Aqalka cad oo sheegay in Biden uusan ka hadhi doonin doorashada soo aaddan

Warar toos ah oo kala duwan

Tebin toos ah

  1. Hoogaamiyaha Labour-ka oo isna codkiisa dhiibtay

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Hogaamiyaha xisbiga Labour-ka ama Shaqaalaha. Sir Keir Starmer ayaa gaadhay goobta lagu magacaabo Willingham Tenants Hall ee magaalada London si uu codkiisa ugu dhiibto, xilli ay wada socdeen xaaskiisa Victoria.

  2. Rishi Sunak oo codkiisa dhiibtay

    .

    Xigashada Sawirka, PA

    Raysal wasaaraha UK Rishi Sunak, ayaa hadda codkiisii ka dhiibtay Koonfurta Yorkshire, isaga iyo xaaskiisa Akshata Murty ayaa la arkayey iyaga oo ku sii socda goobta cod bixinta.

  3. Doorashadii UK oo saaka bilaabatay xilli dadku ku qulqulayaan goobaha cod bixinta

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ka dib olole doorasho oo lix todobaad socday, dadka reer ayaa intooda go’aansataa codayn doontaa, xilli goobaha codbixintu guud ahaan furan yihiin dalkaas.

    Malaayiin reer UK ah ayaa awoodi doona in ay doortaan xildhibaanadooda cusub 40,000 oo goob codbixineed oo ku kala baahsan England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

    Xusuusnow, haddii aad ku sugan tahay UK oo ay tahay markii ugu horeysay ee doorashada guud dalkaas, haddii aad shakhsi ahaan u dhiibanayso codkaaga waxaad u baahan doontaa inaad keento aqoonsigaa oo sawir leh.

    Codbixintu waxay u furnaan doontaa ilaa 22:00 BST - ka dibna tirinta waxay bilaaban doontaa isla markiiba.

    BBC, waxa ay tebin doontaa oo keliya doorashada guud iyo halka wax marayaan, kama hadli doonno ololaha xisbiyada iyo waxyaalaha la mid ka ah.

    Goobaha codbixiinta sida loogu qulqulayo, cimillada guud iyo waxyaalaha kale ee gobolka ka jira, sida qof haddii uu qaniino ey oo kale ayaannu tebin doonnaa.

  4. Biden oo sheegay in uu sharraxan yahay xilli ay sii baahayso xogta shakiga gelinaysa caafimaadkiisa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maalmo uun ka dib dooDdii telefishinka ee Biden ka hor tagay Trump ee sida weyn loo dhaliilay hadalkIisa, Madaxweyne Biden ayaa wajahaya cadaadis kaga imanaya qaar ka mid ah siyaasiyIinta xisbigiisa iyo codbixiyaasha dimuqraadiyiintaba.

    Dimuqraadiyiinta dalka oo dhan ayaa bilaabay in ay su’aalo iska weydiiyaan in Mr Biden uu yahay musharaxa ugu wanaagsan xisbiga meteli kara doorashada soo aaddan.

    Inta badan codbixiyayaasha ayaa u malaynaya in Dimuqraadiyiintu ay fursad fiican u haystaan ​​inay sii hayaan Aqalka Cad haddii Biden aanu ahayn musharraxooda.

    Qaar ayaa sheegaya in aysan weli go’aansan in ay taageeraan iyo in kale, halka qaar kalena ay ugu baaqayaan in uu iscasilo.

    Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Joe Biden uusan "gabi ahaanba" ka tanaasuli doonin tartanka madaxtinimada Mareykanka.

    Afhayeenkiisa, Karine Jean-Pierre, ayaa u sheegtay wariyeyaasha Mr Biden inuu "hore u socdo" ololihiisa dib u doorashada, iyadoo beenisay warbixin lagu daabacay New York Times oo ahayd in madaxweynuhu uu miisaamayay inuu ku sii socon karo qorshshan iyo in kale.

    Biden, ayaana dhankiisa isna sheegay in uu kan tartamaya, xilli ay sii baahayso xogta ku aaddan in uu is casilo.

  5. Subax wanaagsan, waa maalin khamiis ah oo bisha Julaay ay afar, ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee maanta. Mahadsanidiin.