagga iyo qiyamka Islaamka.

  6. Daawo: Maxaa ka socda Iiraan?

    BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaalka dad mudaaharaadayaal ah oo Sabtidii shalay socod ku maray dhismaha jaamacadda Sharif ee caasimadda Tehran. Markii dambe waxaa la arkayay gacan ka hadal dhexmaray iyaga iyo taageerayaasha dowladda.

    Lifaaqa hoose ka daawo:

  7. Xamaas oo dib u qabsatay qeybo badan oo Qasa ah

    Markii xabbad-joojin ay soo rogtay dowladda Maraykanka oo ay hakinaysay dagaalkii Qasa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, dagaalkii Xamaas ee ka dhanka ahaa Israa'iil wuxuu isu beddelay loollan ay ugu jirto xukunka gudaha.

    Dagaalku wuxuu dhimay cutubyadii milatari ee caadiga ahaa ee kooxda, kuwaas oo isu beddelay xoogag dhuumaalaysi ah oo firirsan, waxaana la dilay inta badan hoggaamiyayaashoodii; dhismooyinkii iyo kaabayaashii Qasa intooda badan waa la burburiyay, dadkeediina waa la barakiciyay, dhaqaalaheeduna wuxuu noqday mid la ragaadiyay. Wasaaradda Caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 72,000 oo reer Qasa ah lagu dilay dagaalka iyo weerarrada Israa'iil.

    Afar bilood ka dib xabbad-joojinta, dadka deggan Qasa waxay leeyihiin Xamaas waxay mar kale ballaarinaysaa xukunkeeda dhinacyada amniga, daqliga canshuuraha iyo adeegyada dawladda, taasoo keenaysa su'aalo ku saabsan qorshaha fog ee kooxda iyo inay diyaar u tahay inay wareejiso hubkeeda iyo awoodda, sidii looga baahnaa wejiga labaad ee qorshaha nabadda ee Donald Trump.

    “Xamaas waxay dib u la wareegtay xukunka in ka badan 90 boqolkiiba aagagga ay joogaan,” ayuu yiri Maxamed Diab oo ah u dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha oo ku sugan Qasa.

  8. Wiil lagu dilay masaajid hortiisa

    Nin 18 jir ah ayaa dhintay ka dib markii lagu tooriyeeyay bannaanka masjid ku yaalla gobolka West Midlands ee dalka Ingiriiska.

    Booliisku waxay sheegeen in wiilal 19 jir iyo 20 jir sidoo kale loo qaaday isbitaalka ka dib rabshado ka dhacay bannaanka dhismaha Oldbury Road ee Smethwick wax yar ka hor 21:00 GMT Jimcihii.

    Magaca qofka dhintay galabnimadii Sabtida waa Zeshan Afzal oo ka yimid Smethwick, ciidamada West Midlands ayaa xaqiijiyay in baaritaan dil uu socdo.

    Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhacdadan aan loola dhaqmin mid diimeed iyo mid isir ahaanba.

    Dhaawaca labada nin ee kale ma ahayn kuwo nafta halis gelinaya, ayuu booliisku intaas ku daray.

    Ciidanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, isla markaana la arki doono ciidamo booliis ah oo deegaanka ku sugan si ay shacabka u qanciyaan.

  9. War deg deg ah, Trump oo canshuuro dheeraad ah kusoo rogay dunida

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku soo rogi doono canshuur dhan 15% caalamka, xilli uu sii waday eedeynta uu uga soo horjeedo go’aanka maxkamadda sare ee lagu baabi’iyay canshuurihii uu horay u soo rogay.

    Trump ayaa jimcihii sheegay in uu ku baddali doono canshuuraha ay meesha ka saartay maxkamadda 10% oo la saarayo dhammaan badeecadaha soo gala Maraykanka.

    Laakiin Sabtidii, wuxuu kaga dhawaaqay bartiisa Social Truth in tan la kordhin doono 15%.

    Kuwani waxay dhaqan geli doonaan Talaadada 24ka Febraayo waxayna jiri karaan oo keliya ilaa shan bilood ka hor inta uusan maamulku dalban ansixinta kongareeska.

  10. Maamulka Tigray oo beeniyay in ciidamada federaalka lagu amray inay galaan gobolka

    Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Gobolka Tigray ayaa sheegay in xogta lagu baahiyay in ciidamada Difaaca Itoobiya ay dawladda federaalku ku amartay inay galaan gobolka Tigray ay tahay mid “gebi ahaanba been abuur ah.”

    Maamulka kumeel-gaarka ah oo uu hoggaaminayo Letenant Janaraal Tadesse Werede ayaa arrintan ku shaaciyay bayaan maanta lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Madaxweynaha.

    Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada ku wareegayay macluumaad sheegaya in dawladda federaalku ay ku wargelisay maamulka kumeel-gaarka ah in ciidamada difaaca ay geli doonaan gobolka Tigray. Shalayna, waxaa xigay qoraal kale oo sheegayay in heshiis lagu gaaray in ciidamada difaaca la dejiyo xeryo ku yaalla gobolka dhexdiisa.

    Maamulka kumeel-gaarka ah ayaa labadan eedeymoodba ku beeniyay bayaan uu soo saaray maanta. Qoraalka ayaa lagu xusay in la wareejinayo macluumaad leh: “dawladda federaalku waxay amartay ciidamada difaaca Itoobiya inay galaan Tigray.”

    Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu yiri: “Maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray waxaa lagu geynayaa (ciidamada) siyaabo kala duwan, sidii horay loogu heshiiyay xeryihii hore ee Taliska Waqooyiga.”

    Maamulka kumeel-gaarka ah, oo qoraallada baraha bulshada ku tilmaamay kuwo “qalloocan oo marin-habaabin ah,” ayaa sheegay in “istiraatiijiyadda, isha, iyo ujeeddada laga leeyahay” faafinta xogtan ay tahay mid cad.

    "Maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray wuxuu rabaa inuu caddeeyo in xogta la faafinayo ay tahay mid gebi ahaanba been ah," ayuu raaciyay bayaanka.

    Xafiiska Madaxweynaha iyo Letenant Janaraal Tadesse ayaa soo saaray bayaankan xilli ay jirto cabsi laga qabo inay sii xumaato xiisadda u dhaxaysa dawladda federaalka iyo ciidamada Tigray, taasoo horseedi karta iskahorimaad.

    Bishii Janaayo, ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray ayaa ku dagaalamay deegaanno xuduud la leh gobollada Amxaarada iyo Canfarta. Isla markaasna, waxaa la soo wariyay weeraro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray, kuwaas oo uu ku dhintay hal qof. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda federaalka oo ku saabsan weerarradaas.

  11. Mareykanka iyo Iiraan oo dagaal qarka u saaran

    Iiraan iyo Maraykanka ayaa si xowli ah ugu sii siqaya iska horimaad milatari iyadoo ay sii yaraanayso rajooyinka laga qabo xal dublamaasiyadeed oo laga gaaro ismari-waaga ka dhashay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran, sida ay sheegayaan mas'uuliyiin ka tirsan labada dhinac iyo diblomaasiyiin ku sugan Khaliijka iyo Yurub.

    Dalalka Khaliijka ee dariska la ah Iiraan iyo cadowgeeda Israa'iil ayaa hadda aaminsan in dagaalku uu ka dhow yahay heshiis, sida ay sheegayaan ilahan, iyadoo Washington ay dhisayso mid ka mid ah saameynteedii milatari ee ugu weynayd ee gobolka tan iyo duullaankii Ciraaq ee 2003-dii.

    Xukuumadda Israa'iil ayaa aaminsan in Tehran iyo Washington ay marayaan meel adag, waxayna diyaargarow ugu jirtaa suurtogalnimada hawlgal milatari oo ay wada jiraan Maraykanka, inkastoo aan weli wax go'aan ah laga gaarin in la fulinayo hawlgalkaas iyo in kale, sida uu sheegay il xog-ogaal u ah qorshaynta.

    Tani waxay noqonaysaa markii labaad oo Maraykanka iyo Israa'iil ay weeraraan Iiraan muddo ka yar sanad gudaheed, ka dib duqeymihii cirka ee Maraykanka iyo Israa'iil ay bishii Juun ee la soo dhaafay ku qaadeen xarumaha milatariga iyo kuwa nukliyeerka.

    Mas'uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in dalalka Khaliijka ee soo saara saliidda ay u diyaar garoobayaan iska horimaad milatari oo suurtagal ah, kaas oo ay ka baqayaan inuu faraha ka baxo oo uu carqaladeeyo xasiloonida Bariga Dhexe.

  12. Xiisadda US-Iran: Maxay Iran dagaal uga dooraneysaa in ay 'isdhiibto'?

    Sii socoshada iyo sii kordhinta joogitaankiisa millatari ee Maraykanku ka wado gobolka ayaa hadda u muuqataa mid ka baxsan fariin diris (signalling), isla markaana u janjeedha diyaargarow dhab ah.

    Imaanshaha markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln meel ku dhow biyaha Iiraan waa tallaabo muhiim ah oo la dareemi karo.

    Markab kale oo isna kuwa diyaaradaha dagaalka qaada ah, USS Gerald R. Ford, ayaa markii ugu dambeysay isna lagu arkay meel u dhow Marinka Gibraltar, wuxuuna u jihaystay bariga si uu u taageero hawlgallo suurtagal ah. Qalab iyo cutubyo kale oo milatari ayaa sidoo kale loo wareejiyay gobolka, taasoo sii xoojinaysa aragtida ah in Washington ay diyaarinayso ikhtiyaarro milatari oo isdaba joog ah.

    Howlgelinnada noocan oo kale ah waxay noqon karaan cadaadis diblomaasiyadeed. Hase yeeshee marka la isu geeyo, waxay sidoo kale muujin karaan in wadahadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington ay gaadheen xaalad ismari waa ah, taas oo keeni karta tallaabo milatari haddii midkoodna uusan mowqifkiisa beddelin.

    Tani waxay dhalinaysaa su'aal aasaasi ah: maxay hoggaamiyeyaasha Iiraan, ugu yaraan si fagaare ah, weli u muujiyaan adkaysi iyagoo wajahaya dalka milatari ahaan ugu awoodda badan dunida iyo xulafadiisa ugu xooggan ee Bariga Dhexe?

  13. Israa'iil oo dishay sarkaal sare oo Xisbullah ka tirsan

    Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen bariga Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

    Kooxda mintidka ah ee ay Iran taageerto ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sarkaal sare oo Xisbullaahi ah uu ka mid ahaa dadka dhintay.

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay inay beegsanayeen goobo ay kooxdu ku leedahay dooxada Bekaa, iyagoo ku eedeeyay inay taasi ka dhigan tahay "xad-gudub lagu sameeyay isfahamka u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan".

    Duqeymahan ayaa ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Lubnaan tan iyo markii xabbad-joojin lagu soo afjaray dagaalkii dhexmaray Israa’iil iyo Xisbullaahi bishii November 2024.

    Weerarka Bekaa ayaa yimid saacado kadib markii Israa'iil ay duqaysay xero ay deggan yihiin qaxootiga Falastiiniyiinta oo ku taal koonfurta Lubnaan.

    Bayaan lagu baahiyay barta X, ayuu milatariga Israa'iil ku sheegay inay "ku dhufteen xarun ay Xamaas ku leedahay oo ay ka hawlgali jireen" oo ku taal agagaarka Ain al-Helweh.

    Labo qof ayaa lagu dilay duqeyntaas ka dhacday xerada dadka badan ay deggan yihiin, taasoo ku taal duleedka magaalada dekedda leh ee Sidon.

    Israa'iil ayaa fulisay weerarro ku dhowaad maalinle ah oo ka dhacay Lubnaan tan iyo markii ay dhaqangashay xabbad-joojinta bishii November 2024, ka dib 13 bilood oo colaad ah.

  14. Todobo xaaladood oo dhici kara haddii Maraykanku weeraro Iiraan

    Maraykanku wuxuu u muuqdaa mid isu diyaarinaya inuu weeraro Iiraan.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, Washington waxay kordhinaysay ciidamadeeda Bariga Dhexe haddana waxay u muuqataa inay doonayso inay ku uruuriso awood cirka ah oo ka badan tii ay halkaas ku lahayd wakhti kasta tan iyo duullaankii Ciraaq ee sanadkii 2003.

    Dabcan, tani weli waxay noqon kartaa khiyaano istiraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu cadaadiyo nidaamka Iiraan si ay u aqbalaan heshiis aysan rabin.

    Xulafada Carbeed ee Khaliijka ee Maraykanka ayaa la og yahay inay ka digeen weerar Maraykan ah oo keeni kara cawaaqib xumo aan la saadaalin karin.

    Sidaas darteed, inkastoo bartilmaameedyada suurtagalka ah ee weerar Maraykan ahi ay si weyn loo qiyaasi karo, natiijadu ma cadda.

  15. Muslimiin iyagoo Ramadaanka cunto cunaya la arkay oo lasoo xiray

    Booliska Islaamiga ah ee gobolka Kano ee woqooyiga Nigeria ayaa xiray sagaal qof oo Muslimiin ah, kuwaas oo la arkayay iyagoo cunto cunaya maalintii koowaad ee Soonka Ramadaanka ee sanadkan.

    Kano waxaa ku badan dad Muslimiin ah, halkaas oo nidaamka sharciga Islaamka - Shareecada - uu ka barbar shaqeeyo sharciga cilmaaniga ah.

    Booliska Islaamiga ah ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sanad walba bisha Ramadaan baara goobaha lagu shaaho, maqaayadaha iyo suuqyada si ay dadka Muslimiinta ah ugu xaqiijiyaan in ay ku adkeysanayaan saacadaha soonka. Dhismayaasha qaarkood waxay maqaayadaha ka furan yihiin meelaha ay ku nool yihiin Masiixiyiinta.

    Muslimiinta, cunista waa ka mamnuuc inta u dhaxaysa qorrax ka soo baxa iyo qorrax dhaca. Soonku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, kuwaas oo saldhig u ah sida Muslimiinta looga baahan yahay inay noloshooda u noolaadaan.

  16. Trump oo ku dhawaaqay tallaabada militari ee uu ka qaadayo Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo weerar militari oo xaddidan oo lagu qaado Iran si uu ugu cadaadiyo hoggaamiyayaasheeda inay heshiis ku gaaraan heshiiska lagu xakameynayo barnaamijka Nukliyeerka.

    Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay wariye saacado ka dib markii ay mas’uuliyiintu soo jeediyeen suurto-galnimada weerar lagu qaado.

    Khamiistii, Trump wuxuu sheegay in dunidu ay ogaan doonto "xilliga soo socda, malaha, 10 maalmood" haddii heshiis la gaari doono ama Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari. Mareykanka ayaa sii kordhiyay joogitaankiisa militari ee gobolka toddobaadyadii la soo dhaafay.

    Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa ka shakisan in Iran ay u dhaqaaqayso sameynta hubka Nukliyeerka ah, taasoo ay Iran waligeed beenin jirtay.

    Saraakiisha Mareykanka iyo Iran ayaa arrintan kulan kaga yeeshay Switzerland, waxayna sheegeen in horumar laga gaaray wadahadallada.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi oo jimcihii hadlay ayaa sheegay in Iran ay diyaarinayso "qabyo-qoraalka heshiiska suurtogalka ah" ayna ku wareejin doonto ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff maalmaha soo socda.

    Wadahadallada ka socda Geneva ayaa dhacay iyadoo ciidamada Mareykanka ay sii xoojiyeen joogitaankooda agagaarka Iran.

  17. War deg deg ah, Trump oo ka hor yimid go'aanka maxkamadda sare cansuuro cusubna soo rogay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo rogay cashuur cusub oo 10% ah oo caalami ah si uu u beddelo kuwa Maxkamadda Sare horey u joojisay, isagoo go’aankaas ku tilmaamay “mid xun” isla markaana garsoorayaasha diiday siyaasaddiisa ganacsi ugu yeeray kuwo “doqonn” ah.

    Madaxweynaha ayaa qorshahan shaaca ka qaaday isla markiiba ka dib markii garsoorayaashu joojiyeen inta badan cashuurihii caalamiga ahaa ee Aqalka Cad ku dhawaaqay sanadkii hore.

    Go’aanka Maxkamadda, oo ahaa 6-3, wuxuu muujiyay in madaxweynaha uu ka tallaabay awooddiisa.

    Go’aankan wuxuu guul weyn u ahaa ganacsiyada iyo gobolada Maraykanka ee ka soo horjeeday cashuuraha, isagoo albaabka u furey suurtogalnimada in balaayiin doollar oo cashuur dib loo celiyo, isla markaana abuuray hubanti la’aan cusub oo ku saabsan ganacsiga caalamiga ah.