Maalmo uun ka dib dooDdii telefishinka ee Biden ka hor
tagay Trump ee sida weyn loo dhaliilay hadalkIisa, Madaxweyne Biden ayaa wajahaya
cadaadis kaga imanaya qaar ka mid ah siyaasiyIinta xisbigiisa iyo codbixiyaasha
dimuqraadiyiintaba.
Dimuqraadiyiinta dalka oo dhan ayaa bilaabay in ay
su’aalo iska weydiiyaan in Mr Biden uu yahay musharaxa ugu wanaagsan xisbiga meteli
kara doorashada soo aaddan.
Inta badan codbixiyayaasha ayaa u malaynaya in
Dimuqraadiyiintu ay fursad fiican u haystaan inay sii hayaan Aqalka Cad
haddii Biden aanu ahayn musharraxooda.
Qaar ayaa sheegaya in aysan weli go’aansan in ay
taageeraan iyo in kale, halka qaar kalena ay ugu baaqayaan in uu iscasilo.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Joe Biden uusan
"gabi ahaanba" ka tanaasuli doonin tartanka madaxtinimada Mareykanka.
Afhayeenkiisa, Karine Jean-Pierre, ayaa u sheegtay
wariyeyaasha Mr Biden inuu "hore u socdo" ololihiisa dib u doorashada,
iyadoo beenisay warbixin lagu daabacay New York Times oo ahayd in madaxweynuhu
uu miisaamayay inuu ku sii socon karo qorshshan iyo in kale.
Biden, ayaana dhankiisa isna sheegay in uu kan tartamaya,
xilli ay sii baahayso xogta ku aaddan in uu is casilo.